Nuxurka Qodobaday Ku Qotontay Dood Xaasaasi Ah Oo Dhexmartay Cali Guray, Duur, Xildhibaan Indho-indho iyo Wasiir Maxamuud Xaashi

0
105

doodHargeysa(Waaheen)Dooddii ugu xiisaha iyo xamaasada badneyd ee muddooyinkii danbe loo qabtay siyaasiyiinta dalka, ayaa talefeeshanka ku hadla afka Soomaaliga ee Star  Tv ku dhex martay wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Carraale (Duur), guddoomiye ku xigeenka Sadexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Yuusuf (Cali Gurey) iyo xildhibaan Indho-Indho oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland, waxaana doodan oo xalay la baahiyay hagayay weriye Xamse Cali Bulbul.

Wax-qabadkii Xukuumadda.

Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka hadlaya wax qabadka xukuumadda shanti sannadood ayaa yidhi “Waxaa ay maanta mudadiisu dhammaanaysaa Shan sanno oo qarankan ay wax weyni u soo kordheen oo aanay u soo qabsoomin mudadii dheerayd ee dawladahu isa soo bedalaayeen, waana u mahad naqaynaa ragaa hore waxa ay soo qabteen annagu se meel laxaadleh ayaanu soo gaadhsiinay, isbedal weyn oo horumarineed ayaa qabsoomay, himilo ayaanu umadda ku abuurnay, maantana mudadii ayaa dhammaatay, waxa qudha ee nasiib darro innaga baaqday waxa weeyaan in ay dalka ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ahi.”.

Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa isna yidhi .”Shan sanno ayaa muddo xileedka xukuumadda loo doortay ay ahayd, sharciyad ayaa dhammaatay oo shantaa sannadood ku eeg, qof kasta oo Somaliland mas’uuliyad ka soo qabtayna waxbaa uu qabtay, wax ma qabtana ma jirin, laakiin qiimeynta maanta waxaa ay noqonaysaa halka ay ku gebo gabowdo.Geba-gebadu waxaa ay maraysaa madaxweynahii la doortay ee Shanta sanno la doortay, qadiyad doorasho ah ayaa xilka loogu dhiibay, mudadaas xilkisa waxaa ay ahayd in uu doorasho kale qabto, qadiyada ugu adag ee maanta taaganina waa doorashadii oo meesha ka maqan. Maanta waxa ugu adag ee la innooga tagay waa shuruucdii la innoo dhisay, waxaan leenahay waar intii ma raacnaa, oo ka deynaa qofnimada, ma ka  deynaa qolanimada, ma ka deynaa madawga intan ayaa innagu filan ee’. marka qabsoomida waxqabadka maxay yihiin waxyaabaha aan ku cabirayaa oo haddii aan guri halkaas ku dhisay in aan waxqabtay iyo in aan wax qalday maxaa la igu garanayaa dee waa marka la hayo xadigii la ii dhiibay, nidaamka aynu dawladnimada ka eegaynaana waa halkaa sharciyada iyo qofku waa raaci la diray, marka uu mas’uuliyada hayana raaci ayaa uu noqdaa, markii aan xukuumadda ka tirsanaa waxa sharciya iyo la xisaabtan toona mabaanan arag oo laysmaba arko.”.

Mujaahid Cali Gurey, wuxuu yidhi “Maalin ay maanta ka liidato arragtida caalamka ee Somaliland ma jirto, sababtu waxa weeyaan nidaam is xukun ayaa ah halka aynu ku hiranayno iyo hiigsiga umadda oo waxa weeye nidaam dawladeed oo dimuqraadi ah oo la jaan qaadi kara dunida casriga ah, halka ay xukuumaddana ku jabtay waa halkaas oo in uu xukunku noqday qaynuun oo sharcigu yahay ka wax xukuma ee aanu qofku ahayn, saxaafada madaxabanaan kobcinteeda iyo xoriyatul qowlka weeye halka ay ku jabtay.”.

