WADA QUDHA MARAAY IS WAYDAARSANEEY!!!!!!‏

0
89

jam1Sida aynu wada ogsoonahay isla markaana aynu ka wada dharagsanahay umaduhu waxay dawladnimo taam ah iyo hore u kac ku gaadhaan waa is maqal hufan,isku tanaasul, danta gaarka ah oo laga oo meel la iska dhigo danta guudna meel looga soo wada jeedsado gacmahana la is qabsado cadawgana loo midoobo xumahana la iska reebo wanaagana la is faro musuq maasuqa iyo kali talisnimadana laga taqaluso oo lagu dhaqmo waar maxaan yeela ilay talo rag waa u dhexe qabyaalada oo meeshii iyo sidii ilahay ugu talo galay lagu daayo oo aan lala iman fagaarayaasha siyaasada iyo warbaahinta intaasi hadii lagu guulaysto waxaa hubaal ah in umadaasi ay gaadhayso hiigsigeeda fayaw ee caafimaadka qaba.

Hadaba inaga ka soomaaliland ahaan markaad eegto waxaa iskaga keen qasan arrimahan aan xaga sare ku sheegay  waayo waxaad arkaysaa iyadoo cid cid maqlaysaa aanay jirin khayr iyo shar kuu doono ha ahaadee isku tanaasulna hadalkiisa daa waayo waxaabad moodaa maanta inay marayso mindi mindi ku tag iyo ku xumee maxaa iga galay waan ka danaysanayaa dantii guud iyo shacbigiina cid u joojinaysaa ma jirto qabyaaladii ayaad arkaysaa oo meel walba lala taagan yahay oo afka furatay,xumaantii oo aan laga dhiidhiyayn wax ka soo qaadna aan lahayn cida wanaaga sheegta oo lala yaabo, siyaasi  aan muda matalahayn ee iska dhaadhicinaaya mid ilahay nacay oo kufaar ah maslaxo aduunyana kaga doonaaya.

Markaad arrimahas is bar bar dhigto waxaad is dhahaysaa malaha qiyaamihiibaa soo dhaw siday wax yihiin waxaad arkaysaa siyaasiyiinta oo maalin walba isku keen dul haysta iyagoo dantooda u yaacaaya ee dan shacab iyo mid guud toona u socanahayn waxaa kuu cadaanaysa hadaa sii daba gasho habdhaqan ka siyaasiga maanta waliba kuwa mucaaridka sheegta inay u dhaqmayaan si aan lamahadin doonin.

Sidaa awgeed waxaan leenahay oon cod dheer ku leenahay waa hakala soconina ee isku duubnaada oo umada u tudha oo wadanka lexejeclo u yeesha waayo waxaan leenahay cadaw badan dibad iyo gudaba kuwa aad bulshada caalamka ku sheegtaan eed daliishataan waxay rabaan inay madaxa isku keen gashaan oo ay qoxooti inaga dhigaan dabeeto qamadiga inoo qaybiyaa ilaahay ayeynu ka magan galay siday rabaane.

Dusha waxaa lamoodaa soomaaliland siyaasigedu inuu wada socdo hadan boqolaal danood ayuu mid waliba guntiga ku haystaa oo ugu laaban waar ka daaya oo wadan ka iyo umada u tudha.

Guntii iyo gaba gabadii waxaan leeyahay oo soo dhigahayaa maqaalkana aan ku afmeerahayaa murtida ah ama odhaah dahsoon oo ah  WADA QUDHA MARAAY IS WAYDAARSANEEY

 

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)