Wasiiro Kormeer ku tagay Deegaanada Xoolodhaqatada ee Bananka Qoolcaday Iyo Gumburaha.

0
40

Hargeysa(DMN)-Wasiirrada Degaanka iyo xanaanada Xoolaha Somaliland, ayaa socdaal ku tagay Bananka Qoolcaday iyo Gunburaha, halkaasi oo ay ku soo arkeen dad iskaga yimid degaanno kala duwan oo abaaruhu saameeyeen.

Wasiiradan oo ujeedada booqashadoodu ahayd inay soo indho indheeyaan xaaladda xoolo dhaqatadani ay ku sugan tahay, waxaana ay indhahooda kusoo arkeen xoolo iyo dad duruufaha abaartu aya aad u saameeyeen.
Dadka degaankaasi ay kula kulmeen masuuliyiinta dawladdu ayaa sheegay in sanadkan uu dadka iyo xooluhuba jilceen. Xoolaha iyo dadka ayaa dushooda laga dareemayaa diif iyo ka soo doogista abaaraha ku dheeraaday Jiilaalkii.

“Waxa weeye xoolaha wax u qabta, waxa wax noo tarayaa waa xoolaha oo wax loo qabto. Waxa loo baahan yahay in dadku markuu jilicsan yahay wax loo qabto. Dadku sabankan wuu jilcay, geel iyo adhiba waa la jilcay, waxay gaadhay in dadka iyo xoolahaba wax la siiyo la waayo” sidaas wax yidhi oday dadka degaanka Qoolcaday ka mid ah oo Wasiirada la hadlay.

Wasiirka degaanka iyo horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka jawaabaysay cabashada xoola dhaqatada oo ku saabsan dhulka oo badiba beero lagu xidhay sidii looga furi lahaa ayaa balan qaaday in dhamaan la furi doono Seerayaasha dadku iska ootay.
“Dhulka waa la furayaa ama waqooyi ha ahaado ama Koonfur ha ahaado ama guban ha ahaado ama Oogo ha ahaadee waa in lagu talo galo in dhulka la bannayn doono. Waxaanu u hawl galaynaa sidii umaddu iskugu gudbi lahayd sidaa imika la iskugu gudbayo, inkasta oo aad arkayso dad qarriban haddana dadka badankiisu wuu nala shaqaynayaa oo waanu la tashanaynaa” ayay tidhi Marwo Shukri oo intaasi raacisay in xukumaddu isku dayayso sidii ay wax ugu qaban lahayd dadkaasi.
Wasiirka Degaanku waxay bulshada Beeraha leh ugu baaqday inay dadka soo guuray u furan beeraha “Waxaan leeyahay walaalo ayaa la wada yahay ee dadka u fura dhulka, berriba xaga kale ayaa la tagiye, maantana halkan baa la wada daaqayaa barina xagga kale ayaa la wada daaqiye dadka dhulka ha loo furo, dawlad ahaana dhulka waa la furayaa”, ayay tidhi Wasiirka degaanku.

Cumar Sheekh Maxamed, Wasiirka xannaanada xoolaha ayaa u dadka u ballan qaaday inay dhinaca caafimaadka xoolaha ka taageeri doonaan “Koox dhakhaatiirta xoolaha ah baan degdeg ugu soo diri doonaa, kuwaas oo ku wareegi doona oo reer kasta u hoyan doona oo halkan ku sugnaan doona inta dadkani halkan degan yahay. Degaankan roob badan baa ku da’ay waana meesha kaliya ee la iskugu yimid ee xoolihii oo dhammi yimaadeen. Waanu ka war haynaynaa oo meesha ay tagaanba waanu la joogaynaa” ayuu yidhi Wasiirku.