Puntland: Gaadhi Xalay Xabadeeyey Suxufiyiin iyo Ciidanka Amaanka oo raadcaynaya.

0
82

Garowe (Waahee)-Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka Maamulka Puntland, ayaa raacdo ugu jira Gaadhi nooca Raaxada ah oo la sheegay inuu xalay  Rasaas ku riday Wariyayaal ka Hawlgal Warbaahinta Maamulka Puntland, kuwaas oo aan wax khasaare ahi kasoo gaadhin.

marorTaliyaha Taraafikadda Gobolka Nugaal ayaa sheegay maanta oo sabti ah in ilaa Xalay Ciidamadu ay ku Raad joogaan Gaadhi  la filayo inuu ahaa kii rasaasta laga soo dhex riday.

Ismaaciil Xirsi Taliyaha Taraafikadda Gobolka Nugaal wuxuu Cadeeyey Gaadhigaas Midabkiisu in uu yahay Cadaan Maarked ah wuxuu sidoo kale sheegay Taarikadda Gaadhigaasi uu Watay 37700 oo ah Nabarka Taarikadiisa.

Taliyaha Taraafikada Gobolka Nugaal ayaa Shirjaa,id oo uu ku Qabtay Magaladda Garowe waxaa uu sheegay in hada Ciidamadu ay ku jiraan hawlgal lagu Raadinayo Gaadhigaasi iyo halka laga leeyahay.

Gaadhigan, ayaa la filayaa inay wateen kooxo Al-shabaab ahi, maadaama muddooyinkii dambe Weerar qorshaysan oo khasaare badan geystay laga geysanayey Gudaha Maamulka Puntland.