Ilayska noo baxaaya’ Culimadeena Qalinkii : Ahmed Ali Kahin

0
143

Ahmedckahin@gmail.com

SAWIRKA 3AADKaalinta culimadeenu nolosha kaga jirtay waxay ahayd mid gun iyo baara oo soo jireena  qiimo badan, ixtiraam iyo milgo culusna ku dhex leh dhamaan kaalmmaha hab nololeedkii dhaqan dhaqaale ee bulshadeena, taasi oo aad ka dheehan karto in dhamaan bulshadu ku abtirsato sheekhyo, waxaanu ahaa magac sharafeed  la lammaano ah, qadarin iyo hab maamuuska u sareeya ku lahaa cariga uu joogo oo aan nolosha marna looga maarmi Karin barkhad iyo balaayaba,. Haddii ay dagaal noqoto ama  ilma dhashay magac loo bixinayaayo.

Waxaan ku arkay daggalada Maqaalka (Anteenada Lacagta)ee uu qoray Maxamed Cabdi kariim sidaa daraadeed waxaan wax ka odhanayaa maqaalkaa. Oo aan u kala qaadi doono dhawr arrimood.

Takoobaad marka wax la naqdinayo ugu horreyn waa in dhamaan agabka la adeegsanayaa ay ahaadaan qaar togan ama dhaliisha la baha, oo dhamaan ashyaada iyo ashkhaasta maamuusan laga dheereeyaa goobta la abaarayo si aan la iskugu khaldin cida ay ku socoto eedu, sida gadhka, khamiiska ama surwaalka gaaban ama cid magac mudan si aanay makaxaha akhrinayaa u arag in uu jiro sawir isku dhaw in uu ka dhexeeyo.

Tallabaad  marka cid farta eedaynta, lagu fiiqayo, haddii ay jirto dallada balaadhan oo lawada huwan yahay waa in lookala haadiyaa haadin cadaalad sal u tahay, oo ishaiyo baalka laga tumaa. Waayo magac guud waala wadaagaa balse qofkastaa waxa uu leeyahay astaamo ugaara oo uu kaga duwan yahay ka kale. In la isku wada qaadaana waxay u eegtay in caddaalada laga fogaanayo.

Ta saddexaad waa in waxa kasta oo qofku daliishadu uu u hayaa (facts and figures) (xaqiiqooyin cadcad) oo meel loogu soo hagaago leh. Waayo marka la eeyahay Cashuur baalala baxsaday, waxbaa lasoo foojariyeeyay, iyo wax lamida waa in aad burhaantaada gacanta ku haystaa, haddii kale adiga laftaadu waxaad ku dhacday gaf hadaanad hayn weeyaan.

Hadaan maqaalka u soo gundo dago erayada ku jira hordhaca u horeeya waxay tilmaamaan qof runtii aan lagaranaynin basle la baha bahweynta wadaadada guud ahaan waxaanan jeclaan lahaa dhamaan in qoraagu astaamo gaara oo aan ku garano uu noogu tilmaabo cida uu sheegayo, balse astaamaha uu iftiimiyay waa kuwo cid gaara lagu yaqaano astaana u ah dad ladarisa diinta. In astaanta sideeda loo weeraraa waa dambi weyn oo culus . Waxa uu ku sii daray qoraagu waa (ganacsade yaqaana halka shilinku ku jira oo aan ukala eegin xaaraan iyo xalaal), waxaan leeyahay hadalkaa laftiisa ayaa u baahan in xalaasha laga sheego waayo waa arrin u baahan in la cadeeyo, in la ganacsadaana maaha mid xaaraana balse waa arrin dhiiri galinteeda leh oo Abuubakar allaaah hakaraali ahaado isaga iyo waalidiintiisiibee ganacsaduu ahaa sidoo kale Cusmaan binu Cafaan, Cabdiraxmaan Ibnu Cawf, Dhaman Allaah Raali haka ahaadee iyo rag kaloo badan islamankana waxweyn soo taray. Sidoo kale ganasigii khadiisa Allaah Raali ha ka ahaadee isna waxy waynbuu diinta soo taray.

Waxaan iyana hoosta ka xariiqayaa waxa uu safka hore hoos fadhiistaa sheekh hebel, runtii waxaan leeyahay dhamaan dadkaasi waxa laga dhigay eedaysanayaal, sigaara in dad tafsiir dhiganaya oo laga yaabo in aanay xidhiidh ganacsi lalahayn farta loogu fiiqaa iyagoo birmagaydo ah, mana ogin noocaasa oo safka hore fadhida. cida safka hore fadhida Allaah uunbaana daallacda quluubta dadka ilama haboona in sidaas hore la yidhaadaa.

