Caashaqii Awoowgay W/Q Maxamed Sadiiq Qaybtii 4aad.

0
69

 

DhameIsagoo qaadiraysan ayuu madbakha kalasoo booday dube iyo cawjad adeero Cawaale lahaa, intuu daakhilaanigii sudhay ayuu albaabkii jabiyay, anoo dunsan dermo halkeer taal ayay eedaday oo naxsani I kor timi “Ubax naa ubax eeddo Ila hadal maxaa ku helay kacbal bisinka naa kac tolow inanta maxaa ku dhacay” intay I rushaysay oo biyo qabaw madax igaga shubtay ayaan soo miraabay oo aan la hadlay eedaday oo idul taagan iyo inaabtigay oo naxdin gariiraya, “ Eeddo maxaa ku helay eeddo ma xaafadiiba dhibi ka dhacday eeddo ila hadal” intan cabaar aamusnaa ayaan si hose ugu idhi eeddo waan hoogay.

“Bisinka eedo maxaa kugu dhacay” Waxaan uga warramay sidii wax u dhaceen aabbahay inuu I siiyay Aw Faarax oo uu la ballamay guurna layla maagan yahay, eedaday oo aad u cadhaysan ayaa iigu hal celisay intaan noolahay ma dhacayso oo lagu jujuubi maayo eedo waxaad raacaysa kaad jamato ee aad raalida ku tahay odaygan baas ee iskaraabka ahna ha sheegin waa baabaco timo kasoo baxeen inuu ku hantiyaa eedo sara kac oo quraaco shaydaankana iska naar anigaa  dhamaynaaya  oo ka hawlgalaaya arinkaase.

Inat u yeedhay inankeedi ayay  dukaanka uga diratay in moobilka lacag loogu soo shubo, markii lacagtii ugsoo dhacday ayay eeddo la hadashay aabahay “ waryaahee maantana mataasad la timi oo inantii yarayd ee dugsiga ku jirtay ayaad odayada lasoo mastaafuriyay aad ku baadhanaysa way inoo tahay hadaanan shaqo kaa qaban axmaqayahoow” walal sideji oo I waydii sida arinku yahay aabbbahay wuxuu uga waramay eeddo sida xaalku yahay inaanu saamayn ku lahayn oo uu sideda ka yahay arinkaana ku faraxsanayn lana rabin Ubax odaygaas ee ay dhaqan tahay marka inan lagu waydiisto inanad golaha ka diidon welin aan arrin islamaanu meel dhigin walal ee is deji.

Aqalkayagii murugadaan ka qaaday iyo colaada I gashay dhankiisa ma eegin bil iyo ayaamo, wuxuunab ii sawirmaaya Aw Faarax oo soo tukubaaya qolqolkayaga oo ii baaqaya salaamad uurkutaalo weynaa, arrinkii waxa dub uga wada hadlay aabbahay iyo hooyo oo isku qanciyay in Aw Faarax loo sheego inaan diiday oo aanan guur diyraa u ahayn, waxay isla garteen aabbo iyo hooyo in la qanciyo odayga, waxa ku habboon inay qanciso hooyaday oo ay qaraabo yihiin, odaygii oo aqlkii loo camiray dhex hawaara intay u tagtay ayay uga warantay halka xaal maraayo “ inaader I dhagayso inantii yarayd ee aad aabbaheed waydiisatay si walba nidhi oo laguso marsiin waa ee aan inan kale kuu doone ingadaa Ubax raali kuguma ahee cuqubadeeda”

Odaygii oo u qaadan wayay ayaa aad uga xumaaday sida arrinkii aanu u suurogelin jacayl keli ku ahaaan la bukay beryahan ayaa Canab u sheegay inaanay suuro gal ahayne inanta la maslaxo oo lagu qanciyo guurka “ I dhagayso inanta xoolobdanna waan ka bixinayaa waanan dhoofinayaa si kasta haw dhacdee waa in Ubax lay dhisaa oo arrinkaa la dhameeya Canabeey” muran dheer markii la marsiin wayay odaygii in Ubax ka gacan taagtay hooyo Canab iskaga timi oo kasoo cadhootay odaygii iyagoon is afgaran waxana isla meeldhigin. duhurkii markii uu soo qado tagay Ducaale ayay warkii dhayda uga cadaysay oo u sheegtay in xaal halkaa maraayo odaygiina qanci wayay taladiisuna tahay in Ubax looso gacan gasho, way murugtay xaajadii inantii la marsiin waa oo diiday odaygiin quusan waa oo halkanuu soo miciyo lisanayaa sheekadu waa qotonsadaye halay qodo.

Arinkii odayo gale oo qaad iyo qado waafiya laga calfay Aw Faarax kolba laba oday qalin shubateeye oo yidhaahee annaga dhamaynayana oo arrinka sallaxayna ee maanta fadhigayaga qaad berina aanu kuguso war celino, Ducaale laysu so daba mar “ waar ma inanta yare e aad dhashay ayaad qancin kariwayday alle ku biyeeye waar ma inanu kuu dhaafnaad doonaysa oo aanu hawshaa dhamayn caawa kasoo dhalaal arinkaas oo inanta soo yeelsi odaygana lacagta ka shuboo oo mariin iyo meherbadanbuu diyaar la yahayee ka reeb ninka adduunka alle ku dooriye”