Xildhibaan Indho Indho, wuxuu yidhi “Xukuumadihii isbedbedalaayey mid waliba meel ayaa soo gaadhsiisay, waxaan dawladan u arkaa in ay tahay tii ugu wax qabadka badnayd, waxaana sida oo kale u arkaa in ay tahay tii mucaaradku ugu adkaa in ay tahay oo mucaaradada intaa leeg iyada oo dawladihii hore ka wax qabad yaraayeen aan ku dhici jirin tan oo se ay ku dhaceen tan oo ugu wax qabad badan leh, se waxaa ii muuqata meelo daciif ah oo ah xukuumadda gudaheeda ka jira, waayo may arrag mucaarad oo Labada golena muxaafad ayey ahaayeen illaa maalintii ay xukuumaddani timi, Labada xisbina mucaarad may ahayn oo waad arki jirtay xukuumadihii hore waxii ku dhaci jiray , laakiin mucaaradada lafteeda in ay xukuumadda gudaheeda ay wax ka jiraan, oo tahay yaa wada shaqeynteedii ay maqan tahay oo qeyb ay wada-shaqeynteedii ay maqan tahay waa taas qodobka aan u hayo xukuumadda, xukuumadahuna waa in ay yeeshaan isku xidhnaan iyo midnimo oo ay meel wax u wada wadaan.”

Ku dhaqanka shuruucda dalka iyo isla xisaabtanka dawlada.

Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa wuxuu ydihi “Dawladihii so taxnaa, cid aan wax qaban mar jirto, Soomaaliduna, waxaa ay ku maah maahdaa wax ma tare ma jiree, wax yar tare ayaa jira, oo tamarta wax qabad ayaa uu kala badneyd ee waxbaa la qabtay, se waxa weeye waxbaan qabtay ammaanba mas’uul kuma aha haddii ay aniga tahay iyo haddii ay saaxiibkay Maxamuud Xaashi tahayba iyo haddii ay xukuumad tahayba, waayo mas’uulka waxaa loo igmaday in uu danta guud ka shaqeeyo, waxbaan qabtay dee waxa uu qabtay talo uu leeyahay iyo tamar kale kumuu keenin ee’ maalkii umadda laga qaaday ayuu wax ku qabtay, dawladnimada iyo faanku halka ay ku jiraan maaha halkaas se waa sharciyada, xisaabtanka iyo hufnaanta.”

Maxamuud Xaashi, oo mawduucan isaguna ka hadlay aayaa yidhi .”Anigu duur lama qabo midaas, waxaan umalaynaa in uu yahay uun hadal ka soo baxaaya nin cadhaysan oo markii aanu joognayba ee aanu golaha wada fadhinay midaas muu odhan jirin, se waxaan qabaa in xukuumadda Siilaanyo ay tahay xukuumadda ugu dhowri taanka badan raacitaanka shuruucda, intaas oo xeer ayaa goleyaasha ka soo gudbey, dhammaantoodba waanu dhaqan galinay, waanu dhowrnaa. Xisaabtu waa uu noocyo badan yahay inta xisaab xidh ah ee xukuumadu intii ay xilka haysay gudbisay ee gaysay ayaanu nahay, golaha wakiilada ayaa uu ku jiri jiray Duur gudiga dhaqaalaha ayaa uu ka mid ahaan jiray, e’ goorma ayaa la idiin keeni jiray xisaab xidho, kuwaanu ugu nimi ayaanu geynaa annagu, waa la xisaabtamaa shuruucdana waa la dhowraa.”

Mujaahid Cali Gurey, wuxuu ku dooday “Horta waxa wax xukumaa waa sharciga 0%, ayaana dalka lagu xukumaa sharciga, waxaana wax xukumaa waa qofafka ee qaynuunka maaha. dawlad wanaaguna xukunku waxaa uu ku hirtaa in uu noqdo qaynuun, qabyaaladu heerka ay maamulkeena kaga dhex jirto, waa taariikhda halkii ugu xumeyd ee ay gaadho maanta abid intii ay jirtay Somaliland, xukuumaddana heerkii ugu hooseysay dhinaca dawlad wanaaga ayey maanta joogtaa.”.

Madaxweynuhu dalka maka taliyaa?

