Geel ninkii lahaa, xaawalay ku hoos jiro!! W/Q. Maxamed Cali-ruush (shaafici)

0
64

Geel ninkii lahaa, xaawalay ku hoos jiro!!

(Sheeko gaaban)

W/Q. Maxamed Cali-ruush (shaafici)

123Ilayn halabsi guunyeed iyo geel kala horidii maan rag kama daalo. Guuleed se, danbaaba u run sheegtay, kol hadduu tahli waayay hugurkii iyo halgankii baaska ahaa ee lagu yiqiin. Haddii uu hawl-kar ahaan jiray haddeer waa habac aan ri’ gees ka ridi karin. Haddii marka uu hadal damco u golayaasha godlin jiray, hadda waa agnaan firixdu kaa dhamaanayso marku holado tiraab. Maad aanu u gon lahayn goobteediina joogin ayuu hadalkiisu isu bedelay. Marku gaar iskula faqo ee isaga iyo hadiisu shawrayaan dhif iyo kow weeye in ay quus isla soo qaadaan. Kuwa se duqa ka ag dhawi way u xil qarinayaane waa raqayo tiin. Maankiisana waxa ku soo noq-noqda oo uu ku dhegan yahay ‘’Gandoodka iyo quusta waa lagu gumoobaa’’ ee mayalka u hay dunyadan iyo taladeeda ilaa u wadku kuu diido. Hadalba gam.

 

Xaalku isaga oo caynkaas ah ayuu duqu dusha u ritay hawl furdaaminteeda iyo abhinteeduba iska daa hadda oo uu gabayee, kolku gabanka ahaa gufaynteeda la il-daraa. Subaxii isagoon shaqaalaha ku hawlan guunyadiisa hal waydiin, ayuu isaga jarmaada geed gob ah oo halkeer ku yaala. Casar -liiqiina u soo tukubaa mininkiisa. Inta u sii caraabaayo ayay qoraxduna godkeedii gelbis ku gaadha. Reerku muxuu sheegay wax dhaafsiisan ma soo rogo. Kolkaasbuu gundhada u galaa laba deryaale ooridiisa gaarida ahi yab-yabtay. Gama’yeey hurdada dheer. Been ka sheegi maaye, hadduu bahal saqda dhexe la tago ma dhaaddo. Oo maxaanu u ogayn. Mooye bal adba. Oo hadda yaa ka raba. Islaantiisa feejigan.

 

Guuleed ayaa goobtan keligii doonyaysan ,ninkii ay haboonayd inuu guntiga giijisto, hadduu geedkaas hoos hoganayo; geeliisana ay qayrkii u rarayaan, duunyo dhaceedu kaabiga sooo saran yahay saw maaha . Horta ma u xil qabaa. Waa dunni rogmad ah; waa goob gabaahiir ah oon beryahaas beelo soo degin. Geedka iyo Guuleed ayaa is weheshada. Waa geed gob ah iyo Gunnimo goob ku wada yaal; hadda way isbarkan

yihiin, gunnimo gob hadhsanaysa caado noo hor ah dheh, eedase geedku waxba kuma laha ee duqan iyada oo hawli u taalo iska jilib-caraystaa canaantaas gaar u leh. Isagu se sidaa ma qabaa. Maye malaha annigaaba iska waal-waalanaaya.

 

Furuq dil; xalay mirtii dhexe kolkii colku galay raaska xaguu joogay. Dee waa kii dhagida galay. Iga walla! gabadh gaariya oo cuudka qaladaysaa seben colaadeed ma cudoona. Sawta cadradii uu dhaxday guuleed uunsi uga dhakaw siisay ee uu iskala garan waayay ,dhalaanimo hufnaydee, dabadeed hurdo yoomal kaaf miciinsaday. Xero geel ah horta iyada si hawl yaraan ah waa loo dareersaday, xero kalena iyada dab iyo waran waa laysku waydaarsaday caabinteeda hayeeshe, ciidanka raaska guuleed iyaga oo xay ah ayaa geeloodii jihadaa hawdka lala xulay. Waa geel ninkii lahaa xaawalay ku hoos jiree caruur iyo ciroolaaba meesha waa la wadhana, rag door ahina waa qudh baxeen, xero geel ahna waa la qaaday, oo colkii soo duulay ayaa la tagay. Ma se garwaaqsana dhiilada soo hoyatey oo waxaabu is bidayey in aan la muquunin karin cududiisa tolleed ee xoogeysatey, mana dhicin caawa ka horow in cuudkiisa xero cadaaweed lagu maalo.

