Maxamed Huriye Cigaal (Sh.Nuuraani) Oo Aas balaadhan Loogu Sameeyay Magaalada Burco.

0
92

jamBurco(Waaheen)- Alle hawnaxariistee  Maxamed  Huriye  Nuur (Sh.Nuuraani),  ayaa   maanta aas   balaadhan loogu   sameeyay magaalada   burco ee xarunta   gobolka Togdheer.

Aaska   Marxuunka oo ay  ka soo   qaybgalay  maayirka degmada Burco,badhasaab ku xigeenka gobolka togdheer,Xoghayaha fulinta dawlada hoose, Madaxda caafimaadka,xildhibaano ,culamadiin, waxgarad iyo dadaweyne badan madaxda maamulka gobolka,  culamadiin,  waxgarad iyo   dadweyne badan, ayaa lagu aasay xabaalaha magaalada Burco.
Marxuunka oo  fiidnimadii  xalay ku geeriyooday  magaalada Hargaysa oo  loo geeyay  daaweyn caafimaad,ayaa loo soo qaaday dhinaca magaalada Burco.Marxuun Maxamed Huriye  oo ka  mid ahaa Aqqonyahankii  kaalinta muga leh ka  soo qaadatay nabadeyntii   beelaha gobolka togdheer,ayaa ahaa nin si weyn ugu gargaara  dadka jilicsan  islamarkaana bulshadu  wada jeceshay.
alle haw naxariistee  masuulyintii iyo dadweynihii  badnaa ee ka soo qaybgalay  aaska marxuunka oo ka hadlay  halkaasi  ,ayaa ku timaamay Marxuunka  tiir adag oo ka baxay  gobolka togdheer, mudo  badana la tabi  doono kaalintiisii, Waxa masuuliyiintani  eebe uga baryeen  marxuunka  inuu janadii ka waraabiyo  samir iyo iimaana ka siiyo  qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay.
alle haw naxariistee   marxuunka  ,waxa uu ifka kaga tagay  todoba qof,  oo kala ah  afar  wiil  iyo sadex gabdhood  iyo  xaas.
Marxuunka Maxamed  Huriye  ayaa  ahaa nin si weyn looga yaqaan   gayiga  somaliland,ahaana nin  bulshadu wada jeceshahay.
Bahda Jamhuuriya Media Group ,ayaa tacsi u diraysa  dhamaanba   eheladii , asxaabtii   iyo qoyskii uu kabaxay  ,marxuunka  eebbe uga baryaysa inuu jannadii  farduusa ka waraabiyo..aamiin..aamiin.