“Somaliland Waa waddankii ugu horreeyey ee Somaaliyi leedahay ee Geeska Afrika ka qaatay Xornimo” Axmed ismaaciil samatar

0
99

SAMATARHargeysa(Waaheen)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah Aqoonyahannada Somaliland u dhashay ee caalamka uga ololeeya sidii ay ictiraaf u heli lahayd,

ayaa Dood adag oo uu ka qaybgalay si weyn uga difaacay Karaamamada iyo Xuquuqda Dawladnimada Somaliland.

Professor-ka oo dooddaas afkiisa iyo aqoontiisaba kaga difaacay Somaliland, ayaa ku adkaystay inay Somaliland qaran Madax Bannaan, isla-markaana ay jirtey xilli aanay Soomaalidu wax dawladnimo ah aqoonba u lahayn.

Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu  sheegay  kala duwanaanshaha xagga fikirku yahay wax aan la yaab lahayn, isagoo tusaale u soo qaatay Kala duwanaanshaha u dhexeeya isaga iyo walaalkiisa Cadbi ismaaciil Samatar,

“Somaliland waa Dal calaamado gooni ah noloshiisu ay leedahay, somalina waa la wada yahay, aniga iyo Cabdi samatar walaalo ayaanu nahay, laakiin waanu kala duwanahay, waana walaalkay, Wuu iga dheer yahay, waan ka qurux baddanahay, mataanuhuna iskumid xataa ma aha.” Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo hadalkiisa sii wata, ayaa gudo galay hogo-tusaalaynta iyo hufidda hannaanka loo qiri karo xaqa ay somaliland uleedahay in ictiraaf la siiyo, waxana uu yidhi,”Waxana qabaa inay somaliland leedahay calaamado gaar ah oo ugu yaraan afar amuurood ay hoosta ka xarriiqeen oo ay ugu horrayso calaamadintii Xudduudeeda,  waxa kale oo ay tahay dal  dadkiisa shir loogu qabtay London bishii may 12-keedii 1960-kii. Dadkii shirkaas loo qabtay oo iyaga iyo ingiriisku isa soo horfadhiisteen oo iska daa wixii la qoraye sawirkii dadkaas la hayo, Waftii somaliland ka socdayna afar qof baa fadhiyey oo ay kamid ahaayeen Maxamed Ibraahim Cigaal, Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur iyo Axmed Jaamac Ducaale.”

Professor-ka oo Hadalkiisa sii wata, isla-markaana dhex xulaya sharraxaadda uu ka samaynayo qoddoba ay somaliland dawladnimadeeda ku hirgelisay, ayaa waxa uu yidhi,

“ta saddexaad waxa weeye in June 26,1960-kii in wax somaliland la yidhaahdaa ay dhalatay oo meel aan dabbaaldegeedu ka dhicin aanay jirin, timacadde gabayadiisiina waa yaallaaan, waana waddankii  ugu horreeyey ee Somaaliyi leedahay ee Geeska Afrika ka qaatay Xornimo. Ta Kalena waa Kawdii Bishii July isla sanadkaas in iyadoo ay niyaddooda kasoo go’day in laga yaabo in dan weyni ku jirtey in umaddii soomaaliyeed isku soo noqoto labadii dalna la isku keenay.”

Waxa uu Axmed Ismaaciil Samatar ka Hadlay dib ulasoo noqoshadii Xorriyadda Somaliland, waxana uu tilmaamay in Somaliland dib u qaadatay Heshiiskii ay hore ula gashay Somalida Koonfureed,

“waxa kale oo somaliland calaamad u ah inay dadkii Reer Somaliland intoodii badnayd oo aan anigu kasoo horjeeday in wada-jirkii somaliland iyo Somalia sida uu haatan u yaallo inaanu faa’iido badan keenin, kala tagguna yahay wixii aanu halkaas keenay ayaanu haddana qaadanay oo la noqonay.” Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Dooddan uu Axmed Ismaaciil Samatar Hadalladan ka jeediyey, ayaa waxa la doodday Xubno aaminsan Fikirka Somaliweyn, waxana Doodda markii dambe ay noqotay mid mugdi gashay oo xubnaha qaarkood isaga dareereen.