“Faysal Cali Waraabe waxa uu Siciid Timo Wayne ku Yidhi Ninka badhan Joogaa Hargaysa Ma Xukumi Karo” Xildhibaan Cabdiqaadir

0
82

 

11289708_857554194292278_725018348_nHargaysa(Waaheen)-Xildhibaan Cabdi Qaadir Jaamac Xaamud oo ka mid Ah Xildhibaanada aqalka golaha wakiilada ayaa ka hadlay Safaro ay ugu baxeen guddida daba galka hantida oo sida uu tilmaamay shirguddoonka golahu ka rebeen safarkaasi oo uu ku qornaa laguna badalay xildhibaano aan gudidooda ka tirsanayn.

Xildhibaanka ayaa sheegay Sharcigii Loogu talo galay in Lagu dhaqmo ay burburiyeen Shirguddoonku,Xildhibaanadii Madax isku wada galiyeen,Khilaafna ka dhex abuureen,isaga oo isoo jeediyay in ay ka taliyaan maslaxada dadka iyo shacabka Somaliland.

macneeyay mid wax yeelo u gaysan kara dawlada-nimada Somaliland waxaana uu yidhi“Shirguddoonka Halkaas Jooga Golaha wakiilada Xaraan Ayuu ku yimid,anaga oo ka nimid Guriga Madaxwaynahii Hore Somaliland ayaa Cabdi Waraabe yidhi geel cokan iyo geel oomaan ayaan u garnaqoo geelaas ooman ayaan waraabinayaaye ina Rayaalow Liq sidaas ayuu ku qaatay Cabdiraxmaan Ciro Sidaas ayuu ku yimid Mana yimadeen meesha taas waxaanu ka rabnay inuu cadaalad lagu maamulo tiina waanu ka waynay oo cadaalada daro aad u baahsan ayaanu ka tirsanaynaa.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Safaro ay gudida Daba galka ugu baxeen dalka dibadiisa oo laga reebaya waxaana uu yidhi.“waxaan ka mid Ahayn Guddida daba Galka Hantida qaranka ee golaha wakiilada,mar guddoomiye ku xigeen ayaan ahaa oo dhamaan waa lakaxeeyay,waxaana lageeyay Ethiopia,aniga basaboorka Soo badal ayaa laygu yidhi waan soo badalay oo basaboorkii kale ayaan soo qaatay ayaa laygu yidhi ka noqo Adigu ku dhoofi mayside,hadana guddida hantida ayaa mid kale u soo baxay tiina waa layga reebay oo ninkaas golaha haysta inadeerkii oo bukhaari ah ayaa lagu daray,aniga ayaa xaq u leh ee maxaa dhacay waxa laygu jawaabay adigu darood ayaad tahay.

waxa uu ku daray intaas isaga oo hadalkiisa siiwata.“Saddexda nin ee shirguddoonka ah balan lama Galo am Lama Beneyee waxaani din tusi Doonaa iyga oo golaha laga qaaday,sharciyadii dalka ayay ku tunteen oo golahii ayay madaxa isku galiyeen,Baashe waxa uu yidhi Guurtidu maxay tahay,Markalena waxa uu yidhi golaha boqol Dollar ayaan ku imi,ana baroon ayaan ku imi Halkan,anigu qori qaadan maayo lakiin waxaan ku dagaalamayaa Qalin.

waxa uu ka hadlay miisaaniyada golaha wakiilada oo xisaab La’aan Shirguddoonka ku soo gashay.“Miisaaniyada golaha wali cidi may Xisaabi inta Lacag soo gasha iyo halka ay ku baxaan,intii uu joogay wasiirka maaliyaddu ayuu golahi sifiican u dhismay,Shirguddoonka Maanta Joogaa Golahii way kala Qaybiyeen Cuqdad ayay galiyeen,hada ka horna sidii loo galay Labada Guddoomiye ku xigeen ayaa maanta loogalayaa iyo Guddoomiyahaba markii ay Dhib mooyaane dheef soo kordhin wayeen.

Guddoomiyaha xisbiga ucid oo ka hadlay sharciyada golaha guurtida fartana ku goday guddoomiye ku xigeenka 1aad ayuu u jawaabay waxaana uu yidhi.“Faysal Cali Waraabe waxa uu timo wayne ku yidhi ninka badhan joogaa hargaysa maxukumi karo,dalkana anigu waxaan u haystaa inuu somaliland oo dhan ka dhaxeeyo,waxaan moodayay in aynu wax isku darsanay oo waynu dumuq-raadiyada shaqaynayso lakiin hadii hargaysa laygu han-jabay maanta oo Faysal Cali waraabe hanjabayo,markaas uma haysto in cidi wax wada leedahay.