Golaha Guurtida oo Fasax Labba Billood ah Galay kuna Adkeysteen Muddo Kordhintii ay Sameeyeyn.

0
99

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Gollaha Guurtida ee Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan (Saleeban Gaal) ayaa Mar labbad Xildhibaanada Golaha Guurtida u sheegay in Go’aankii ay mudada ugu kordhiyeen Xukumada uu yahay Mid Sharci ah oo aan ka Noqosho lahayn, Waxa kale oo uu ka Hadlay  Xaalinta Colaado ka jirra Taleex iyo Buhoodle waxaanu sheegay in uu waajibad ka saaran yahay golaha in la dhameeyo Colaadahaasi oo Nabbad lagu soo dabaalo.

Sidaasi waxa uu ka sheegay Mar uu Maanta uu Soo xidhayey Kalfadhigii 56 aad ee Golaha Guurtida Waxa Xildhibaanada Golaha Guurtidu fasax galeen Muddo Labba Billood ah.

 

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Waxa uu sheegay in Go’aankii Mudada ay Xukumad augu kordhiyeen uu ahaa mid Sharci ah oo Dastuuriyan ah, waxaanu Xusay in Go’aankaasi aanu ahayn mid laga noqonayo, waxa kale oo uu Sheegay in haddii Go’aankaasi Dastuuriga ah laga noqdo aanu waddanku sii jiren.

Waxa kale oo uu ka Hadlay Nabadeeynta Beelihii ku dagaalamay Deeganka Taleex waxaanu xusay in nasiib darro tahay in beelaha isku laayey Taleex la yidhaahado Gogol nabadeed ayaa lagu fidinayaa Oog oo uu sheegay in masaafo fog ay isku jiran, waxaanu xusay in loo bahan yahay in Gogosha nabbada la dhigo Taleex oo halkaasi labbada Beellood lagu heshiisiyo.

Waxa kale oo uu ka hadlay Gogosha nabbada ee u taalla Labada beellood eek u dagaalamay deegnaka Buhoodle waxaanu xusay in meel fiican marayso.