Maxaa dhici doona June 27-2015 by Mukhtaar cilmi

0
112

Maskaxda muwaadiniinta Somaliland ah waxaa ka guuxaya oo ay isweydiinayaan maalinta sabtida 27 JUNE 2015 maxa dhici doona iyadoo dawladu wakhtigeedu dhamaanayo jimcaha soo socda? wax heshiski dhagajin laha ee xisbiyaddu gaadhayn xukuumaduuna ay hakisay ?.Markaad eegto horumarka ay xukuumadda silaanyo ay ku faanayso runtii waa mid ay keensadeen shicibweynaha Somaliland, taasaana dhalisay nabad-gelyada iyo horumarka ay ku talaabasadayn umadda Somaliland , had iyo jeerna ka hor mariyo dan kasta ta dalka. Dawladda silaanyo waxay si badheedh ah ugala baxaan muwaadiniinta guryahoodii iyagoo aan haysan sharci ay ka sitaan Maxkamada ama aysanba jirin wax dembi ah oo ay galaan  taasina ay nasiib darro Dawladdu u jahaysey inay abuuraan qalqal iyo nabadgelyo la’aan .xoriyad la’aan iyo xasuus xun ayay maanta somaliland ku jirta 1988-1991, cid walba hadasha waa xabsi , cid walba ka mudaharaada dulmiga waa rasaas nool aya sugaysa, dhacdadii xaafadda daami yi muwaadiniinta degan waanu arkaynay sida arxan daradda xukuumaddan kula macaamishay umadda somaliland. iyadoo xukuumadda madaxweyne silaanyo laga sugayo inta jimcada gaadhayn inuu xal u keeno heshisyadi xisbiyada ee ku badbaadin laha somaliland isagoo dalka maanta ku soo laabanaya waxaa lagaa sugaya xal. maalinta jimcada dalkaan xukuumad sharci aan ahayen aya dul fadhi doonta hadii sidaas xaaladu ahaato. waxaa laga sugaya maalinta sabtida xisbiyadda qaranka iyo siyaasiyiinta in xukuumad cusub dalka hagto oo gaadhsiiso doorashooadda madaxtooyadda,xukuumad ku meel gaadh ah badasha tan macangiga ah ee umadeena cidhiidh galisay.maalinta 27 JUNE 2015 oo ah sabti waa inuu isbdel weyn ku dhaca xukuumaddan hangashta ah ee madaxweyne silaanyo matalayo.

 

By Mukhtar Cilm

 

mukhtarcilmi@hotmail.com