Xasan Xaydh Oo Madaxweynaha Ku Canaantay Go’aankii Guurtida Ee Uu Ka Noqday.

0
48

xaydh

Hargeysa(Waaheen)Oday Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh), ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda Siyaasadeed ee wakhtigan dalku ku sugan yahay iyo muranka salka ku haya khilaafka Dib-u-dhaca doorashooyinka iyo go’aanka Golaha Guurtidu muddo-kordhinta ugu sameeyey Xukuumadda iyo Golaha Wakiilllada.

Oday Xasan Xaydh oo mid ah siyaasiyiinta miisaanka ku leh Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxa uu ku dooday in dhammeystir la’aanta iyo qabyada ku jirta shuruucda iyo Dastuurka dalku sabab u tahay murannada siyaasadeed ee ka dhasha Xil-gudashada waajibaadka sharci ee hay’adaha Dastuuriga ah iyo qaababka xalka loogu raadiyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex-dhasha dhinacyada siyaasadda dalka.

 

Waxa uu Oday Xasan-Xadhay ku dhaliilay Xisbiyada Qaranka tallaabada ay ka so horjeesteen Go’aankii muddo-kordhinta ee Golaha Guurtida oo uu ku tilmaamay go’aan dastuuri ah oo in laga yimaadaa ay tahay sharciga dalka oo laga tallaabsaday, waxaanu taas beddelkeeda dhinacyada siyaasadda ee muranka khilaafkani u dhexeeyo ugu baaqay inay damacooda siyaasadeed iyo hanashada Kursiga ka horreysiiyaan Danta Qaranka iyo dhammeystirka baahiyaha Sharci ee in la dhammeystiro loo baahan yahay.

Oday Xasan Xaydh waxa kale oo uu masuuliyad-darro dastuurka dalka khilaafsan ku tilmaamay go’aankii madaxweynaha Somaliland gogasha wada-hadalka ee turxaan-bixinta muddo-kordhinta ugu fidiyey xisbiyada mucaaradka, isaga oo ku dooday inaanay madaxweynaha marinkiisa ahayn fidinta gogasha wada-xaajoodku, balse ay ahayd inuu Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiyo doodda ka taagan muddo-kordhinta maadaama oo uu ahaa Go’aan Dastuuri ah.

Arrimaha kor ku xusan, qodobbo kale oo Xaasaasi ah iyo talooyin uu u jeediyey Xisbiyada Mucaaradka, Madaxweynaha iyo Guurtida, waxa uu Oday Xasan-Xaydh kaga hadlay Waraysi Gaar ah oo Wargeyska Himilo la yeeshay shalay, kaas oo ku iftiimiyey aragtidiisa la xidhiidha Xaaladda Siyaasadeed ee dalka xilligan ku sugan yahay.

Ugu horeyn, waxa uu ka hadlay dib-u-dhaca doorashooyinka iyo go’aankii muddo-kordhinta ee Golaha Guurtida, waxa uu yidhi, “Waa xaqiiqo in doorashooyinka dalkeena dib u dhac uu marar door ah ku yimid, waxaana sabab u ah gaabis iyo xil gudasho la’aan ka yimaada cidda u xil saaran, oo u baahan in lagala xisaabtamo, maadaama oo doorashooyinkeenu had iyo jeer dib ugu dhacaan arrimo farsamo oo ah inaan waqtigii loo baahnaa lagu sii diyaarin waxyaalihii suurto galinayey in doorashadu xilligeeda ku qabsoonto, ileyn dib u dhaca doorashadu kuma salaysna colaado iyo aafooyin dabiici ah oo dalkeena ka dhacaye. Si kastaba ha ahaatee, haddii doorashadu waqtigii loogu tallo galay ku dhici weydo, waa khasab in Golaha Guurtidu muddo kordhin sameeyo si aan dalku dawlad la’aan ugu dhicin.

Waxaynu nahay dawlad, waxaynu dhiganay dastuur ka kooban 130 qodob oo dadweynuhu 97% ugu codeeyeen, waxay aheyd inaynu dastuurkaa isku xukuno oo aynu dabaqno, isla markaana la qabyo-tiro oo la fasiro inta ka dhiman dastuurkaasi, waxaana u xil saaran xukuumada iyo Golaha wakiilada oo kala leh soo-jeedin iyo samayn. Haddaba khilaafaadka siyaasadeed waxa keena qabyada iyo ku dhaqan la’aanta dastuurkeena. Waxaana haatan lagu xiiqsan yahay oo lagu muransan yahay oo khilaafku ka dhashay go’aan sharci ah oo dastuuri ah oo ay soo saareen ciddii awoodda u laheyd oo ah golaha guurtida oo muddo kordhin u sameeyey xukuumada iyo golaha wakiilada, markii la cadeeyey inaanay doorashadu xilligii loogu tallo galay ku qabsoomeyn, waana ayaan darro in go’aankaasi lagu murmo, waxaanan u arkaa in macnaheedu yahay dastuurku waa waxba kama jiraan.”