 

Runtu ma idlaato, la arkee se iyada oo af-gobaadsanaysa. Gucle iyo gur-guurad waata guuleed caawaba kula cawaynaysa ardaaga. Oo maxay u sheegtay. Dee in guunyo dhacantay. Duqa waxa wax walba kaga xanaf kulul itaal yarida uu xariijin gaadhsiin waayey cadowgiisa; dad iyo duunyo tiray. Saacado ka hor wuxuu isu tirinayey qani la martiyo, imika se maal uu sheegto waa u guunyo dhacantay oo gacan shisheeye gashay. Soo dhicinteeduna in aanay dhayal aheyn waa dareensan yahay, waase ku dhiiran yahay hadday xataa dhimasho keenayso inuu iska furto caydh qayrkii badeen. Duqu se ma hilmaamsana itaalkiisa iyo galabta wuxu gudi karo.

 

Cadradii u dhaxday ee alalaylahe gaarida ahayd misana uu gosheeda ku hodmay, garwaaqsatay iyaduna in guunyo dhacantay. Waxay hindistay qorshe ay milgaheedii iyo hannaan wanaageedii ku soo ceshato, waayo guunyadii dhacantay ayay xidid iyo xigaal kaga mutaysatay ammaan iyo haybad. Waxay hadba meel u jarmaado oo dumarka

degelka tii ay bidayso garashona u habeen dhaxdoba, talo waxay ku soo uruurisay in duqan ay cariso oo geella sidii loo soo celin lahaa falawgeeda la qabato.

 

Duqa waxay ka saartay baqihii inuu heli doono cudud uu ku guulo dagaalka ee hore maankiisa uga curtay. Dee waa shan-karoonee waxay la soo booday dadku miyaanay dadkii ahayn? Mayee, waa damen iyo da’deed. Xaaji haddaa; halkii uga garaac; laxankii xusuus-gadka iyo maangubka ku ridi jirey. ‘Tolaayeey’, yaa reer Hebela!. Boogaha damaq; bugtada dilaaci. Ugu danbayntii, cadradii haween ee uu qabay duqu waxba kamay qarin ee waxay tidhi; Xaaji guunydii xoog kuma dhicin karno, oo col iyo ciidan ka badan ayey badhtanka u gashey. Af lagula hadlo oo loola tago ma jiro oo innagaaba daalac laynoo raacayaa, oo layna weydiiynayaa baadifada duunyadan aynu muddada dheer iska gasiinsasanay. Duqii Guuleed ahaa maxaa xarbi haysta. Marmarna wuxuu goostaa inuu ka huleelo meesha, se’ ma arko tallo qanac u noqon karta isaga iyo tolkii. Ugu danbayn, taladii xaaskiisa oo uu aad ugu qanacsan yahay ayuu qaatay kolkay soo jeedisay innuu isaga oo da’daas ah ka shaqeeyo geella laftiisa. Ishi xabiibi weligaaba garashadaa waan kugu ogaa. Weligay ma diidin talo aad leedahay. Beegsay; dabadeed raaci ka noqoy hantiddii uu isu qabay in laga soo dhacay.

 

Horta, waan idiin soo sheeko dhaafay ee geellan duqu uu baadi doonka ugu jiro waxay si dool ah xeradooda usoo galeen saddex jiil inta laga joogo. Iyagoo sabben xumaad hore wadeeco ku lumay. Daacuun ma laayaan kuwii geella lahaa halkay ka dhaceen. Dee malahayga colaadbaa seerayaasha iyo deegaanta ka qawdhamaysay oo nafahooday u maaggeen. kuwa kana may baafin; mana baajin ee way iska xalaalaysteen, kolkii ay waayeen cid raacdadooda ku foogan. Adduunyadu waa hadhka labadiisa gelin maanta se, waa xoolo xero ugu jira ciddii xaqa u lahayd.

 

Inkastoo; duqa horaantii ay duulkii moodka haystay u diideen inuu shaqaale u noqdo, haddana markay arkeen samirkiisa iyo danayntiisa ayey u door bideen iney ku aaminaan. Gu’gii ayaa qofka shaqaalaha ah la siin jirey tulud qudha, isagu lamaane ayaabu ka dhigtey jiilaal dhexdii. Waa u geed garaac hadh iyo habeenba.

Xanaaneynteeda iyo xisaabtankeedana xil weyn ayuu iska saaray. Hallaha iyo Awrtu iskuma jiraane, Hashiisii indhodeeq ee gob-deeqda ahayd si gaar ah ayuu ugu geed guraa. Meesha baadka iyo biyaha leh ayuu badi la doontaa. Waayo waa hasha islaantu weli ka sabri la’dahay ee habeenkii ay ku qarawdo.

