Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Bristol Cabdilaahi Cige oo Hadhimo Sharafeed u sameyey Taageeryaal ku soo Biray.

0
130

 

bb 11336040_877765535592200_2090368359_n 11336064_877765645592189_1831996607_n 11352467_877765088925578_497336713_n 11429010_877765455592208_1476043338_nBristol (Waaheen) Xaflad si qurux baddan loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayey taagerayaal cusub oo ku biiray Xisbiga Waddani Laantiisa Bristol ayaa lagu qabtay magaaladaasi.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Laanta Bristol Cabdilaahi Cabdi Cige ayaa hadhimo sharafeed u sameyey taagerayaashasi ku soo biiray xisbiga Waddani, Xafladaasi oo Guddoomiye Cige ka hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyey qorsha xisbiga Waddani iyo Barnaamij siyaasadeedka uu xisbigu ka duulayo, waxaanu xusay in xisbiga waddani yahay Bahweyn ay ku midoobeen shacabka Somaliland isla markanaa cid wal oo ku soo biirta ay soo dhaweynayaan.

Waxa kale oo ka hadlay xaalada iyo Duurufaha qalafsan ee ka jira dalka waxaanu sheegay in marka tallada dalka ay qabtaan waxa baddan ka badalidoonan oo shacabka Somaliland waxa u qabban doonaan.

Guddoomiyaha Xisbiga  Waddani ee Bristol Cabdilaahi Cige waxa kale oo uu ka hadlay sidda loogu bahan yahay in ay reer Bristol ay iskugu duubnaadan oo xisbigooda ay garab istaagan.

Taageeyaashan iyo Masuuliyiintan hadhimo sharafeedka loo sameyey ayaa waxa ku jiray Dadka magac weyn ku leh Bristol kuwaasi oo sheegay in ay garab taggan yihiin xisbiga waddani, isla markaana ay ku soo biireen.