“Marwadaa Talisaa Waa Been Oo Ma Taliyo, Waayo Dalku Madaxwayne Ayuu Leeyahay…” Marwo Aamina-weris

0
90

“Dad U Shaqeynayey Siyaad Barre Innaga Oo Toddoba Sano Dawlad Ahayn, Ayaa Maanta Saaxadda Ku Jira Oo Wax Ka Sheegaya Axmed Siilaanyo…”

Hargeysa (Waaheen) – Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina-weris), Marwada Madaxweynaha Somaliland ayaa Telefiishanka Madaxa-banaan ee HCTV uu la yeeshay Wareysi xiiso badan, waxayna wareysigaasi kaga jawaabtey su’aalo badan oo ay ka mid tahay inay talada dalka door ku leedahay.

Marwada koowaad ee Qaranka Somaliland, oo ay Wareysigan la yeelatay Wariye Nimco Maxamuud Samriye ayaa waxa kale oo ay kaga hadleysaa xilalkii uu Madaxwaynaha Somaliland ka soo qabtey Soomaaliya, sidii uu uga goostey ee ugu biiray SNM ilaa dedaalkii dheeraa ee xisbiga KULMIYE u soo maray hoggaaminta Somaliland.

Marwo Aamina-weris oo wareysiga laga qaadey socday muddo 56 daqiiqo ah, ayaa iyada oo ugu horeyn ka hadlaysa wakhtigii ay Midoobeen Madaxwaynaha Somaliland iyo dhacdooyinkii nololeed ee iyada iyo Seygeedu soo mareen, ayaa tidhi “Markaan Jaamacadda soo dhameeyay waxaanu is guursanay Axmed (Madaxwaynaha Somaliland) annaga oo labadayaduba dhallinyaro ah, Axmed-na markaanu is guursanay wuxuu ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda qorsheynta ee (Soomaaliya), annaga oo lix bilood uun is qabna ayuu Siyaad Barre inqilaab ku qabsaday (Xukunka), waxaanu Axmed ka mid ahaa dhallinyaro faro badan oo Wasiirro laga dhigay markaasi, waxaana Wasiir looga dhigay Wasaaraddii qorsheynta ee uu Agaasimaha ka ahaa, waxaanu ka mid ahaa kuwa ugu hadallo cad ee difaaca Somaliland. Axmed wuxuu ahaa ragga uu Siyaad Barre ILAAHAY ha u naxariistee uu ugu ixtiraamka badan yahay, waayo wuxuu ahaa nin hadallo cad oo Mutacalim ah oo isku kalsoon, qaranimadana difaaca, laakiin marka wax la yeelayo xagga uu ka soo jeedo aad iyo aad uga hadla, in badan ayuu Siyad barre ergo u soo diray raggii waaweynaa ee reer Somaliland, oo uu ku yidhi Axmed Siilaanyo wuu igu hadallo kulul yahay, laakiin waa nin hawl kar ah”

Marwada oo sii hadlaysa ayaa sheegtay in Axmed Siilaanyo oo Siyaad Barre u qori jiray khudbadaha “Khubadihiisa oo dhan waxa qori jiray Axmed, mar uu Siyaad barre dibaddu u baxo oo aanu Axmed kaxayn jirin ma jiro” ayay tidhi, waxayna intaasi ku dartay iyada oo sharaxeysa xeeladdii uu uga goostey xukunkii Siyaad Barre “Markaasi ka dib ayaa Wasiirka Ganacsiga laga dhigay, dabadeedna cadaadiskii ayaa ku batay dadkeennii Waqooyiga, baayac-mushtarkii baa laga joojiyey oo waxa la yidhi qofka doonaya warqad uu (Alaab ganacsi dibadda ugu dirsado) Muqdisho ha u doonto oo Hargeysa lagama helayn, markaa cadaadiska Waqooyiga lagu hayey Axmed toos buu ugu dhacayey, maadaama oo uu Wasiirka ganacsiga ahaa. Axmed iyo rag kaloo aan ka xasuusanahay Alle ha u naxariistee Ibraahim Maygaag Samatar oo aad uga dagaalamay cadaadiska waqooyiga lagu hayey waxa ku kacay wax aan odhan karo cunsuriyad iyo in la yidhaahdo waqooyiga ayuun bay u dagaalamaan. Dabadeedna markii ay halkan (Somaliland) ka dhaceen kacdoono badan ee la xidh-xidhay inamadii UFO ayuu Axmed oo Wasiirka ganacsiga ahi uu goostey (Ma hubo In goosashadiisu ka dambeysay ama ka horeysay xadhigii UFO). Laakiin halgankii dadkeenu kaga dhawaaqeen London iyo dadka guduhu way wada socdeen, waxaanu Axmed ka mid ahaa dadkii aan Milletariga ahayn ee ugu hor baxay” ayay tidhi, waxayna intaasi sii raacisay iyadoo iftiiminaysa sidii Axmed iyo qoyskiisu uga baxeen Muqdisho  “Axmed (Madaxwaynaha Somaliland) isagoo Wasiirka ganacsiga Soomaaliya ah ayuu tagey shir ka socday Riyaad, Maxamed Siyaad Barre-na wuxuu tagey Maraykanka, afartii maalmood ee uu shirkaa u diyaar garoobayey ayuu diyaariyey inaanu annaguna baxno, markaanu baxnay aniga iyo carruurtu laba maalmood ka dib ayuu Axmed na u baxay shirkii Riyaad, markii shirkii dhamaaday ayuu London noogu yimid. Markaasi ka dib ayaa loo doortey Guddoomiyaha SNM, annaguna waxaanu ku hadhnay London markii uu isagu u baxay (Halganka)…”