Mawduucan Xaasaasiga ah, waxa ugu horayn ka hadlaya wasiirka duulista Maxamuud Xaashi oo yidhi

“Madaxweyne Siilaanyo waa nin la yaqaano, maaha nin Layli ah waa nin ruug cadaa siyaasadeed ah kana soo bilaabay siyaasada isaga oo yar, umaddana u horseeday halgan balaadhan, waa nin la yaqaano oo Odey ah, dadka aad u dhagaysta waa meel ka dhac in qof soo taagan oo taliya, lana doortay, caafimaad qaba, caqligiisu buuxo oo taladii dalka haya, waa meel ka dhac in la yidhaahdo ma taliyo iyo dad kale ayaa ku shaqeysta, waxyaabaha meel ka dhaca ahna waxba ka odhan maayo oo waaqica ayaa ka xaqiiqo badan oo run ah, waxaa se intaa ii wahelisa madaxweyne walba waa uu leeyahay dad ku dhow dhow oo la taliya, qasrigaa dalka looga taliyo habar-jeclana kama taliso, koox reer ahina kama taliso, xukuumaduna waa ay ka sal balaadhan tahay. Kulmiye xisbi balaadhan weeyaan, waa xisbi ay umadda Somaliland oo dhammi ay ku idil yihiin, cidina ma dada feyn karto madaxweynahu in uu dalka ka taliyo, madaxweyne yaasha aduunka ugu waaweyn oo dhanna, Mareykana dhahoo mid aan lala talin ma jiro oo aan lahayn cid u dhow dhow, meeshana talo qaran aya taala, ma taalo talo qoys.”.

Mujaahid Cali Gurey, wuxuu arrintan kaga dooday oo uu yidhi “Horta umalayn maayo nin aniga madaxweyne Siilaanyo i baraaya, haddii uu qof yaqaano qof aan isleeyahay waa uu kaa yaqaana ma jiro, Axmed Siilaanyo in uu nin wanaagsan yahay aniga ayaa qiraaya in badan oo horena waan qiray, Axmed in uu yahay dadka dadka ugu wanaagsan ee ugu dunta fiican yahay waan qirayaa, hase yeeshee markii uu madaxweynaha noqday Lix bilood markii uu hayey ayaan hadlay, Waxaan idhi ninkaa madaxweynaha noqday Laba mid uun ka eega oo ah in uu noqdo madaxweynahii ugu wanaagsanaa in iyo in uu noqdo madaxweynahii ugu xumaa abid ee taariikhda soo mara, labadaa ka unoqonayaana waxaa ay ku xidhan tahay cida wehelinaysa, oo ah koox wanaagsan iyo koox xun, Siilaanyo haddii maanta la yidhaahdo waa uu xun yahay macnahu maaha Axmed ayaa xun, ee waxa weeyaan dad xun ayaa ku xeeran, madaxweynahu halkaas ayaa uu soo istaagay oo uu yidhi doorashada wakhtigeedi ayaan ku qabanayaa ka dhabna waa ay ahayd se hadalkiisii waa la beeniyey oo Maxamuud Xaashigaas ayaa kow ka ah cid ugu horeysa ee beenisay hadalkii madaxweynaha, dan gaar ahna waa ay ka leeyihiin dadkan adeegsanaya awooda madaxweynahu, dalka waxii xummaan iyo wanaagba ka dhacay iskaga u dhow oo xigtaysanaya oo soo dhaweysanaya ayaa sidaas samaynayaa uun, waxa weeyaan xisbi Kulmiye dadka taladiisu kama socotaba madaxweynaha, Kulmiye waxaa lagaga tagay xuub iyo mas ayey kala noqdeen oo ragii maalintii Kulmiye labilaabay joogay soo halgamay illaa maalintii uu guulaystay faranta lagu tuuray sida gudaafada oo aan wada aqaana anigu, maantana ay isku qoomamaynayaan.”

Duur, wuxuu isaguna yidhi ” Madaxweynaha shakhsi wanaagsan ayaan u aqaana marka aanan is yeel yeelin se haddii ay wax ka qaldamaan intii la shaqeynaysay ama se la shaqaysa Maxamuudoow ayaa ka khaldan, waad sheegtay ninka Illaahay khayr la doono ama dad wanaagsan ayaa la shaqeeya ama dad xun ayaa Alleh u diraa, se su’aasha la isla dultaagayaa waxa weeye illaa waagaygii madaxweynahu la taliyeyaal fiican ma helay?, haddii su’aashu midaas uun ay tahay isaga waan ka saarayaa beelna wax ka sheegi maayo, anigu se beelna xusi maayo laakiin adigu anigoo oo xildhibaan ah ayaad beelo iyo wax kaleba sheegtay qaar dee kuwii oo kale ah ayaa ku jira mucaaradka oo beelo taabanaya, laakiin waxaan doonaynaa in taa laga koro, qalooca jiraana uu meesha ka baxo, maalintaan xilka tirinaayey ayaan sheegay, waar waxaa dib innoogu soo noqday qabyaaladii oo ay ahayd in dimuqraadiyadu innoo dhisanto oo ayn foggaano dadkuna ay walaaloobaan.”

