Xildhibaan Iyo Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Burco Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Uu Dhex Maray

0
55

duqa degmada Burco dagaal gacan ka hadal ahi dhexmaray xildhibaan ka mida xildhibanada golaha deeganka Burco oo lagu magacaabo xildhibaan Kayse Cabdi Raage iyo xoghayaha fulinta dawlada hoose Cismaan Maxmed Sheekh, dagaalkani ayaa ka

dhashay khilaaf soo kale dhexgalay xildhibaanka iyo xogahayaha dawlada hoose Burco taasi oo noqanaysa markii labaad ee uu dhexmaro dagaal gacan ka hadal ah oo sababay dhawac fudud oo wajiga ka soo gaadhay xoghayaha iyo xildhibaankasi oo la xidhay. Waxana ugu horaynba xadhagin loo gaystay xildhibaan Kayse Cabdi Raage ka hadlay qaar ka mida xildhibanada golaha deeganka Burco oo ay ka mid ahayeen xildhibaan Cabdikariim,Xildhibaan Cabdirashiid Faarax iyo xildhibaan Axmed Afyare oo si isku mida uga hadlay xadhigaas kuna tilmaamay mid khalad ku ahaa xildhibaanka isaga oo wata xasaaniyada xildhibaanimo waa sida ay hadalka udhigeene waxa ka mid ahaa hadaladoodi sida tan “Waxa nagu soo koradhay arin yar oo shiqaaqo ah xildhibaanki iyo xoghayahe oo isku dhacay dabateena maayirku amar ayuu bixiyay oo waxa uu yidhi hala xidho wuu gaxeeyay taliyihi qaybta ayuu ugayay taliyihina wuu xidhay xildhibaanki oo aan runti xaasaniyadi laga rogin ayaa la xidhay oo hadana xidhan anigu raygayga waxa aan aaminsanahay inay sharci daro tahay waxii dhacay waxwayn muu ahayn ee waxa uu ahaa feedhfeedh, xildhibaanku iyo xoghayahu way isku yara qoldafeen maalin horana marka in la xaliyo oo arinkaasi la galo ayay ahayd markaa in la xidho oo xadhig lagu degdego may ahayn midaasina waxa ay ku cadaynaysaa in maayirku uu ka dhigtay xeero isagu uu leeyahay”Ayuu Yadhi Xildhibaan Cabdikariim Maxmud
“Kiiskaasi saaka wuu dhacay oo goobjoog maan ahayn laakin waxa aan imi isaga oo falku taagan yahay runtii kiis khaladan oo xeeradayada ku khaldan ayuu ahaa oo aan kaleenahay xeer iyo waanaba ahaato dadku malaa’igmahaa oo way isku dhacayaan oo fulinti way isku dhacayaan oo galohu way isku dhacayaan lakiin aniagu waxa aan kaleenahay xeer hosaad oo gole ayaanu nahay oo hadi uu khaldamo waxa aan leenahay guddi anshax marin ciqaabaanu leenahay oo xukunbaanu leenahay midna lalama sugin ee waala xidhay xildhibaankaas anaga oo ka xun golahaan xogahayaha arintaasi nagaga timid hadana xadhigaasi waxa uu ahaa khalad lama xidhi karo oo afarta qodab ee lagu xidhi karaana maxkamada ayay yaalan xasanad ayuu qofku leeyahay ama masuulkasta isaga oo xasanadi wadaana lama xidhi karo ama golaha wakilada ahaato ama ahaato ka guurtada ama ahaato ka deegaanka xasanad aay leeyahin waa midnaan ay leeyihiin danbiga aan galna shirciyadiisana way taala wanala xidhayaa oo xadhiguna waa naqabanayaa dariikh nalasoo maraabu leeyahay “Ayuu Yiadhi Xildhibaan Cabdirashiid