Maxkamada ICC Oo Dalbatay In La Xidho Madaxweynaha Sudan Oo South Afrika Jooga

0
59

sudanJohannesburg (Waaheen)Madaxweynaha Sudan, Cumar Al-bashiir ayaa gaadhay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Africa, halkaasi oo uu kaga qayb galayo shirweynaha madaxda Africa ee Axadda maanta furmaya.

 

Maxakamadda dambiyada dagaalka dunida ICC ayaa sanadkii 2009 Cumar AL-bahiir u jartay waaran qabasho ah, isagoo tan iyo wakhtigaasna xaddida u socdaalida wadamada xubnaha ka ah ICC.

Madaxweynaha ayaa Sabtidii gaadhay Johannesburg, isagoo hogaaminaya weftiga shirka uga qayb galaya Sudan, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan South Africa iyo diblamaasiyiinta dalkiisa ee halkaasi jooga.

Madaxweyne Bashiir ayaa waxa uu wajahayaa eedo dambiya dagaal oo ay ku soo oogtay Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada ee The Hague, kuwaasi oo ku salaysan xad gudubyo uu ka gaystay gobolka Daarfuur.

Maxakamadda ICC, ayaa koonfur Africa caddaadis ku saaraysa inay xidho madaxweynaha Sudan, maadaama ay xubin ka tahay maxakamadda dambiyada, balse wali wax jawaab ah kamay bixin Koonfur Africa dalabkaasi.

Guddoomiyaha golaha wadammada ICC, Sidiki Kaba, ayaa muujiyey walaac weyn cawaaqibka ka dhalan kara haddii Koofur Afrika diiddo inay u hogaansanto wax uu ku tilmaamay waajibka caalamiga ee ka saaran inay xiraan Al-Bashiir.

Midowga Afrika ayaa hore u diiday inuu iskaashi kala sameeyo Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada, isagoo ku eedeeyey inay ka eexato hogaamiyeyaasha Afrikaanka.

Maadaama aanay ICC lahayn ciidamo soo xidha cidda ay waaran qabasho ah u jarto waxaa waajib saaran yahay wadamada xubnaha ka ah maxakamadda oo cidda la raadinayo soo xidha marka ay wadankooda soo galaan.