Hargeysa: Machadka Ibnu-Baas Oo Tartan Culuumta Sharciga ah soo gabo gabeeyey

0
112

Waxa Abaal marino kala duwan la gudoonsiiyey Ardaydii ku guulaysatay

11429002_970241332996671_303575405_nHargeysa(Waaheen)Munaasibad Jaa’isado lagu gudoonsiinayey Ardaydii ku guulaysatay Tartan mudo 4 Bilood ah ka socday Machadka Imaamul Ibnu-Baaz ayaa lagu qabtay Masjid Nakhiil ee Hargeysa oo ay ka soo qayb galay Qaar ka mida Culumada waawayn ee Dalka oo uu ka mid yahay Sheekh Barbaraawi, Wasiirku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Marti Sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horeyn Sheekh Yaasiin ibraahim Jaamac oo Furitaanka Munaasibadaasi khudbad Qiimo badan ka jeediyey ayaa ka waramay Faa’iidada uu Cilmiga Diintu u leeyahay qofka bani aadamka ah noloshiisa waxaanu soo jeediyey in arday baratay cilmiga shareecada islmaamka uu ka muuqdo cilmiga ay barteen isagoo ku baaqay in culimada la ixtiraamo waxna laga barto.

Maamulaha Machadka Imaamul ibnu-Baaz Faysal Yuusuf Cilmi ayaa ugu horeyn mahadnaq balaadhan u jeediyey Culimda ka soo qayb gashay munaasibada Abaal marinta Ardayda ku guulaysatay Tartanka Culuumta Shareecada, Dhinaca kale waxa uu ka waramay Machadka iyo qaybihiisa isagoo sheegay inuu machadku soo saaro Dad aqoon dheer u leh diinta oo faafiya, isagoo xusay in ilaa waqtigii la aasaasay oo ahayd 2008-dii ay ka qalin jabiyeen boqolaal arday.

Maamulaha Machadka oo ka waramay Tartankan oo socday mudo 4 bilood ah ayaa ka dhawaajiyey inaan loo kala xulan Siday Class-yadu u kala sareeyaan ee ay ka siman yihiin dhamaan Ardayda wax ka dhigata Machadka Imaamul Ibnu-Baaz, waxaanu Xukuumada si cad ugu sheegay inuu Machadku kaalin Mugle ka qaatay horu marka diinta islaamka waxaanu intaa ku daray inay ku soo kordhiyeen qayb Dugsi sare ah.

Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi Barbaraawi ayaa Machadka ibnu-Baaz uga mahad naqay dadaalka ay galiyeen Barashada Cilmiga Diinta Islaamka, isagoo ku dheeray Dariiqa Cilmiga Barashadiisa loo marayo, waxaanu si gaar ah ugu bogaadiyey Machadka Ibnu-Baaz Tartankan Culuumta Shareecada Islaamka ee lagu abaal marinayey Ardaydii ku guulaysatay.

Sheekh muse Cabdiraxmaan tarax oo ka mid ahaa Culimada Munaasibadaasi ka soo qayb gashay ayaa ka waramay Sifaadka looga baahan yahay Qofka Cilmiga baranaya iyo talooyinka ay tahay in la siiyo, iyo Akhlaaqiyaadka looga baahan yahay inuu yeesho, waxaanu dhanaca kale ilaahay uga baryey inuu ku anfaco Cilmiga shareecada iyo Tartankii ay mudada soo wadeen Ardayda Machadka Ibnu-Baaz.

Axmed Cabdisalaan Aadan ayaa Cilmiga Waxtarka leh ku sifeeyey Cilmiga lagu Camal Fallo ee lagu dhaqmo ee ay barbar socdaan ALLAH ka cabsi iyo Cibaado, dhinaca kale sheekh Cabdirisaaq Xasan Xuseen ALBAANI ayaa dhinaciisa sii xoojiyey Cilmiga iyo ku Camal Falkiisa, waxaanu soo Jeediyey in Bisha Ramadaan ee Fooda inagu soo haysa laga wada Faa’idaysto.

Wasiirku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland  Cabdirashiid Imaaciil Kaahin oo Munaasibada ka soo qayb galay ayaa sheegay inay Wasaarada Waxbarashada Farxad u tahay Doorka uu Machadka Ibnu-Baaz kaga Jiro ku barbaarinta Diinta islaamka ee Ardayda da’yarta ah, waxaanu aad ugu bogaadiyey Maamulka Machadkaasi dadaalka ay ugu jiraan Cilmiga Diinta islaamka iyo barashadiisa, Wasiirku xigeenku waxa uu xusay inay Xukuumada Siilaanyo ta kaliya ee Abaal marino qaaliya u bixisa dhiiri galinta Barashada Diinta islaamka.

Gabobagadii waxa Masjidka Abaal marino kala Gadisan lagu gudoonsiiyey  Ardaydii Ku guulaysatay Tartaka Cilmiga Shareecada islaamka.