Waddani oo Diiday Mudada ay Guurtidu u kordhiyeen Xukumada.

0
107

Hargeysa ( Waaheen) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Cabdiraxman Cirro ayaa Ganafka ku Dhuftay Mudda Sannadka iyo Tobanka Billood ah ee ay Kordhiyeen Gollaha guurtida Somaliland.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in ay Nasiib darro tahay in Muddo intaasi leeg ay Guurtidu Kordhiso, isla markana Waxa uu Xusay in Xisbiga Waddani uu Aminsan yahay isla Markanaa Doorashada uu Gallay 1 Junne ee Komsihanku u Asteeyey in Doorashada ay ku qabanayaa.

Guddoomiye Cirro Waxa kale oo uu sheegay in Xafiisyadii Xisbiga Waddani, Hargeysa, Burco, Berbera, Lascaanood, Ceerigaabo dhammaan la wadda Xidhay.

Waxa kale oo uu Taxay Magacyada illaa 50 Sarkaal oo Xisbiga Waddani laga xidhay.