Xukuumada oo Wada Qorshe Wakiilka Midawga Yurub Dalka Lagaga Mamnuucayo.

0
102

Hargeysa(DMN)-Dayaanka Cadhadii Madaxtooyadu ka qaadday Jawaabtii Beesha caalamku ka bixisay Muddo-kordhintii Guurtida, ayaa wali laga sii maqlayaa Aqalka  dalka looga taliye dhexdiisa, waxana  la dejiyey qorsheyaal loo arko in Beesha caalamka lagaga aargudan karo.

kejMadaxweyne Siilaanyo iyo Xubno Qoyskiisa kamid ah ayaa la sheegayaa inay damacsan yihiin qorshe waddanka lagaga Mamnuucayo Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Somalida Ambassador Mechele Cervone d’Urso oo loo arko inuu aaminay Mawqifkii mucaaridka.

Warbixintan oo aanu kasoo xiganay Mareegta Haatuf.net, ayaa la sheegay in Go’aankan la aaminsan yahay inuu ka dhashay cadho ay Madaxwaynaha iyo qoyskiisu u qaadeen beesha caalamka oo mawqif adag oo diidmo ah ka muujisay mudo-kordhinta 22-ka bilood ah ee Guurtidu u samaysay Madaxtooyadda.  ayaa waxa isku dayey inay baajiyaan arintaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo iyaga oo wada-socda saaka [Shalay] tegay Madaxtooyadda si ay Madaxwaynaha arrintan ugala hadlaan.

Hase-yeeshee sida ilo-goobjoog ahaa Haatuf u sheegeen waxa Wasiir Biixi iyo Faysal iska hortaagay inay la kulmaan ama u galaan Madaxwaynaha Wiilka uu soddoga u yahay ee Baashe, kaasoo sida xogaha lagu tibaaxay isku gudbay Albaabka, isagoo sidoo kale ku dhawaaqayey erayo ay ka mid ahaayeen “..Waa la saarayaa… waa la saarayaa…. Ma jiro go’aan laga noqonayaa..!!”.

Sida la ogsoon yahay Ambassador d’Urso ayaa ahaa diblomaasigii hogaaminayey waftigii beesha caalamka ee Shalay [Doraad] ka dhoofay Magaalada Hargeysa, kadib markii uu kulamo lagaga hadlayey arrimaha mudo-kordhinta la yeesheen Madaxda Axsaabta, Guurtida iyo Xukuumadda inta-ba.