Sagaal Ruux oo Biyo La’aan ugu dhintay Deegaanka Waqooyiga Hargeysa iyo Mooganaanta Xukumada Siilaanyo

0
34

 

“Dirawalkii iyo Kirashboygii oo maydkooda uu cunay waraabe oo la helay iyo Todoba kale oo isku jira caruur iyo dad waaweyn oo lagu aasay Cabdi Geedi”

Hargeysa(Waaheen)  Sagaal  ruux ayaa Haraad ugu geeriyooday Tuullada Cabdi Geedi ee waqooyiga Hargeysa, dadkan oo isku jiray Dad waaweyn iyo caruur ayaa waxa ay u geeriyoodeen biyo la’aan soo foodsaatay ka dib markii ay waayeen biyo ay cabbaan.

Dadka deegankaasi ayaa Wakhtigan ku jira Xaaga oo kulayl baddani ka dhacayo xeebaha Somaliland.

Dadka Deeganka oo Wargeyska Waaheen la soo xidhiidhay ayaa sheegay in sagaal qof u dhinteen Haraad ka dib markii ay waayeen biyo ay cabban, dadka dhintay ayaa waxay kala ahayeen Labba Nin oo waadday baabuurta loo yaqaano Qareengooga kuwaasi oo baabuurkii ay wateen kaga cadilmay duleeedka Tuullada cabdi Geeddi isla markana haraad ay u dhinteen, waxaanay dadka deeganku sheegen in Labbadaasi nin oo kala ahaa Diraawalkii baaburka iyo Kirishboygii ay meedkooda laga helay meel baabuurka u dhow, waxaanay tilmaameen in mid ka mid ah uu maydkiisa uu cunay waaraabe, waxa kale isla Deeganka  Cabdi Geeddi lagu aasay 19 Bishan Ilmo yar oo u dhintay Haraad, waxa kale iyana Meesha la yidhaahado Lawga Cas laga helay Meeydka Afar Ruux oo iyagan Haraad u ugu dhintay kuwaasi oo ka mid ah dadka degen deegaankaasi.

Inta badan deegaanada waqooyiga Samaliland ayaa ku jira xaalad abaareed oo daran oo laga kala huleelay iyada oo ay ugu sii daran yihiin deegaanada Cabdigeedi Ceel La Helay ilaa Saylac inta u dhaxaysa. Xukuumadda Somaliland iyo indhaha haayadaha samofalka ayaan qaban deegaanadan haraadka loogu leeday, waxaana dadka tirada yar ee tuulooyinkaas ku sugan ka soo yeedhaya dhawaaqo ay ku dalbanayaan gargaar.