Golaha Deegaanka Ka Masuula Kadeedka baslayaasha iyo bulshada Kala Haysta..

0
45

11392824_893485774044309_3551397048798945929_nBasaska ka dhex shaqeeyaa xaafadaha magaalada hargaysa iyo gobolada kaleba waxa haysata hal dhib oo ay ka siman yihiin xalkedu se aanu fogayn, mushikalada rakaabka saaran iyo basalahaba markasta buuq ku ridda oo aan damin. Dunida basaska magaalooyinka ka dhex goosha waxay leeyihiin waddo tabeelo marka aad socoto qadar mitiro ah loogu talo galay basku inuu joogsado si rakaabka aaga ka dhawi uga degaan, rakaabka baska u baahnina halkaas ayay ku sugaan oo ay ka raacaan, wadddada meel kasta ma istaagan rakaabka baska doonayaa inay raacaan. Caasimadeena laami kasta waxa taagan rakaab, meelo aan kala fogayn oo isku muuqda ama laba sekedoodna waxa la istaajinyaa baska

Waddoyinka basaskeenu maraan Malaha calaamado goobaha ay joogsanayaan loogu talo galay, qofkastaa halka uga dhaw aaga uu doonayo ayuu ku degaa oo uu joojiyaa baska, dhibkaan uga socdaa waa goobaha dadku istaajiyaan basaska mararka qaar oo aany uba dhaxayn shan talaabo, intabadan waxay jeclaystaan dadku qofkataaba inuu baska joojo wajahada aqalkiisa ama meheradiisa. Waxa ku luma waqtibadan goob istaagidaa badan ee aan mararka qaar kala fogayn, waxaan billayd sida caasimadaha dunida asageen in dawlada hoose hirgelisao waddakasta oo bas u baxo goob calaamadeed lagaga dego lagana raaco.

Maalin kasta waxaynu marag ka nahay basle cayatamaaya iyo rakaab buuqaya “ waar halkaa joogo, jogdee waar noo joog wuxuu muxuu isla maqiiqayaa muu waalan yahay” waa tirabta qofka hore loogu joogi wayay baslaha oo karayaa ayaa isna qamaca qofka oo ku qayliya “ maxaad ugu degi wayday halkaanu imika taagnayn sawtaad arkaysay inuu basku istaag ee aad noo kadeedaysaa waxani maxay ahayd naa dego waanaga istaagnee” qofka sidaa loogu qayliyaay oo aan lahayn dareen qabta ayaa isna ugu fal cesha “ waar lacagbaanu bixinee noo istaag waxaba kaama gelin halka aanu ku degaynee adigu ma gurigaygaad taqaan bahalooy aan dhaqanka lahyani.

Labadaba waad u garaabayasa oo waxaan jirin xad iyo goob saxa oo laysla garanaayo marka basku joogsanaayo iyo marka basku dhaqaaqayaba, qofkastaa inuu halka uu doono ku degaa waa gar, waxase ka wacnayd iyadoo basaska loo sameeyo baarkino lagaga dego lagana raaco oo calaamadi ku taal, qofkastaa wuu ku qasbanaan lahaa inuu tabaaleha ugu dhaw goobta uu doonayo istaago waayo waa sharci, baskuna wuu ku qasbaanaan lahaa isagoon lagu xiiqin inuu istaago waayo waa goobtii loogu talo galay inuu rakaabaka u istaago.

Samaynta calaamadaha waddoyinka magaaladda gudaheeda waa shaqadda dawlada hooe u dhisantahay, waana masuuliyada kamida hawlqabadka aynu u igmannay ee waajibka ku ah, waxa looga baahanyahay inay qorshe ka yeeshaan oo xal loo helo dhibaatada maalin laha ah ee kala haysta basaska iyo bulshada adeegsata. Waxa yaraan doona shilalka basaska waddo kasta badhtankeeda taagan ee nafarka sugaaya ama qof rakaaba dhigaaya, waayo haddii la sameeyo tabeeladda waxa qof kastaa istaagaya halka loo calaamdshay ee loogu talo galay in baska laga raaco, waqtiga basku soconaayana wuu beekhaamayo oo waxa meesha ka baxaaya waqtigii ku lumaayay halkaa jog hadana joog labadii goobeed ee shanta talaabo u dhexeyasay.
Kolhadii aynu nahay caasimad ka mida caasimadaha dunida waxa meeqaam ahaan wacan in sida dunida caasimadaheedu u qorshaysan yihiin inaynu u qaabayno caasmideena oo aynu samayno qaab sidan maanta ay tahay ka duwan gaadiidka iyo basaska loo sameeyo qorshe waddo mariseed oo haboon.

Maxamed sadiiq.