Somalia: Xasan Sheekh Maxamuud Oo Booqday Saldhigyada Ciidamada Somalia Ee G/Shabeelaha Hoose.

0
65

Muqdisho(Waaheen)-Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqdey saldhigyada Ciidammada Xoogga Dalka ee ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu kula kulmey qaar ka mid ah ciidammada degaannadaasi ka hawlgala.

xasan

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu b xidhiidhay u kuurgelid xaaladda ciidammada, dhiirigelin iyo bogaadin ku aaddan guulaha ay dhowaan ka soo hoyeen dagaallada ay la galeen Al Shabaab.

“Waan idin ku bogaadinayaa sida geesinimada leh ee aad cadowga u jebiseen. Naftiina ayaad u hurteen in aad waddanka difaacdaan, sharaftiisana aad soo celisaan. Dowladda iyo shacabkana intaas way idin og yihiin, waxaadna ku jirtaan jihaadka saxda oo ah mid aad dooneysaan inaad shacabkiina ku xorreysaan’’, waxaana uu intaas ku daray  “Waxay dowladdu diyaar u tahay inay baahidiina haqabtirto, taasina waa waajib ina saaran. Geesiyaashii ku dhintey goobaha dagaalka waxaan caddeynayaa in carruurtooda daryeelka ay xaqa u leeyihiin la siin doono’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kula dardaarmey ciidammada inay adkeeyaan, isla markaana dhowraan akhlaaqda iyo xeerarka ciidanka, oo uu sheegay inay muhiim u yihiin ka guul gaarista waajibaadka saaran.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga, S/Guuto Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Amniga, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed,Taliyaha Ciidammada Xoogga, S/Guuto Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidammada Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare iyo mas’uuliyiin kale.