 

image

 

Marwada koowaad oo la waydiiyey faraqa u dhexeeya Mucaaradka iyo Muxaafidka ayaa ku jawaabtey “Mucaaradnimadu way fududahay, waayo markaad Mucaarad tahay shaqo ma haysid, laakiin shaqada kaliya ee aad haysaa waa inaad dawladda Naqdido, markaad dawladda tahayna masuuliyadda dalka oo dhan baa ku saaran, hadday Mucaarad tahay iyo hadday muxaafid tahayba Axmed isagaa u Madaxweyne ah, maalintuu Daahir Rayaale ka tirsadeyna khudbaddiisii u horeysay wuxuu ku yidhi UCID, UDUB iyo KULMIYE kala qaybsanaantii dhexdeeno way dhamaatay oo dhammaantiin anigaa idiin Madaxwayne ah, tii baanu kaga dhabeeyay. Dawladda Axmed imika waxay dad badan ku naqdiyaan UDUB baa ku jirta, UCID dad ahaabaa ku jira, KULMIYE waa lagaga badan yahay, laakiin Axmed wuxuu ugu jawaabaa way suurtowdaa, laakiin UDUB iyo UCID dalka ayay inala leeyihiin, anigu Madaxweyne ayaan kuligood u wada ahay, markaa Dawladda Axmed iyo Madaxweynenimadiisa laguma xama karo markii uu xukunka qabsaday dadkii oo dhan muu simin ee KULMIYE oo qudha ayuu ula cararay…”

Marwada oo sii hadlaysa ayaa tilmaantey sida ay u aragto hadallada ay Warbaahinta mariyaan Mucaaradku “Mucaaradku inay dawladda dhaliilaan, waxay xumaysay inay tilmaamaan oo ay wax u sheegaan iyo waxay iyagu ku beddelayaan inay sheegaan waxaasi oo dhami waa masuuliyad, laakiin waxaad arkaysaa qofka mucaaradka ah ee kursiga doonayaa markuu xanooqo wuxuu doono ayuu ku hadlayaa, markaa saxaafadda waxa saaran masuuliyad ah waxaa uu ku hadlay (Mucaaradku in la faaf reebo)…” ayay tidhi waxayna intaasi ku dartey iyada oo ka hal-celinaysa su’aal laga waydiiyey doodda Mucaaradka ee ah in KULMIYE uu Mucaaradnimadiisii ka hadallo qaawanaa mucaaradka wakhtigan “Mucaaradka waxaan leeyahay KULMIYE mucaarad ka adag ma jirin, laakiin wuxuu ahaa mucaarad masuul ah, mucaarad aan meelaha qaarkood gaadhi jirin, Mucaaradku waxyaabaha ay imika ku hadlaan waa waxyaabo qarankeena wax yeeli kara. Mucaaradku ma wada xuma, laakiin waxa jira Mucaarad markaan daawanayo hadalkooda aan idhaahdo waxyaabaha qaarkood tudhaale ayay u baahan yihiin. Waayo KULMIYE Mucaarad adag buu ahaa, laakiin tudhaale ayaanu lahayn, haddii aanaan tudhaale lahayn (Kursiga) kagamaanu tagneen 80 cod oo mugdi ku jiray….”

Marwada Madaxwaynaha Somaliland oo la waydiiyey waxay ugu jawaabeyso dadka ku dooda inay xukunka Somaliland door ku leedahay, ayaa tidhi “Dooddaasi waa dood jaban, Marwadaa talisa waa been oo ma taliyo, waayo dalku Madaxwayne ayuu leeyahay. Laakiin Madaxwayne iyo Marwo is jecel oo nolosha wada qaybsada way isla talinayaan, haddaan ku idhaahdo Madaxwaynaha lama taliyo waa been, waan talinayaa, waana waajibkayga inaan la taliyo oo aan dalkayga u shaqeeyo, wax xunna kulama taliyo” ayay tidhi, waxayna intaasi sii raacisay “Aniga dadku ima dooran oo Mushahar kama qaato, laakiin Madaxwaynaha ayaan ku taageeraa (shaqadiisa), waxaanan ka shaqeeyaa agoomaha, dadka danyarta ah. Axmed-na maaha nin aniga iyo qof kale toona uu wax khalad ah gelin karo oo wuu ka weyn yahay, wuu ka cilmi badan yahay, wuu ka caqli badan yahay oo wuu ka waayo-aragnimo badan yahay….dalkana in yarbaa u soo martey inta uu Axmed u soo maray, sidaa daraadeed dal uu ciyaar ku burburinayo ama wax ku yeelayo maaha”

Marwo Aamina-weris, oo sii hadleysa ayaa tidhi “Dad u shaqeynayey Siyaad Barre Innaga oo 7 sano dawlad ahayn ayaa maanta saaxadda ku jira oo Axmed wax ka sheegaya…”