Odayaasha Iyo Wax Garadka Dagmada Sayla Oo Ka Gudoomey Deeq Lacag Ah Hibaaq Yuusuf Aadan oo lagu dhisayo Saldhiga Boolis Sayla.

0
112

 

DSC00773(1) DSC00776 DSC00777 DSC00778(1) DSC00778 DSC00780 DSC00781Hargeysa (Waaheen)   Qaar ka mid ah  Odayaasha iyo waxgaradka Dagmada Sayla ayaa maanta deeq lacag oo ay soo gaadhsiisay ka gudoomeey Muwaadinad reer Somaliland ah gaar ahaan ka soo jeeda degmada Sayla Ugu Horayin waxa munaasibadaasi ka hadlay Cabdi Cismaan Axmed Gudoomiyaha Horumarinta Degmada Sayla  “Kolay waxa ku soo Tartamay shirkado Badan tiraba afar shirkadood ayaanu inantaa u gudbinay qiimihii ay noo soo Gudbiyeen markaas tii aanu ka qaadanay ayaa soo dirtay qiimaheedii Alle Miisaanka Xasanada Ha ugu Daree lacagtii waxa ay na tidhi maaha lacag aan cid ka soo ururiyay ee waa mid aan jeebkayga ka keenay

 

Anaguna waxaanu leenahay Alle Miisaanka Xasaanaadka ha kugu daro halkaas ka soo saaratyna Alle Waxa Khayr Qaba ha kugubadalo dadka kale ee gudaha iyo dibadba joogta waxaanu leenahay inantaas ku dayda oo idinkuna qaybtiina ka soo baxa ayaanu idin leenahay shirkada qaadatay mashruucan waxa la yidhaa iisti wistiraan ayaa la yidhaa masuuliyiinteedii waa nala joogaan iyaguna.

 

Waxa Isaguna dhankiisa halkaasi hadalo ka soo jeediyay Wakiilka Lacagtan Lugu Soo hagaajiyay Xasan Axmed Ismaaciil waxan uu yidhi “ Soomaalidu Waxa ay ku maahmaahdaa xalaal iftiin baa la qashaa markaa qofku marka uu waxa bixiyo sidi uu ugu talo galay ayaa loo mariyaa taasna waa sababta aanu maanta warbaahinta ugu soo ban dhignay markaa sidaan sheegnay lacagtan gabadh ayaa bixisay waan gabadh shaqaale ah markaa inaga lacagtii yarid ee ay qaadanaysay ayaa sagaalkaa kun inooga soo gaadhsiisay . – See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=157879#sthash.nVrmyyXu.dpuf

Waxa Isaguna dhankiisa halkaasi hadalo ka soo jeediyay Wakiilka Lacagtan Lugu Soo hagaajiyay Xasan Axmed Ismaaciil waxan uu yidhi “ Soomaalidu Waxa ay ku maahmaahdaa xalaal iftiin baa la qashaa markaa qofku marka uu waxa bixiyo sidi uu ugu talo galay ayaa loo mariyaa taasna waa sababta aanu maanta warbaahinta ugu soo ban dhignay markaa sidaan sheegnay lacagtan gabadh ayaa bixisay waan gabadh shaqaale ah markaa inaga lacagtii yarid ee ay qaadanaysay ayaa sagaalkaa kun inooga soo gaadhsiisay . Sidoo Kale waxa munaasibadaasi hadalo ka soo jeediyay Xildhibaan Axmed Obsiiye “Goob Joog waxaan ka nahay arinkan cabdi iyo xasanba iska daba qaateen in gabadheenee Hibaaq Yusuf Aadan ay ugu deeqday dagmadii sayla labadaa qol suligoogii iyo dayrkoogii oo lugu talo galay Saldhig Boolis Kolay waxa hore loo sii taagay laba qol waxaan ay nugu qaadatay mudo sadex sano ah inantan waxa ay naga furatay baahidii ugu waynayid oo ahyid dhinaca amaanka oo dagmada loo dhiso Waxa Dhacday in aanu mar maxkamada sare aanu u doonnano xaakim dagmada ah waxa ay na waydiisay meeday meshii la dhigaaya marka uun ninkan xaakumka ahi waxa xukumo ee waxa lugu xidhi lahaa maanta Alle xamdigii waa loo dhamaadeen .

Gabagabdii waxa munaasibadaasi Soo Af meeray Ducana ku soo gabagabeeyay Boqor Cali Xuseen Kaahin “xafladan maanta waa inoo farxd dadka qurbaha jooga waxaan leeyahay waar ku dayda gabadhaa walashiin ah waxaan Alle ugu baryaya in uu cafiimaad qab iyo cimri dhareer Siiyo meeshii ay ka so saartayna cawil khayr qaba Alle Ha Ugu Badalo, ugu dambayntii waxa isla munaasibadaasi lacatii kula kala wareegay masuuliyiintii Dagmada iyo shirkadi dhisi lahayid dhismaha .