Shirka Nabadda Ee U Dhexeeya Beelaha Buuhoodle iyo Qorilugud Oo Guulo Hor Dhac Ahi Ka Soo Baxeen

0
162

Hargeysa(Waaheen)Shirkii muddooyinkii u dambeeyey deegaanka Coodanle ee Degmada Buuhoodle uga socday labada beelood ee ka soo kala jeeda Buuhoodle iyo Qorilugud oo in muddo ah colaadi dhex taalay, ayaa guulo hordhac ah ka gaadhay xallinta khilaafkooda colaadeed ee soo jiitamay.

 

Guddoomiyaha Degmada Qorilugud Maxamed Cumar Faarax, ayaa sheegay in shirka nabadaynta labada beelood ee Qorilugud iyo Buuhoodle uga socda deegaanka Coodanle uu ku dhow yahay geba gebo, isla markaana la isla qaatay in ay labada beelood ka heshiiyaan colaaddii dhex taallay, waxaanu guddoomiyuhu tilmaamay inay labada beelood ku heshiiyeen in dadkii ku kala dhintay intii collaaddu dhextaalay ay mag ku kala qaataan, isla markaana ay is afgarad ka gaadheen murankii dhinaca dhulka ahaa.

 

Guddoomiyaha Degmada Qorilugud Maxamed Cumar Faarax oo khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa  waxa uu yidhi “Meel aad u wanaagsan ayuu marayaa shirkaasi oo dhamaad ayuu ku dhow yahay, arrimihii laga wada hadlayeyna waxa ay hadda marayaan meel aad u fiican oo inay dhamaadaan oo ay illaa Sabtida soo geba gaboobaan laga yaabo, markaa arrintii dhiigga iyo tii dhulkuba meel aad u wanaagsan ayey maraysaa oo is afgarad ayaa laga gaadhay, wixii dhiig ahaana  waa lagu heshiiyey oo wixii dhul ahaana meel ayaa la isla dhigay, dhamaan wixii soo dhacay ee labadaas beelood ee walaalaha ah dhex maray oo dhan waa la isla qaatay oo meel ayaa la isla dhigay, arrintaasina maamul iyo xukuumad toona shuqul kuma laha oo waxa wata beelaha,  waxaana laga yaabaa inay go’aamada rasmiga ahi soo bixi doonaan Sabtida, weli waba lama kala qaadanine waa loo ballamay in la kala qaato wixii mag ah ee lagu heshiiyey”

 

Maxamed Cumar Faarax  oo aanu waydiinay nuxurka qodobada illaa hadda la isla qaatay, waxa uu yidhi “Dad illaa Labaatan ku dhow  oo labada beelood ku kala dhintay intii ay colaaddu socotay, ayaa lagu heshiiyey in mag lagu kala qaato, waxa kale oo laga heshiiyey colaaddii dhinac dhulka ee u dhexaysay labada beelood, in kasta oo aan weli la shaacin hadana natiijo rasmi ah ayaa laga hayaa in laga heshiiyey labadaas arrimood ee ay colaadu salka ku haysayba, arrinta dhulka la isku hayo ama deegaanka hadda si fiican ayaa la isgu afgartay oo ay gebo gebo u tahay, barnaamijkaasina waa gebo gebo oo si fiican ayaa la isugu fahmay, cid dhex dhexaadinaysaana ma jirto oo laba beelood iyaga ayaa wada hadlaya si fiican ayaanay isku fahmeen oo natiijo wanaagsan ayey leedahay oo lagu farxi karo” ayuu yidhi maayirka Qorilugud

 

Labadaasi bulsho ee degaanada Buuhoodle iyo Qorilugud ayaa sannadadii u dambeeyay ku muran sanaa dhul sababay dhimashada dad ku baxay dagaalo foolka fool ah iyo kuwo gaadmo ah, sidoo kalena sababay in labada bulsho is dhex mari waayaan, arrintan ayaa guul u noqonaysa bulshada halkaasi wada degta.