Oday Xasan-Xaydh oo la weydiiyey sida uu u arko gogoshii madaxweyne Siilaanyo u fidiyey Xisbiyada Mucaaradka six al looga gaadho murankii ka dhashay muddo-kordhinta Guurtida, waxa uu ku jawaabay, “Aniga aragtideyda, Madaxweynuhu wuu khaldamay in Axsaabta siyaasadda, mucaarid iyo muxaafidba, uu u fidiyo gogol wada-hadal oo ka dhan ah Go’aankii Golaha Guurtida ee muddo kordhinta, balse haddii khilaaf ka dhashay oo Axsaabtii ka biyo diideen go’aanka golaha guurtida waxay aheyd Madaxweynuhu inuu u gudbiyo Maxkamada Dastuuriga ah si ay xal uga gaadho ee may ahayn inuu sharci jabin u sameeyo Axsaabta, waayo cidina xaq uma laha inay sharciga dalka u yaala jabiso amase loo jabiyoba, ee waa in dastuurka iyo shuruucda dalka lagu kala baxaa.”

Xasan Cabdi Maxamuud waxa uu ka hadlay faro-gelinta beesha Caalamka iyo saamaynta ay ku yeelan karto dowladnimada Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaynu nahay dawlad sharci iyo nidaam leh oo isku tashatay oo hawlaheeda u dhameysata si sharciga u yaala waafaqsan, balse aanay dunidu aqoonsan. Sidaa awgeed waa inaynu dunida si kalsooni leh wax ula qabsanaa oo u muujinaa inaynu sharcigeena ku dhaqmayno oo ku soconayno isla markaana ka diidnaa wixii qaranimadeena wax u dhimaya ama lidi ku ah shuruucdeena, waayo inaga oo heerka aynu maanta taaganahay ka awood yar, ayaa Madaxweyne Cigaal madaxii UNDP 24 saacadood dalka kaga saaray,” Sidaas ayuu yidhi Xasan-Xaydh.

Xasan-Xaydh waxa kale oo uu ka hadlay, “Abaal nin gala waa la arkaa ee nin gudaa waa yar yahay; Guddoomiyaha Golaha Guurtidu marar badan ayuu si odeynimo leh u dhexdhexaadiyey una xaliyey khilaafaad soo kala dhexgalay shirguddoonka golaha wakiilada, madaxweynaha, xisbigiisa iyo axsaabtaba, kuwaasoo qaarkood uu xeer-jebin u sameeyey oo waliba xisbigayaga (Waddani) ama guddoomiyahayaga u hiiliyey, waxaanay aheyd haatan inaan odey Saleebaan laga hoos kicin, oo aan lagu shimbiro waaqleyn. Waxaanan leeyahay haddii aad doonaysaan dawladnimo waa in sharciga lagu kala baxaa oo laysku af-gartaa, oo la qaataa go’aanka golaha guurtida ee muddo kordhinta, waxase isweydiin leh axsaabtu waxay doonayaan in la kordhiyo lix iyo toban bilood halka Guurtiduna ka kordhisay labaatan bilood, maxaa u dhexeeya? Waa muddo yar oo kooban, waxaanse isleeyahay buuqa iyo khilaafku intaasi maahee ee waa barroortu orgiga ka weyn.”

Ugu dambayntii waxa uu farriin xambaarsan talooyin waayeelnimo u jeediyey xisbiyada Siyaasadda iyo Goleyaasha Dowladda, waxaanu yidhi, “Somaliland waa dal samada laga ogolyahay ee shacab iyo dawladba waa inaynu qaranimadeena ilaashanaa oo u dadaalnaa oo hadba kii talada dalka ku guuleystana la ixtiraamaa, waxaanan Masuuliyiinta qaranka ee ah golayaasha iyo axsaabtaba u soo jeedin lahaa in laga gudbo damaca kursiga oo kaliya ku salaysan oo loo gudbo sidii dadka iyo dalka wax loogu qaban lahaa iyadoo ay jiraan baahiyo badan oo dadweynuhu tabayaan haddii ay tahay qabyo-tirka iyo dhameystirka shuruucda dalka, kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka dalka, diwaangalinta, sugida xudduudaha,horumarka iyo arrimaha doorashooyinka.”

“Waa nasiib darro in 24 sannadood inaga oo jirna inaynu hagaajisan kari wayno shuruucdeenii oo kolba aynu nidhaahnaa arrinka guddi dhexdhexaadisa u saara, isu tanaasula, mee odey hebel kaalay na dhexgal oo na kala qabo. Ma waxaynu ku jiri uun odoyaal inoo gar-qaada, xaqiiqdu waa maya ee waa inaynu garanaa maxaynu dawladda, sharciga, nidaamka iyo doorashooyinka u samaysanay, ileyn sidani maha dawladnimo’e.

Waxaan leeyahay haddii aynu nahay xisbiyada Mucaaridka ah yeynaan u muuqanin inaynu leenahay oo kaliya kursiga ii bannee, haddii aynu nidhaa barigii Kulmiye ololaha ku jiray buuqii iyo waxyaalihii uu sameeynayey ayeynu kaga dayanaynaa oo ay wax ku heleen, waxaan leeyahay sidaa waxba ku heli maynee haku lu go’ina, waayo Soomaalidu waxay tidhaa mar I dage Alle ha dego, mar labaad I dagase anaa is-dagay, ee inagu mucaarid ahaan kursiga aynu ku doono si wanaagsan oo qaranimada wax u dhimeyn,” Sidaas ayuu yidhi Oday Xasan-Xaydh.

“Madaxweynaha waxaan leeyahay, Mujaahid dalku dastuur ayuu leeyahay ee kaa ku dhaq oo ku hogaami, waayo, wixii sharci lagu waayo, sharci darro laguma heli karo. Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiyena anigu waxaan idhaa ma garanayo.”