Caqabadda Afka Ee Barashada Aqoonta by C/raxmaan C/laahi Warsame

0
103

Tan iyo intii ilma Aaden horumar ka gaadhen qoridda afka ay ku hadlaan, waxa marba marka ka danbaysa soo xoogaysanayay kaalinta afku kaga jiro barashada aqoonta. Dadina adduunka horumar la taaban karo kama uu gaadhin isaga oo aan adeegsan afkiisa oo uu si fiican u garanayo.

Dadkii adduunka wax muuqda ku soo kordhiyay, dhammaantooda waxay marka hore horumar ka gaadheen afkooda hooyo si ay labada sacab ugu gurtaan aqoonta adduunka ee meel walba daadsanayd.

Khaliifkii muuminiinta ee Al ma’muun ee wakhtigii cabbaasiyiinta (C.E 813-833), oo lagu tilmaamo inuu ahaa khulafadii soo martay dawladdii cabbaasiyiinta kuwii ugu aqoonta jeclaa, markii uu doonay inuu aqoonta heersare gaadhsiiyo, waxa uu diray aqoonyahannadii muslimiinta inay dunida oo dhan ka soo ururiyaan buugaagtii aqoonta ee ilbaxnimooyinkii hore, sida giriiggii hore, Hindidii hore iyo ilbaxnimadii shiinaha, qofkii keena buug waxa uu u ballan qaaday inuu siinayo buugga  miisaankiisa oo dahab ah. Buugaagtaa khaliifku waxa uu ugu talo galay in loo tarjumo af-carabi si dadka muslimiinta ahi uga dhargaan ugana cabbaan aqoontaa kala duwan.

Sidoo kale, kali taliyihii Maxamed Siyaad Barre, waxyaabaha lagu xasuusan doono waxa ka mid ah inuu manhajkii waxbarashada ee dalka ka dhigay af-soomaali illaa dugsi sare, taasina ay keentay in ardaydii soomaalidu si buuxda uga dhargeena aqoonta.

Haddaba haddaynu u soo noqonno soomaalilaan dugsiyada hoose/dhexe oo afka hooyo lagu dhigto marka laga tago, dugsiyadii sare oo aqoona inta badanna lagu dhigto, waxa uu ku baxaa af shisheeye, taasi oo caqabad buur leeg ku noqotay ardaydii inay cilmiga durduurtaan. Sababtuna waxa weeyaan ardaygii oo aan afkii ingiriisigaba si fiican u garanayn ayaa cilmigii oo dhan oo isla afkaa ku qoran lagu soo af rogayaa, markaasuu cunaha u dhaafi waayayaa.

Arrinta ka sii daran ee ay tahay in laga murugoodo ayaa ah in wasaaraddu wakhtiyo dhawayd ay af soomaliga laftiisa ka saartay in lagu dhigto labada fasal ee ugu danbeeya dugsiga sare, iskaba daa in wax lagu dhigtee, inkastoo markii danbe, dhaliilo badan ka dib oo ay soo gudbiyeen aqoonyahannada dalku laga noqday oo hadda kadib lagu darayo.

Marka la eego natiijada ay ardayda dugsiyada sare ee dalku ka keenaan imtixaanka shahaadiga ah ee dawladdu qaaddo, oo ah mid aad u hoosaysa, sababta ugu weyn ee ugu wacani waxa la odhan karaa inay tahay caqabadda afka ka haysata. Arday badan baa haddii su’aalaha ay af ingiriisiga ku garan waayeen lagu weydiiyo af soomaali, si qurux badan oo cilmiyaysan uga jawaabi lahaa, waayo waxa badan ardayga masaaladii la weydiiyay garanaya balse ay ku adagtahay in uu af ingiriisi ku soo gudbiyo.

Haddaba aqoontu ma af qalaadbaa? Ardaygii haddii aanu af ingiriisigii garanayn balse uu aqoontii si fiican u hayo maxaa loogu khasabayaa inuu af kale ku qoro oo ku soo gudbiyo aqoontii.

 

C/raxmaan C/laahi Warsame

cbdrxmngeni@yahoo.com

Hargeysa Somaliland