 

Mar uu gubban u dhaadhacay ayuu dabadhoon ahaan u qabsaday wiil uu addeer ugu toosan yahay oo laba shubka iyo darka Ilaah hibo u siiyey. Labadooda iyo ciidanka kala duwan ee intooda badani xigtada iyo xididka yihiin waa lagu gunneeyaa hawsha ay hayaan. Gacanyaraha ayey badanaa u qabaan ka masuul looga dhigey maalkooda. Oo miyaanu qof ku muraad qunsan? Haa, waabu ka shaqaystaa isagoon hagran. Gujo-gujaynta iyo gar-garaacidda naasuhu; ibbo godlin maahee waa caano gaagixin. Googooynta iyo kala gurka waxay dhiiqdaana maaha gorof buuxin ee waa gabno banaysi. Hadafkiisaa ah ‘Badhax si aan u badsado’!.

 

Duqii guuleed, wuxuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii uu iyagoo isku duuban ugu celin lahaa halkii ay ku dhaqnaayeen. Dhibta kaliya ee hortaagani waa dadka duunyaddan leh oo dirsaday saddex barbaryaal oo gaadh ka haya hawshiisa. duqu habeenkii hurdo gaw kama siiyo oo sidii uu furdaamin lahaa culayska ay qoladani ku hayaan ayuu islaantiisa ka magansadaa oo xaajiyo bal talo godli yidhaahda. Dumar iyo khiyaaano waa laysugu daw galayee ,iyana kama yaraysatee kolba xeelad u tebisaa. Dee xaaji reerka dhex qaad oo dhulka isu dhig oo isu dhiig ilaa ay ku aaminaanaan.

 

Intaa wuu gorfaynayaa oo goobayaa gondaloolooyinkooda si uu u helo fursad u saamaxda la tagida Geela. Xitaa dhac-reebkiina wuu oogay oo god halkeer ah ayay gaban xoogani dhufays ku jiraan. In ay fashilaana u dhaw. Ileen; waa dad ay duunyadoodu hore u fool habowdee, haddii la is yidhaa ka fogeeya duleedka reerka iyo meesha ishu ka qaban karto, waa jidh diidaan oo doc iyo dareenba waa kaga jawaab celiyaan. Welba intaas uun dareenkoodu kuma koobnee dabadhoonkii duqu adeerka u ahaa hangool faraaro leh ayay hadba marku geela ku soo dhex dhaco ku yara gujiyaan.

Ilayn hadii ay ku faraaraha hangoolka ku qabtaan duqii hawsha loo xilsaara odhanaaya, anniga hawsha lay xilsaaray ee wiilku wuu I caawinayaaye ii daaya. Iyadoo runaa lagu rayn lahaa. Hayeeshee, daacadnimada iyo dedaalka duleed ee uu guuleed muujiyay darteed, waxa la guddoonsadey inuu xor u yahay foofinta iyo fogeyntiisaba. ‘Alla talo xaawalay cudoona’! , hadda waa halka ay dibaaqaysay xaajiyadu, ayuu hoos u yidhaahda dabaddeedna u duceeya oo yidhaahda allahayow haygu qaban meel aanay joogin.

 

Sheed ka halacsi mooyee il-qoodaal iyo fogaan-arag duqu uma dhalan. Waa sababtu wiilka uu aaderka ugu toosan yahay magaciisa hore uma helo ee , daba-dhoon ahaanta ugu qabsaday. Show, isna intaa wuxu warsanayaa gedo-yaqaanada kale ee ay duqa iyo isaga xigtada yihiin . Wuxuu ogaaday in haddii uu dhac-reebyada saddexda geesood ka jooga ka dhigo gudbanayaal u hagaag iyo hawl yaraan ku hannan karo geela badidooda.

 

Xoolaha waa geddood kolkay daaqayaan in ay is balaadhiyaan, geeluna waabu kaba sii xag jiraa, duqani se, inuu xidhiidhiyo siddii awr hayaan ah ama reer geedi ah ayuu tabtood yeelaa. Kaskiisa kamuu abhinee gaaridii u dhaxdaa badi lahayd fakradaas. Wali ma aragtay sawirkaas xidhiidhsan? Haddaanad baal ka taagnayn, oo aad gadaashiisa ama hortiisa taagan tahay; kaliya hasha hore ayuun baa kuu muuqdheer. Sidaasbay odayga u hoga-tusaalaynaysay. Oo ugu boorinaysay tabtuu geela gondaheeda u keeni lahaa. Saddexdii dhac-reeb ee geesaha joogayna, mid walba wuxuu u sameeyay boog uu ka damqo haddii ay ka hor yimaadaan ama isku dayaan iney fashiliyaan qorshihiisa. Oonta iyo aradka ayuu duleedka u dhigay, isagoo darka uga daray quusta, raac kastaana isagoo qawdhamaya ayuu fulaa.

