Suldaan Maxamed Xasan Oo Kamid Aha Madax Dhaqameedka Waa Weyn Ee Somaliland Oo Geeriyooday.

0
73

sulHargaysa(Waaheen)Inaa lilaah waa Inaa IleyhiRraajicuun.Waxaa Magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland ku geeriyooday  Suldan Maxamed Xasan  oo kamid aha Madax dhaqameedka iyo Ganacsatada waa weyn ee dalka, Marxuumka oo ilaa xalay ku jiray xaalad caafimaad oo aad u culus ayuu xaqii alle u yimi.

 

Suldaan Maxamed Xasan wuxu kamid aha asaasayashi Sherkada weyn ee Telesom, isago muddo dheerna aha masuuliyiinta hawsha sherkada kala wada, wuxu ka soo qabtay jagada Madaxa shaqaalaha, wuxuna kamid aha todobada shakhsi ee ugu sareeya sherkada isla markaana Saamiga ugu badan leh.

Geesta kale wuxu aha Marxuumku Suldaanka Beesha Degaanka Goda weyn, xilkaas dhaqanka oo beesha Degaankaasi ay u doorteen isagoo hayay muddo 10-sanno ku dhaw, wuxuu aha shakhsi afgaaban, ehlu diin ah. Dhammaan Bahada Somalilandtoday Media Group, waxay tacsi u dirayaan ehelkii Qarabadii iyo Qaranka Somaliland geerida Marxuumka. Allah isaga weyne godka hawnuuro Marxuum Suldaan Maxamed Xasan………..Amiin………..Amiin