Xildhibaan Baarlamaanka Somaliya ka tirsan oo Doorashadii Xasan sheekh ku sifeeyey shil

0
108

xoosh_jabriil-496x400Muqdisho(Waaheen) Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay

mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoona sheegay inuu ku socdo si dar dar leh.

Xildhibaanka ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in mooshinkaan oo ay saxiixeen 139-Mudane ay ku soo biirayaan mudanayaal kale, kuwaasi oo dhowaan Baarlamaanka u gudbinaya si uu ugu codeeyo.

Doorashadii Xasan Sheekh waxa ay ahayd shil aysan ahayn inuu dhaco” ayuu yiri Xildhibaan Xoosh Jibril oo sheegay in Madaxweynaha uu ku takri falay awoodii Qaranka ee uu Baarlamaanka ku aaminay.

Arrimaha ugu waaweyn ee ay xildhibaanada ku eedeynayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka mid ah musuqmaasuq hantida Qaranka, tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, xadgudubyada dastuurka dalka iyo arrimo kale.