Bisha Cas ee Hargeysa oo Si Weyn u Xustay Maalinta Bilaha Cas iyo Laanqayraha Cas ee Adduunka

0
129

20150509_101710 “Bisha Cas Waxay ku Guuleystay in Qaxoontigii Yeman ee Berbera ka soo Degeya ay Caawiso” Guddoomiyaha Bisha Cas Axmed Cabdi Bakaal

 

Hargeysa (Waaheen) Ururka Bisha Cas ee Somaliland ayaa Xusay Maalinta Bilaha Cas iyo Laanqayraha Cas ee Adduunka oo Sannad Walba  Bisha May Siddeededa laga Xuso 189 Dal oo ay Somaliland ka mid tahay.

Munaasibad Balaadhan oo Si Qurux baddan loo Soo Agaasimay ayaa waxa lagu qabtay Xarunta Bisha Cas ee Magaalada Hargeysa, Waxaana ka Qaybgalay  Marwada Kowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamina Waris, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Sacad Cali Shire, Wasiirka Cadaalada Xusseen Axmed Caydiid, Agaasimaha Guud ee Wasaarada  Caafimadka, Masuuliyiin ka kala Socday Shirkadaha Dahab-shiil iyo Telesom iyo Guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakal iyo Marti sharaf kale.

20150509_093021Munaasibadaasi ayaa Waxa ugu horeyn ka Hadashay  Faadumo Biixi oo ah Gabadh Reer Somaliland oo ah Qofkii ugu horeyey ee Xarunta Bisha Cas ee Hargeysa loogu sameeyo Luggo Mac-mal ah ka dib markii labbada Lugood ay ka goysay Miinno Wakhtigii dalka Dib loogu soo Noqday, Waxaanay ka hadashay Qiimaha ay Maalintani leedahay iyada oo ka sheekeysay markii la keenay Xarunta Bisha Cas isla Markaana lagu daaweyey loona sameyey Lugo mac-mal ah, waxaanay Tilmaamatay in wakhtigaasi ah ay Xarunta ka shaqeynayeen Kooxo Hindi ahi, balse maanta ay ka shaqeynayaan Aqoonyahano Reer Somaliland oo Aqoon iyo Khibrad u leh Shaqadan.

Waxa kale oo ay Xustay in Kumanaan Shacabka Reer Somaliland ahi ay ka Faa’ideysteen Xarunta Bisha Cas ee Dadka laxaadka la’ lagu  daaweeyo.

Guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal  ayaa Xuskaasi Qudbad dheer oo taabanaysay Dhinacyo baddan oo kala duwan oo ay ka mid tahay Halkii laga soo Bilaabay Xarunta Bisha Cas ee Somaliland, Hurmarka ay ku taalaabsaday iyo Shacabka Somaliland sidda ay wax ugu qabtay, iyo Qiimaha ay leedahay Maalinta la Xusayaa.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Xarunta Bilaha Cas ee Somaliland ay caawiyaan Hay’ado kala duwan oo ka kala Socda Dalalka Filland, Sweden, Norwey iyo Germalka kuwaasi oo Bisha Cas ee Somaliland soo Mariya Mashaariic kala duwan oo wax loogu qabto shacabka ku dhaqan Lixda Gobol ee Somaliland, waxaanu sheegay in ay wax u qabtaan dadka  Barakacayaasha, Biyaha, Caafimadka, Gargaarka iyo iska Wax u qabsada isla Markaana wax baddan ay dalka u qabteen, isaga oo si mugleh uga hadlay sidda ay wax ugu qabteen Qaxoontiga Yemen ee Dalka Somaliland Yimaada kuwaasi oo uu sheegay in Bisha Cas Magaalada berbera ay Soo dhaweyso isla markaana wax u Qabto Qaxoontiga ka soo Qulqulaya Yemen, isla markaana Bisha Cas gacanta ku hayso dadkaasi illaa ay Qof waliba dalkii uu ka yimid uu dib ugu noqonayo,  isaga oo hoosta ka xariiqay in aanay Munaasibadan ku soo koobikarin waxqabadka baaxada leh ee u qabsoomay Bilaha Cas ee Somaliland.

Wasiirka Qorsheynta Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Cadaalada Xusseen Axmed Caydiid oo iyaguna Munaasibadaasi hadalo ka jeediyey ayaa ka hadlay Qiimaha ay leedahay Xuska Maalinta Bilaha Cas iyo Lanqeyraha Cas, waxaanay sheegen in Bisha Cas ee Somaliland ay wax baddan dalkeeda u qabtay

 

Marwada Madaxweynaha Somaliladn Aamina Waris oo Munaasibadaasi hadal Qiimo baddan ka jeedisay ayaa ka hadashay Qiimaha ay leedahay maalinta Bilaha Cas iyo Lanqeyraha Cas, Waxaanay Marwadu Shacabka iyo Ganacsatada ugu baaqday in ay Garab istaagan Bilaha Cas ee Somaliland oo Taagero u fidiyaan madama oo shacabkeena ay waxa u qabbanayaan si Mutadawacnimo ah.

Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Waris oo Arrimahaasi ka Hadlaysaa waxay tidhi. “Hay’adani waa Hay’ad laf dhabar u ah Hawlaha Somaliland, gaar ahaana Xagga Caafimadka, iyo xagga Aafooyinka aynu la kulano oo markiiba Gurmadka koowaad ciida Fiidisa ay bisha Cas kow ka tahay, runtii aad iyo aad ayeynu ugu bahan nahay in hay’adani Korto, isla Markanaan inaga oo Xukuumadii ah, Ganacsatadii ah iyo Shacabkuba ay isla barbartaagan caawimada,  Hay’adani qiimo gaar ah oo ta waddaninimo ka sakow ayey ii leedahay asaasihii Bash cas waxa uu ahaa Walalkay  Cali Jirde oo aniga Aabahaygii labbadna ahaa, Waayo wuu ikoriyey illaa Dugisiga hoose illaa jaamacadaha ugu qaalisan adduunka ayuu igeyey oo uu igga Bixiyey, waxaan bisha Cas ugu mahad naqayaa in himiladiisi iyo Dareenkii uu  qabey in Somaliland ay ka Shaqeyso Mutadawacnimadu in ay sii waddeyn oo hawshii siddii uu u wadday ay dadkii uu kaga taggay si ka sii fiican u waddaan”Ayey Tidhi Aamina Waris.

Gabogabadii Marwada Madaxweynaha Aamina Waris ayaa shahaado  Sharafyo Guddoonsiisay  Shirkado iyo Dad la shaqeeya  Bisha Cas ee Somaliland oo ay Bisha Cas ku maamuustay waxaana ka mid ah ahaa Shirkadaha Telesom iyo Dahab-shiil.

Waxaana Xuskaasi lagu soo Gabogabeyey Ruwaayad Qiimo badan oo ka Turjumaysa Qiimaha ay leedahay Xuska Bilaha Cas iyo Laanqeyraha Cas.