Al-shabaab Oo Markale Gudaha Kenya Kasoo Afduubatay Gaadhi Qaad ku Rarnaa

0
53

Mandera(Waaheen)-Sida ay sheegayaan wararka ka Imanaya Gobolka W/Bari ee Dalka Kenya, Baabuur u qaad saarnaa, ayaa la afduubtay, iyadoo loo kaxaystay dhinaca Somalia.

armeWararku waxa ay intaas ku darayaan in dhacdadani dhacday shalay galabtii, iyadoo  Gaadhigaasi uu ku socday Deegaanka Mandhera, kahor intii aanay Kooxo Hubaysani jidka u gelin, isla-markaana ku qasbin in loo kaxeeyo dhinaca gudaha waddanka somalia.

Guddoomiyaha degmada Mandheera Cali Roobo ayaa warbaahinta maxallliga ah u sheegay in mid ka mida gaadiidka Qaadka ay waayeen kadib markii xoogag hubeysani ay wadada u galeen.

Xarakada Shabaab ayuu ku eedeeyay in ay gaadhiga kasoo qafaalatay gudaha Kenya. Ilo-wareedyo ay warbaahintu soo xiganayso ayaa sheegaya in gaadhi nooca Kooyalka loo yaqaan lagasoo xoogay dad Kenyaan ah kadibna loola dhaqaaqay dhanka gobolka Gedo oo saaran soohdinta Somaliya iyo Kenya.

Ammaanka Kenya ayaa sanadadii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay iyadoo ciidamada shabaabku ay dhowr goor weerarro dhiig badan ku daatay ka fuliyeen magaalooyin iyo deegaanno Kenya ka tirsan.