Garyaqaanka Guud oo iftiimiyey qoraal is qaldan uga soo baxay.

0
214

Hargeysa(Waaheen)Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland ayaa iftiimiyey Khaladaad ku jiray Daabacaada Cadadkii 12aad ee ka soo baxay Xafiiskaasi gaar ahaan wax ka badalka xeerka Wax ka bedelka xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, (Xeer No: 37/2007) sidaasi wuxu ku sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Wararka ee Waaheen waxaanu u dhignaa sidan.

 

Ku: Warbaahinta Madaxa banaan

 

Ujeedo: Iftiimin

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku waxa uu u iftiiminayaa dhamaan bulshada Somaliland, iyo bahda Saxaafadda in Faafinta rasmiga ah ee Qaranka cadaadkii 12aad ee soo baxay sanadkii 2014-ka, uu ku jiray khalad dhinaca daabacadda ah, gaar ahaan; Wax ka bedelka xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, (Xeer No: 37/2007).

 

Khaladaadkaasi oo xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku uu ku baraarugay, horena u qaaday talaabooyinkii lagu sixi lahaa oo ay ka mid tahay in nuqulka bishan soo baxaya ee Faafinta Rasmiga ah ee Qaranka dib loogu baahiyey sixidda qaladkaas madbaciga ah.

 

ALLA MAHAD LEH

Ibraahim Iidle Suleymaan

Garyaqaanka Guud Ee Qaranka