War deg deg ah: Ciidamada RRU-da oo Xoog kula Wareegay Xaruntii Xisbiga Wadani ee Hargeysa

0
18

Hargaysa(Waaheen) Ciidamada RRU-Da Ayaa La Wareegay Xarunta Guud Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Sida Ay Noo Xaqiijiyeen Madaxda Xisbiga Waddani Ee Ku Sugan Xarunta Guud Ee Xisbiga Waddani.

 

Ciidanka Oo Galay Gudaha Xarunta Guud Ayaa Madaxdii Ku Sugnayd U Sheegay Inaan Ilaa Amar-Dambe Ciddina Ka Bixi Karin Cidina Galikarin Xarunta Guud Ee Xisbiga.

 

Madaxda Ku Sugan Xarunta Guud Ayaa Waxay Kala Yihiin

 

Axmed Muumin Seed: Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad

 

Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyoraac): Xoghayaha Qorshaynta

 

Maxamud Cabdilahi Jamac (Gaagaab): Gudoomiyaha Dhalinyarada

 

Saynab Ku Xigeenka

 

Daa’uud Xuseen Foodcadde: Ku Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Gudaha

 

Jamaal Jaamac Xaamud: Ku Xigeenka Xoghayaha Guud

 

Axmed Cilmi Yare: Xoghayaha Khayraadka Dabiiciga Ah

Mujaahid Cabdi Burco

Dhinaca kale Madaxda Xisbiga WADDANI Ee Ilaa Xalay Loo Taxaabay Jeelka Ayaa Gaadhaya Inta La Ogyahay Ilaa 10 Masuul Oo Xisbiga Ka Haya Xilal Sarsare, Iyada Oo Qaarkood Ay Ciidamadu Ugu Daateen Guryahooda Halka Qaar Kalena Ay Ka Qabteen Magaalada Dhexdeeda.

Madaxda Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ee Ilaa Hadda Jeelka Loo Taxaabay Ayaa Waxay Kala Yihiin

Deeq Xirsi Canbuur: Xubin Guddiga Fulinta Ah

Cabdiraxman Maxamed Rooble (Cabdi Six): Xubin Guddiga Fulinta Ah

Xasan Axmed Muuse: Xoghayaha Xanaanada Xoolaha

Aamina Jirde: Xoghayaha Warcigelinta Gobolka Maroodijeex

Maryan Maxamuud Dirir: Xoghayaha Garabka Haweenka Heerqaran

Amaal Yuusuf Cabdi Indhacad: Afhayeenka Garabka Haweenka Heerqaran

Mawlid Muuse: Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Maroodijeex

Maxamed Foore: Gudomiyaha Degmada Maxamuud Haybe

Maxamed Sidiiq Cabdilaahi: Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Heerqaran

Maxamed Jamac: Gudomiyaha Wacyigelinta Degmada Axmed Dhagax

Sidoo Kale Waxaa Xidhan Jidka Halbawlaha Ah Ee Dhexmara Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa Iyadoo Ciidamo Xad-Dhaaf Ahna La Geeyey Xaafadaha Iyo Dagmooyinka Magaalada.

Dhinaca Kale Iyadoo Hore Ay U Xidhnaayeen 10 Masuul Oo Ka Tirsan Madaxda Xisbiga Waddani Ayaa Hadda Waxa Jeelka Loo Taxaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha Mustafe Maxamuud Qodax.