BAHDILAADII SIILAANYO LAGU BAHDILAY HARGEYSA AIRPORT. MAAHA MID SHAQSI WAXA LA BAHDILAY WAA SOMALILAND WAAYO WAA MADAXWEYNIHII QARANKA.

0
43

Salaan dabadeed waxaan rabaa inaan halkan wax ka idhaa ceebtii ka dhacday airportka hargeysa oo ah mid soo noqnoqatay.
Madaxweynahii wadanka oo afhayeenkiisii ku bahdilayo iyadoo indhaha caalamku hayaan, una sheegayo.markuu hadlayo iyo marka kale, marka uu fadhiisanayo iyo marka uu dhaqaaqayo.
Run ahaantii anigoo ka mid ah shacabka somaliland ee siilaanyo madaxweynaha u yahay, aad iyo aad ayaan uga xumaaday si foosha xun ee ka baxsan protocolka ee uu afhayeenkiisii ay ahayd inuu isagu wax u toostoosiyo uu u dhaqmay, sharaftiina uga qaaday madaxweynaha iyadoo indhaha caalamku hayaan oo meel walba laga daawanayo.

Arinkani waa markii labaad ee uu foolxumadan oo kale sameeyey afhayeenku isla airportka hargeysa kuna sameeyey madaxweynaha oo soo safar ka soo laabtay.
Hadaba maxaa khaldan miyay garan waayeen kuwan.ku xeeran madaxweynaha marka horeba saxaafad ha u yeedhina, Ma dan baan laga lahayn sumcada madaxweynaha iyo qarankan uu metelo?
Miyaaynaan odhan karin mucaarid iyo muxaafidba inagoo isku duuban badbaadinta somaliland waa in laga bilaabaa, Badbaadinta siilaanyo.oo laga badbaadiyo Mooryaanta uu gacanta u galay ee aan sumcadiisa iyo tan qaranka toona dan ka.lahayn.
Miyaanse diyaar u nahay sanad iyo badh dambe oo somaliland lagu bahdilo indhaha caalamka.

wa bilaahi tawfiiq
khadar jama
london uk