Kulmiye Iyo Axmed Dhagax By Mukhtar Cilmi‏

0
87

Talow maanta muxu ku khudbadinaya madaxweyne silaanyo shacabka somaliland hortisa isago ku guuldarastay biyo la’aanta ka jirta caasimadda hargeysaa gaadh ahaan degmada axmed dhagax ee shalay marku codka u baahna ku cel celin jiray biyo galin ayay ahaanasa muhimadaydu marka codkiina helo ??mee balan qaadtkii!!, ila haatan degmadu iyo nawaaxigeedu ma leh wax horumar xaga biyaha , waxaana ugu darnayd wasirki ugu danbeyay wasaaradda biyaha mr xussen cabdule wuxu caddeyay in mashruuci biyaha xunbaweyne oo la siyaasadeeyay !!, wax biyo galin laga fidin doona hargeysaa gudahida ayaba iska yar, marka mee balanqaadki kulmiye ee codka umadda reer hargeysaa ku kasbaday doorashaddi 2010?!!, muxu maanta ka hadli mise umaddan xaqa u lahayd in biyo galin laga hirgalayo muxu ku hadi hortooda maalinta kulmiye rabo cod?? jawaabtuna waa zeero hal cod ka helo maayo axmed dhagax amba baligubadle amba deegaanadda kale ee qatan.

Xaafadda Axmed dhagax maaha tii ugu horaysay ee biyo la´aanta ka cabata balse Hargeysaa inteeda badan waa la mid sida Maxamuud Haybe iyo New Hargeysa waa in ay banaan baxyo salmi ah ku muujiyaan harraadka ay la il daran yihiin, xukuumadda xisbiga KULMIYE ee dalka hogaankiisa haya dan iyo muraad toona ka lahayn ciddii surmiyaysa iyo ciddii gaajo u dhimanaysaba, aadamigu waxa uu ku noolyahay waa biyaha,hadii la waayana waa lama huraan inuu aadamigu gadoodayo,markaa ma waxa suurta gal noqon weedey in biyaha geed deeble iyo kuwan la hadal hayo xunboweyne in makiinado quwadoodu ka roontahay kuwa hadda adeega la soo iibiyo,haamo waawayn oo kayd ahna magaalada afarteeda jiho in laga dhiso !!? way ku fashilantay xukuumaddi madaxweyne silaanyo in bulshadda axmed dhagax horumarisu iyo waliba umadda dalkeena , maxay soo kordhisay hadaba ila iyo 2010 markaay qabsatay xukunka ?waxna!!, waxaana u soo jedinaya bulshadda hargeysaa oo dhan in ay ka wada xaajoodan arinkan oo ay meel adag iska wada soo taagan.

By Mukhtar Cilmi

mukhtarcilmi@hotmail.com