(Waxa uu xariif ku yahay sida kastamada loo dhaco), runtii arrintaasi waxay dawlada ka caawinaysaa in sharciga la horkeeno dadkaasi waa in aad sheegtaa si cashuurtu ugu baaqato dawlada, in la dhaco  kastamadana iyo in ay laaluush qaataana waxaa ka jawaabi cida ay khusayso.

Erayga cajiibka ahi waa ka odhanaaya (Waddaadadda Ganacsatadda ahi Boobka iyo Xatooyadda Cashuuraha dawladda Miyaanay xaaraan u Haysan? Runtii qoraagu halkaa cidba muu kala reebin ee toos buu u abaaray wadaadada taasina waa gaf in umad dhan oo balaadhan oo noocwalba leh sidaa guud loo abaaraa.

Waxa uu xusay qoragu qofka umada wax ka xadaa in uu dambi ka galay umadoo dhan , haa waa gar, iyana miyaanay gardaro ahayn in wadaad oo dhan dusha looga tuuro eedayntaas oo dhan. Waxa uu qoruhu sheegay in wadaada ay qaar usoo jiideen ceeb sida in loo bixiyo Anteenada lacagta. Runtii wuu jira qof aan wanagsanayn koox kastana waa laga helayaa waxaan lee yahay wadaddaadadeenu ( ILAYSKII NOO BAXAAYAY CULIMADEENA).

Runtii waxaan kugu waafaqsanahay in ay culimadu hayaan dhaxalkii Rasuulka (Salaahu Calayhi Wasalam)  in lagu ixtiraamo meqaamkaasina waa mid muhiimadiisa leh. oo mid liita aan khaladkiisa dusha laga saarin dhamaan culimada. Eedayntooduna way ka culustahay ta qofka caadiga ah. Waxaana marag madoona in ay wax badan dadkooda iyo dalkooda u horeen oo aan cidina ku shiin mushahar halka qofkastaa uu la daalaa dhacayo arrimihiisa gaarka ah, ay iyaga u dheertahay dhamaan waajibaadka diiniga ah wali ma is waydiisay intaas oo masaajid oo ku yaala dalka oo ay ka shaqeeyaan intaas oo daddi oo u baahan baahiyo ka badan ta guryaheena,  iyo dadkaa maalin kastaa waajibaadka salaada inoogu yeedhaya inana tukiya yaa masruufa. Waa arrin in aynu hoos u eegno ina saran waxaana.

Dawladnimo waxa uu ku qeexay ibnu taymiyah Allaah ha u naxariistee waa sharci lagu ilaaliyo arrimaha bulshada.  Waxaana arrimaa ugu mudan arrimaha diinta sida ilaalinta masaajidada rutnii xukuumadana waxaan ku ammaanay idaacada quraanka kariimka ah oo nuur inoo soo kordhaya.

Sidaa daraadeed waxa iiga muuqda qoraalka in ay aad iskugu dhex qasan yihiin cida la abaarayo iyo wadaadka saxda. ah in taasi lakala cadeeyaana waa mid mudnaanteeda leh, takale ganacsatadu waa quudiyaha ama cashuurbixiyayaasha dakhliga uga badan dalka soo galiya in lagu sheego waa tuug iyo wax la mida maaha mid qabata, dalkana qiime wayen bay ugu fadhiyaan, balse qaabka dawladu cashuurta u ururusanaysaa waa masuulidyad saaran xukuumadkasta.

Gunaanad waxaan soo jeedin lahaa in meelo badan oo bulshada baahiyaheeda ah ayaa jira oo aan muran ka jirin in tooshka lagu ifiyo,  waxaan iyana soo dhawaynayaa fikirka xorta ah iyo doodaha hufan balse arrimaha culus ee diiniga ah waa in loo daayaa dadka aqoonda diiniga ah u leh. takale cida bulushada waxa ugu qiimaha badan u haysa in fagaare lagu eedeeyaa maaha mid quman . dhaliilahana waxay kala siman yihiin bulsha waynta, toodu waxay aad ka ugu muuqataana waxay sidaan shay aad u cad oo aan in yar oo madaw ah qarsan Karin oo ah diinteena. Balse waxaa jira qaabab wax loo saxo oo toosan, waxaanan qabaa in ay jiraa dhaliilo ka hooseeyo kuwa aad sheegtay, balse qaabka loo waajahayaa waa in ay ahaataa mid wax dhisaysa waayo waxay carabtu tidhaahdaa (Nasteedu laguugu nasteexeeyay gole la buuxaa waa fadeexad)

Allaa Mahadleh

Qalinkii: Ahmed Ali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.com