Guddoomiyaha Guurtida Oo Ku Dhawaaqay Hadal Sii Kala Dhantaali Kara Isku Soo Dhawaanshihii Xukuumadda Iyo mucaaaridka

0
91

gudoomiye saleebaanHargeysa(Waaheen)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Maanta ku dhawaaqay Hadal sii kala dhantaali kara isku soo dhawaanshihii la filayey in laga dhex abuuro Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaridka, waxana uu si cad u sheegay inaan Go’aankii guurtidu ahayn mid gorgortan la gelin karo.

Guddoomiyaha oo maanta Saxaafadda la Hadlay xilli uu kulan gaar ah la qaatay Safiirka Dalka Britain u fadhiya Magaalada Addis Ababa Nail Wigan, ayaa sheegay in Go’aankii Guurtidu muddada ku kordhisay aanu wax hadal ahi ka taagnayn.

Saleebaan Ayaan faah-faahinin Ujeedada ay kulankoodan iyo qodobada ay isla gadheen Wafigan ka socday Safaarada Dalka Ingiriiska.

“Qoladan waxaanu kawada hadalnay uun arimaha dalka ka dhacaya iyo qorshayaasheena,Dhinaca doorashooyinkuna somaliland ayay u taalaa ee iyaga beesha caalamka uma taalo”.ayuu yidhi

Guddoomiye Saleebaan oo la weydiiyey su’aal la xidhiidha in Go’aankii guurti ahaan ay Muddada Xukuumadda ugu kordhiyeen, ayaa sidan ku jawaabay,

“Guurtida cidi kama cabanayso guurtiduna go’aan ayay gaadhay,go’aan laga noqdo iska dhaafe iyo waxaas aad sheegaysoo guurtidu go’aana waa gaadhay,shuurcda dalkan waa ka mid,wax walba way ka hadleen,war mawaxa aad goosateen intaad dhag walba igaga qaylisaan in wax iga soo duulaan,waxba igama soo duulayaan.”

intaas waxa uu ku daray.”go’aankaas lagama Noqonayo waana go’aan guurti,waana go’aan baarlaman oo ah sharci qaran,anigu idin odhan maayo cidbaa wax ka noqonaysa iyo wax laga noqday ayaa jira,markaas guddoomiye go’aankaas may idin kala hadleen doorashada.”

Guddoomiye saleebaan ayaa diiday waftigan ka socda beesha caalamka inuu ka hadlo ujeeda ay ugu yimadeen oo dhaafsiisnayn Arimaha doorashooyinka,faah-faahina kamuu bixin Talooyinka iyo Qodobada ay isla gadheen.