Booliska Austaralia Oo Ka Hortagaya Wiil Weeraro Qaraxyo Ah Samaynayay.

0
98

Police conduct counter terror raids near MelbourneMelbourne(Waaheen)-Booliska dalka Australia ayaa qabtey wiil 17 sano jir ah oo deganaa magalada Melbourne, kaas oo looga shakisan yahay in uu qorsheynayey in u fuliyo weerar uu qarax u adeegsado, sida laga soo xignayo Booliska.

Wiilkan ayaa la qabtey oo Sabtidii, Waxaana gurgiisa laga heley saddex bom oo ah nooca guryaha lagu sameeyo. Wakaalada wararka ee AP ayaa qortey in boolisku burburiyeen bombooyinkii la aaminsan yahay in wiilku sameeyey.

Booliska ayaa sheegay in aysan ogeyn xilliga iyo goobta uu damacsanaa in uu weerarka ku qaado, waxayse u muuqataa in weerarku diyaar ahaa ayey yidhaahdeen
Raysalwasaaraha Australia Tony Abbot ayaa sheegay in ay hayaan caddeymo muujinaya in wiilka la qabtey uu muddo dheer qorsheynayey weerarkan.
Wiilka ayaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago maalinta Isniinta ah.