Qabyaalada

Maxamuud Xaashi, wuxuu ka digay qabyaaladda isagoo xisbiyada mucaaradka ugu baaqay inay ka dheeraadaan reernimada, waxaanu yidhi “Qabyaaladu maaha mid xukuumada Siilaanyo keentay, se waaa dhaqan innagu soo siqaayey oo muddo soo jiitamaayey illaa iyo intii aynu qaranimadeena gooni isu taaga qaadanay, laxaad iyo xawli weyna waa ay yeelatay, waxaanan aamin sanahay in raga mucaaradka ah ee bilaa camalka ahi kor u soo qaadeen, qabyaalada ay buun buuniyeen, hub ka dhigteen ayaanu aamin sanahay, waxaana aan leeyahay waar qabyaalad madaxweyne laguma noqdee ha buburina reeraha oo garaadkiinu ha sareeyo.”

Cali Gurey, wuxuu Maxamuud Xaashi ku tuuray dood adag oo su’aal ah, waxaanu yidhi “Afartiina wasiir marka uu bedeli waayey madaxweynahu ee aad adigu ka mid tahay, Xirsi ka mid yahay, ka ciyaarahu ka mid yahay iyo ka Macdantuba, markaa intaas oo wasiir ayaa uu hore u bedelay madaxweynahu kolkaa Afarta inan ee beeshiisa ka soo jeeda miyey ka wanaagsan yihiin kuwa kale/miyaad ka wanaagsan tihiin.”.

Maxamed Nuur Caraale (Duur) wuxuu yidhi, “Madaxweynaha iyo wasiirada ku hadhay oo Maxamuud xaashiyoow aad kow ka tahay raga lala doortay ee aan marnaba dhicin oo aad ku jirto wasiirada aan iyagu dhicin madaxweynahana lala doortay, lana dhammeeyey shantii sanno iyada lafteedu xuquuq ay dadku eegayaan weeyaan, tabashada iyo dadka uu yidhi qabyaaladu mucaaradka ayey ka immanaysaa, waxaa leeyahay mucaarad qabiil uma baahna, ninkastaa waa uu garanayaa waxa ka maqan, xisbi mucaaradka ahi isaga ayaa kursiga ku socda waa uu garanayaa amma Waddani ha ahaado amba Ucid ee in uu bulshada Somaliland u baahan yahay, qof siyaasi ah oo hoggaamiye ah oo aan garanayn ma jiro, mucaaradkuna Somaliland ayaa uu u baahan yahay, markaa bulshada Somaliland cidii meel ku gaadhay ayaa ka maarantee, cid qoqob iyo kala qeyb galinaysaa ma jirto, waanu ka illaalinaynaa in aanu afkayaga reer iyo cid gaar ah aanu ku shaambadayno.”

Doorashooyinka

Duur, wuxuu ka hadlayaa arrimaha doorashoyinka, waxaanu yidhi  “Xalkii ay xisbiyadu soo saareen, waxaa uu ahaa qadiyadii Somaliland lagu ammaani jiray oo waxyaabaha iyada dhexdeeda yimaada in ay xaliso oo tanaasul samaysato, qadiyada hesiiska ah ee la gaadhay, waxaa aan libtiisa siinayaa xisbiga Ucid, waan u qirayaa, isaga ayaan xalkaa intaa ka shaqeynaayey. Markaa xal ayaa la gaadhay, xalkaas la gaadhayna waa in iyada oo mudaddii loo kordhiyey golahii wakiilada iyo madaxweynahaba, go’aankaas waan oggalahay, go’aanka Guurtiduna ma uu horeyn, intaan golaha Guurtidu soo bixina xisbiyada mucaaradku heshiis ayaa ay wada galeen, sadex nin ayaa Saleebaan na loogu diray aniga iyo Maxamed Kaahin iyo Cabdi-naasir, waana sadexda xisbi qaran, waxaan ku nidhi guddoomiye waanu soo tashanaynaa ee haddii xisbiyadu xal soo gaadhaan ma naga aqbalaysaa, adigu sabtidii ayaa Saleebaan loola yimi iyada oo 15kii Nobember la isla qaatay, Saleebaan qadiyadii xisbiyada waa uu ku dhiiran waayey oo waxaa uu yidhi taladu golaha ayaa uu igaga xidhan yahay, xisbiga Waddanina sidaas ayaa uu ku diiday, Labadii xisbi ee kalena way saxeexeen, hadana se kamay hadhin oo bisha December ayaa markii danbe la isla qaatay. go’aanka Guurtida, Guurtidu waxaa ay raacdaa waa Laba qodob oo qudha oo xaalado gaara ah, qodabka kalena waxaa uu odhanayaa duruufo jira dartood haddii ay suurtoobi weydo oo nabad galyada darteed ah, adigu Labada qodoba Guurtida waxaa uu siinayaa haddii dhibaato jirto, waxaa ay leeyihiin qiimeyn dhibaatadaas lagaga bixi karo, se waxay noqotay Guurtidii in ay qodobkii si khalad ah ay u tutjumato. Korodhsiimaduna waa taas ee bal ninka wax kale hayaa ha soo bandhigo. Hadaba waxaan leeyahay korodhsiimo waa xil-gudasho la’aan ka timi madaxweynahii dalka hayey, shan sanno in uu doorasho ku qabto oo uu kubada u dhigo halkii loo dhigay, Laba waxa weeye waa sharci ka gudub oo ah dastuurkii oo si khalad ah loo adeegsaday. Guurtida ayaana caadaysatay.”