 

Waa xaawalay iyo geddoodee, shaw oorida guuleed aroor dhawayd iyadoo dameero dhaan ku doontay, ayay ceelka ku kulmeen ,cadrad iyduna qalad ah oo u dhaxday tolka geela duqeedu raaciga uga yahay. Tolka uun maahe ragga geelan dambaaba ee fejignaanta wax u sheegtay. Guuleed islaantiisu, gabadhan kale ee dhaanka soo

doontay aqoon hore oo gaamuurtay oo ilaa dhallaanimadoodii soo taxnayd ayay isu leeyihiin, hayeeshe iyadoo badhaadhe ku jirta ayaa isugu danbaysay. Markii baabacada layska saaray nolol hore oo badhaadhe u badan, waa dumar iyo caadkoodee, waxay guuleed islaantiisi dhabta u saartay naagtii in badhaadhiihii ay ogayd iyo subag xusula ka leefkii laysaga danbeeyay oo ina rag badheedh u dareersadeen geeli bahdu lahayd. Arinkii iyo qorshihii ay damacsanaayeen, ilayn waatan xitaa uga sheekaysay musalafkii iyo habaarkii dhacay ee galaaftay guunyadii ay ku ogaydee ,hal uga ma ay tegin . Waxay jiibta iyo jaanta subciyaan, waa lakala foofay oo mid waliba waxay dhabaha saartay jihadii reeruhu yiilay.

 

Judhii gabadhii ay gaadhay reerihiiba, waxay sirtii iyo qorshihii reer guuleed, gacanta ka saartay ragguu raaciga ama se shaqaalaha uga ahaa geela u soo dhicintooda ku daba jiray. Raggu kolkii horeba shaki may la’aynee, inta ay isu habar wacdeen oo warmaha iyo biraha hore ka soo qaateen, ayay taw soo yidhaahdeen, soona abaareen jihadii ceelkii geelu ku sugnaa . Daba-dhoonkii duqu adeerka u ahaana halkeer ayuu tookh iyo faan u tix iyo tiraab ku gawl-gawlaa oo isu dhigaayba in uu gabyo. Dee qiyaastii maawelay ka tahay. Waxay ka tahayba mooye, waxba iskagama tiriyo ragga meeraya duleedada ceelkeer geellu ka cabaayo. Waa se war mooge, in ragg hubaysani ku soo fool leeyihiin yaa u sheega. Duqii guuleed ahaana, geed yar oo hawdka kaga began ceelka ayuu hoos fadhiyaa oo diyaar ayaabu taagtaas in uu geela la tago u yahay.

 

Waxa mar kaliya oogmay, qawdhanka iyo hugurka colkii geela lahaa. Duqii guuleed iyo daba dhoonkii adeerka uu u ahaana, kolkii horeba cudud iyo ciidan geela dhicidiisa uma ay haysanee, waxa ay ku war heleen, ciidan rag iyo birba wax u sheegtaa oo dushooda taagan. Oo ragani maxay ahaayeen, iyo mooyee maxay ahaayeen, wax aan ahayn iyaga oo aan is waydaarsan, ayaa waranka iyo waraaqu is qabsadeen oo guuleed iyo daba dhoonkii adeerka uu u ahaaba tiro seefo iyo warmo ahi ku kulmeen.

 

Waar raggu ma labadan uunbaa, mise ragbaa duurka ku soo jira oo u maqan. Waa tiraabtii u danbaysay ee uu duqii guuleed ahaa sii maqlaayay. In yar ka dibna naftu

tartiib tartiibaybay uga gurantay maca-salaamah. Isaga daba dhoonkii u adeerka ugu toosna, naf dhulka ulama uu dhicin. Waayo tobaneeye waran oo rag xoog ahi soo ganeen ayaa ganaca ka guulay. Ugu danbayntiina, Raggaasi waxay eedeen, talo haween, tolaayeey yaa reer hebel ah iyo habacsanaanta duqii guuleed ahaa ee garaadku gaabshay, gu’gana guunka ka ahaa.

 

 

 

………..……………….Wabilaahi-tawfiiq…………………………….