Xukumada Madaxweyne Siilaanyo oo ku Fashilantay Xaalinta Khilaafka Jamacada Hargeysa iyo Wasiiro Xukuumada ka tirsan oo Koox Hubaysan Ku Dhex Garaacday

0
85

 

jamacadaWasiir ku-xigeenkii hore ee cafimaadka oo koomo ku jira iyo Wasiirka Cadaalad oo Dhawac culusi ka soo gaadhay Wajiga

Kooxdii Weerartay Gudida Sarre ee Jaamacada oo urursaday   Mobiladii iyo Shandadihii ay siteen Masuuliyiintu iyo Booliska oo aan waxba ka Qaban

 

Hargeysa (Waaheen) Jaamacada Hargeysa ayaa Shalay waxa weeraray koox dhalin yaro ah Kuwaasi oo gudaha u galay  Shir u socday Guddida Sarre ee Jaamacada Hargeysa ee loo yaqaano (BOD).

Warar Xogogaal ah oo Wargeyska Waaheen dhacdadaasi ayaa sheegay in Dhalinyaradaasi markii ay galeen goobtii shir ka socday  ay khaasare gaadhsiiyeen Wasiirka Cadaalada Xussen Axmed Caydiid oo la sheegay in dhawaac uu ka soo gaadhay Wajiga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore ee Caafimadka ee Dawladii Riyaale Mahdi Cisman Buuri isaga dhawaac culus uu soo gaadhay laguna Daweynayo  Cisbitaalka Hargeysa waxaanay wararku sheegayaan in uu  koomo ku jiro, waxa kale oo iyana dhawacyo kala duwan oo qaar lugaha ka jabeen soo gaadheen Xubno kale oo gudidaasi ka mid ah, halka Haweenay ka mid ah Gudidaasi isla markana ka shaqeysa Hay’ada caalamiga ah iyana dhawac uu soo gaadhay, waxa kale oo Gabadhaasi xoog kooxdasi kaga qaadeen Shandadii iyo Mobiladii ay sidatay,  Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa ayaa iyaguna faro cididood kaga badbaaday Weerarkaasi.

Dhalinyarada ayaa la sheegay in ay ahaayeen qaar cadheysan isla markaana ka war hayey in gudidu meesha ku shirayso, waxaanay markiiba gudida oo shiraysay  la boobeen Kuraas iyo qalabkii kale ee meesha yaalay isla markaan goobtii uu ka dhashay jahawareer, waxa la waayey in aanay jirin cid u soo gurmatay Gudidaasi iyada oo cadeynaysa Habacsanaanta Xukumada Silaanyo ee dhinca Amaanka iyada oo tahli kariwayday in Masuuliyiintaasi Damaanad qaaddo Aamankooda, waxan arrintani fadeex ku tahay Qaranka Somaliland isla markaana ay ugub tahay dhacdadani oo aan hore dalka uga dhicin in wasiiro intaasi leeg la weeraro oo khaaso la gaadhsiyo.

Falkan Jaamacada Hargeysa ka dhacay ayaa la sheegay in uu ka danbeyey khilaafkii ka dhashay labba ka mid ah Hormuudyada Jaamacada Hargeysa oo gudida Sarre ee Jaamacadu shaqada ka joojisay, kuwaasi oo la sheegay in ay Jaamacada Tageen iyada oo go’aan danbe laga gaadhin, isla markaana falkaasi uu dhacay iyaga oo jaamacada ku sugan.

Xukumada ayaa la sheegay in ay Fulin wayday Go’aankii gudidaasi soo saartay taasina keentay in Madax laysla gallo oo dhibaatadaasi ka dhacdo, waxa xukumada Siilaanyo lagu tilmaama mid go’aan qaadashadu ku yar tahay oo madax isku galisa hay’ada kala duwan , isla markaana Nabar hoosta ka Buuka Dusha ka dhayda in kasta oo marka danbe arrintaasi ku qaraxdo waxaan tusaale ku filan dhacdadii  shalay ka dhacay jaamacada sida la ogyahay khilaafkeedu  muddo soo jiitamayey, xukumadu ka muquuratay in ay wax ka qabto oo arrintaasi xal laga gaadho.