Wiil Somali ah oo ka Tirsan DAACISH oo Isku Qarxiyey Baqdaad

0
75

qarax-300x175

Hargeysa(Waaheen) Warbaahinta Dalka Ciraaq ayaa sheegtay in nin   Soomaali ah oo ka barbar dagaalamaayay Maleeshiyaadka Daacish ee ka soo horjeeda jiritaanka Dawlada Ciraaq uu weerar ismiidaamin ah ka fuliyay Saldhig Ciidan oo ku yaala Magaalada Baqdaad.

Wargeysyada dalkaasi oo xiganaya Saraakiisha Amaanka ayaa qoray in ninkaasi Soomaaliyeed mudooyinkaani dambe uu kamid ahaa dhalinyarada loo diyaarinaayay Ismiidaaminta oo tababaro loogu soo xidhay Duleedka Magaalada Baqdaad.

Magaca ruuxaani naftiis huraha ah ayaa waxaa lagu soo koobay Abu Zeyd,  waxaana dadiisa lagu sheegay inta u dhexeysa 25 ilaa 30 jir.

Abu Zeyd ayaa la sheegay in xiliga uu weerarkaasi ismiidaaminta ah fulinaayay uu waday gaari Taangi ah waxa uuna la galay Saldhig Ciidan oo ku yaala Baqdaad.

Sidoo kale Bayaan ka soo baxay Kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in naftiis hurahaasi uu kasoo jeeday dalka Somalia, islamarkaana qorshihii laga damacsanaa weerarka uu u fuliyay sidii loogu tala galay.

Dhacdadaani ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo Qof  Soomaaliyeed uu ku dhinto Dagaalada Kooxda Daacish ay ka wado Suuriya iyo Ciraaq.