Xildhibaan Indho-indho, wuxuu leeyahay, “Horta qoraalka aanu dhawaan soo saarnay ee qodobada khuseeya distoorka ah oo ah nabad galyo darrada iyo sharciga golaha wakiiladu sida uu u yaalo iyo diiwaan galintu maanta dalka kama jirtee iyana ku dar, sharcigii golaha wakiilada miyaa la sameeyey aafooyinka ayaa ka mid yahay, Duuroow hanjabaadaadaas ayaa nabad galyo darro ah oo aanu ku kordhinaynaa, markaad sharciga dadka shalay ku laynaysay maantana aad si khaldan u turjumayso miyaanad illaahay ka baqayn.”

Cali-Gurey, wuxuu ka hadlayaa heshiiskii xisbiyadu gaadheen iyo doorkii UCID si ay doorasho u qabsoonto, waxaanu yidhi .”Kaalinta aanu ka Ucid ahaan ku lahayn dib u dhaca ku yimi doorashooyinku, waxaa ay ku yimaadeen markii aanu eegnay duruufaha dalka ka jira, madaxweynaha laftiisa aanu xaalkiisana eegnay, talada kuwa ku xeerana aanu eegnay, caqliyada talinayana aanu eegnay, waxaa ay ka fursan weyday in aanu haddii aanu Ucid nahay waxan la wado midho daray duuduub ayaa lagu liqaayee aan duuduub ku liqno oo ah kordhinta muddo xileedka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, se waxay ahayd in 1Juun la qabto doorashada haddii is tix galin iyo qadarini ay jirto iyo waliba danta madaxweynaha ahba, ee aan u baahnayn in dibin daabyo in haddii raga ku xeerani ay in uu rag yihiin ay doorashada hirgaliyaan oo si salmi ah oo xalaal ah ay u dhacdo, hiil kale oo ay u tari karaan madaxweyne Siilaanyo oo aan ahayn in dalka doorasho ka qabtaan ma jirto.”.

Maxamuud Xaashi, wuxuu ku soo gunaanaday, .” Waxaan leeyahay Duur iyo Caliba, waxaan diyaar u nahay in aynu isku dood weydaar sanno ayaa eeda dib u dhaca doorashada leh, waana aynu ka doodaynaayee waa innoo gole kale taasi. Se waxaan qabnaa in aanay ahayn doorashooyinka dib u dhacay xil gudasho la’aan ku timi madaxweyne Axmed Siilaanyo, waan kaga aragti duwanahay saaxiibkay Duur, waxaa ay ahayd mas’uuliyad wada-reed, madaxweynahu waa mas’uulka dalka ugu sareeya, waa hoggaamiyahii qaranka, waa odeygii reerka, waliba mas’uulyadu waa ay qeybsanayd eed madaxweynahu xil gudasho la’aantiisa doorasho loo qaban waayey ma’ aamin sanin ee, waxaan qabnaa in ay tahay mas’uuliyad wadareed oo intii kaga beegnayd xisbiga Waddani aanay ka soo bixin.”