Guddoomiye Ku-xigeenka Hore ee Komishanka Doorashooyinka Cali Kubad oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Tilmaamay Nin Aan Talin

0
131

Cali-KubadOdaygii meesha ma Haysto xataa islaanta Caanalayda ah ayaa ku Odhanaysa

Madaxweyne Nin weyn oo hadal ka dhacay waa Geed qolafi ka dhacday Baarlamaanka ayaad isa soo hortaagtay oo aad ka hortidhi saacad laygu dari maayo

Hargeysa(Waaheen)-Guddoomiye ku xigeenkii hore ee komishankii wakhtigu ka dhamaaday Cali Xasan (Cali Kubad), ayaa sheegay inay si aan qarsoodi lahayn ay u soo baxday in aanu madaxweyne Siilaanyo talin, isaga oo soo jeediyay in ay ceebtahay in la aqabalo mudo kordhin.

Cali Kubad oo ku biiray xisbiga Waddani ayaa si weyn madaxweyne Siilaanyo uga dhaliilay mar uu ka hadlaayay dalka Ingiriiska, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Axmed Maxamed Siilanayo kacdoon Isaaq ayaa lagu doortay ninkastaaba waa uu ogyahay, Cirona waxa lagu dacaayadeeyaa waa xisbi qabiil, meelkaata waxa Kulmiye uu kaga sareeyay Udub macaa Oodweyne iyo galbeedka Burco oo wasiiro tun waaweyn lahaaba, kacdoonkii sidaas ahaa ee aynu lahayn odayga bal sharaf aynu huwino ee aynu khibrada ku tuhmaynaye, hadii ina Cigaal intin dhidibada inoo aasay, Rayaalana sadex doorasho riday dastuurka iyo shuruucda ha hagaajiyo ayaanu is lahayn, nasiibdaro ninkii da’ ayaa ku timi oo waa laga faa’idaystay, Odaygii meesha ma haysto xataa islaanta caanalayda ah ayaa ku odhanaysa, waxaan halkan u marinayaa nin weyn ayaad tahay oo is jiijiidan kari mayno, nin weyn oo hadal ka dhacayna waa geed qolafi ka dhacday baarlamaanka ayaad isa soo hortaagtay oo aad ka hortidhi saacad laygu dari maayo,maanta kamaynaan filayn ina Rayaaleba waa loo kordhiyaye ii kordhiya, waa wax aad iyo aad looga xumaado, niyad jab weyn ayuu inagu sameeyay.”

“Kaadhadhka diiwaangalinta waxaanu deeqbixiyayaasha ka soo dhamaynay 2011-kii ilaa maalintaasna waxa ka warwareegayay inay sameeyaan qaar ka mid ah wasiiradiisa, markii aanu is nidhi sameeyana waxa la keenay kaadhka dhalashada oo rag wasiiro ah ay wataan oo shirkada samaynaysayna ay iyagu lahaayeen, waxa la yidhi diiwaangalin lama bilaabayo ilaa la dhameeyo kaadhka madaniga ah, waa wax loogu talo galay, dawladu mar hadii ay shaqadeedii qabsan wayday maaha in loo kordhiyo. Kordhintu maaha wax kale waa booba ayaa waddani.”