Guddoomiyaha Madasha Xasan Guure Oo Kahadlay Khilaafka Siilaanyo Iyo Saleebaan

0
76

11267285_856145737766457_47137885_nDalka gabigiisii Hay’addihii Sharciga ahaa ee aynu dooranay mid walba Sharcigii wuu ka dhamaaday

Hargeysa(Waaheen)-Guddoomiyaha Madasha wadatashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa ka digay muranka u dhexeeya Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo  iyo Gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ee ku salaysan heshiiska Asxaabta iyo Xukumadda.

Waxa uu muran culus  ku tilmaamay muranka u dhexeeya labada Masuul ee dalka ugu sareeya kadib markii guddoomiye Saleebaan diiday inuu aqbalo go’aanka asxaabta qaranka ee madaxweyne Siilaanyo ogolaaday, kuna adkaystay muddo kordhinta guurtidu samaysay.

Gudoomiyaha Madasha ayaa Guurtida ku eedeeyay inaan go’aamaday soo saaraan ahayn xalaal “Dalka gabigiisii hay’addihii sharciga ahaa ee aynu dooranay mid walba Sharcigii wuu ka dhamaaday, midna waa ka imika ka dhamaanayo, guurtida wakhtigii sharciga ahaa wuu ka dhamaaday, Soomaaliduna waxay tidhaa hal booli ahi Nirig xalaal ah ma dhasho,” ayuu yidhi Xasan Guure.

Mujaahid Xasan Guure, ayaa sidoo kale sheegay inay isku milmeen saddexdii waaxood ee qaranka oo ay ahayd inay is dheeli tiraan “Hay’addihii Dastuuriga ahaa ee Xeer dejinta, Fulinta iyo garsoorku waxay isku noqdeen fulinta oo kaliya, maanta ayaabu muran ka dhashay  oo labadii Oday(Siilaanyo iyo Saleebaan) murankoodu taagan yahaye laakiin wali ma jiro cid is waydiisay waar xaggaynu ku soconaa,” ayuu yidhi Xasan Guure.

Mujaahid Xasan Guure oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaynu maqalay saddexdii Xisbi iyo Xukumaddii way heshiiyeen oo waxay ku heshiiyeen in doorashadii dhacdo December 2016-ka. Ma hubo in doorashadu wakhtigaas dhici doonto. Heshiiskaas waxaad moodaa halkii u saraysay in dilaacii ka dhashay , dillaaco markuu Xisbiyada taagnaa bay sahlanayde labadii Oday ee dalka u weynaa markay is qabtaan ee Gudoomiyihii guurtida mid wakhtigu ka dhamaaday ba ahaadee iyo Madaxweynihii markay is hayaan ma sahlana. Gudoomiyaha guurtida iyo Guurtida waxaanu ka filaynay inay dadka nabad ka dhex dhaliyaane,maynaan filayn inay iyagu fad qalalo ka dhex ridaan. Haddiiba dadkii heshiiyay maxaa iyaga haya?, waxaanu leenahay heshiiskii Asxaabta iyo Xukumadda ee bulshada loo sheegay siduu doonaba ha ahaadee muu sal dhigin” ayuu yidhi Xasan Guure.

Gudoomiyaha Madashada ayaa sheegay inay haboon tahay in Somaliland iskugu timaado gogol balaadhan oo lagaga hadlo dhibaatooyinka jira, sida hanaanka caddaaladda, doorashooyinka iyo dib u dhaca inta badan ku yimaada doorashada.