Taariikhda-Dagaal ee Xabashada iyo Soomaalida. W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
149

 

 

 

Inta lagu hayo taariikh qoran soomaalidda iyo xabashiddu waxay dagaalameen ilaa shan goor oo waaweyn, oo kala ah:

a) sanadkii 1529

b) sanadkii 1900

c) sanadkii 1964

d) sanadkii 1977

e) sanadkii 2006

 

=sanadii 1529 waxa dhacay in ciidamo tiradoodu gaadhayso 68,000 oo Imaam Axmed Ibrahim Allqasi (axmed gurey ) hogaaminayo ayaa weerar balaadhan ku qaaday xaruntii boqorkii xabashida oo ku taala Banbiya oo ku taala meel u dhaw harada Taana . labadaa ciidan way kala badnaayeen ciidanka xabashidu waxa uu ahaa 16,000 oo fardoolay ah iyo 200,000 oo lug ah ama afanteri , Halka ciidanka Axmed guray ahaa 560 fardoolay ah iyo 12000 lug ama afanteri ,dabcan waad garan kartaa baaxada ciidanka e boqorka xabashida ay lahayd.waxba yaan hadal kugu daline waxa bilaabantay dagaal qadhaadh oo faraha lagaga gubtay ,waxaana u suurtagashay Axmed guray inuu dagaalka ku guulaysto oo ciidanka awooda badnaa la jabiyo , waana markii u horaysay ee muslimiinta geeska afrika guul dagaal ku naaloodaan.

 

Waxa xusid mudan in isla dagaalkaa qudha lagaga jaray boqorkii xabshida u talinayay oo magaciisa la dhan jiray Galawdiyuus .oo laga qabsaday xaruntiisa oo ahayd buur

dusheeda ,waxaana la soo qaaday cashrigisii iyo gogoshii uu ku seexan jiray intii u dhaxaysay 1529-1535 kii waa mudo 7 sano ah ayuu Axmed guray dhulka xabashida intiisa badan qabsaday .qaar ka mid ah dagaaladaas wuxu axmed guray qaadi jiray weeraro xidhiidh ah waxay taariikhdu sheegtay in axmed guray weerarada qaadi jiray goor habeen badh ah iyo waabariga taasina ay sababtay in colkii xabashida oo hilib iyo cuntba karsaday ay ka carari jireen ,markii dambena , xabshidu ay bilaaban in ay cunaan hilib qaydhin ah . taaso ilaa maanta ka muuqata dhaqanka xabashida .haddii si kale aynu u dhigno , axmed guray wuxuu ahaa ninkii ku qasbay xabashida in ay cunan hilib qaydhin ah.

Waxa caqiido diineed u ah gaalada inay ilaaliyaan dawladaha gaalada ah ee k u nool aduunyada , si aanay muslimiintu uga awood badan. sanadkii 1543 ayaa ciidamado ka tirsan bortuqiiska oo ku hubaysan qoryo casri ah oo aanu Axmed guray haysan ,ayaa weerar ku qaaday .ka dibna waxa u suurtagashay ciidamadaasi inay dilaan Axmed guray ,meesha la yidhaa Waydaga oo ku taala agagaark harada Taana .

Taasi waxays hakad galaysay duulankii muslinmiintu ku qaadi jireen colka xabashida dilka Axmed guray wuxu soo nooleeyaya niyadii xabashida ee jabiyay dagaaladii hore ,ciidamadii Axmed guray waxa ay dib ugu soo gurteen dhulkii ay somalidu daganayd .

Dabcan dilkii Axmed muu keenin jabweyn ,balse muslinminta waxa hogaanka u qabtay nin la odhan jiray Nuur mujaahid oo halganka halkii ka sii waday .

Aakhirkina wuxu qaaday weerar rogaal celin ah wuxuuna ku guulaysatay inuu u soo aaro ,oo uu soo dilo boqorkii xabashida ee xiligaa talinayay .

 

=Sanadkii 1900kii ayaa ciidan aad u fara badan oo fardoolay ah uu hogaminaayo Sayid maxamed cabdile xasan ayaa weerar ku qaaday magaalada jigjiga oo ay fadhiisin ku lahaayeen ciidan u daacad ah xabashida ,jugtii hore waxa gacan sareeyey fardoolaydii Sayidka oo gebi ahaanba gacan ku haynta magalada la wareegay intaas ka dibna waxay dhanka galbeed u dhaafeen buuraha kaaramardha , oo dhawr tuulo ayay gacanta mariyeen .

Dagaalkani waxa uu af kala qaad ku noqday boqorki xabashida ,oo warkii dagaalku gaadhay ,kadibna waxa soo qaadeen weerar rogaalcelin ah oo ay ku doonayeen iny ku qabsadaan magaalada jigjiga iyo tuulooyinka laxidhiidha.

Dagaal aan waxba layskula hadhin ayaa ka dhacay galbeedka jigjiga, oo in maalmo ah socday ,markale ayaa colkii sayidku guul gaadhay oo jab iyo hoog u gaystay xabashida

Sida aynu hore u soo sheegnay wadamada gaalada ,waxa markasta u hiiliya wadamo gaalo ah oo xoog ciidan leh

Dabayaaqadii 1901 ciidamadii siyadka oo guulo ku naaloonaya waxa weerar dhabar jab ah ku qaaday ciidamado ingiris ah oo saldhigoodu ahaa yemen ,kadibna waxay dagaal la galeen ciidamadii ingiriska oo ku hubaysan hub casri ah .

Gari laba nin kama wada qoslisee waxa dagaalkii lagaga adkaaday ciidanki sayidka firxadkii sayidka iyo intii ka soo hadhay ciidankiisa waxay ku laabteen xaruntiisii Taleex ee gobolka Sool.

Sanadkii 1964 ayay ciidamada xabashi ah oo ka amar qaata boqorkii Xaylasalasa ,waxay weerar ku qaadeen dhulka soomaalidu dagto ‘min doolaw ilaa togwajaale “

Dawlada somalidu waxay ahayd dawlad tag daran ,sababta oo ah waxay xor ahayd 4 sano oo kaliya oo xataa ciidan awood badan may lahayn.

Halka ciidamada itobiya waqtigaasi loogu yeedhi jiray Libaaxyada Afrika.

Dhinaca itoobiya waxa hogaanka u hayay Col.Mingiste Xayla maryam, oo waagaasi ahaa isbatoore iyo laba nin oo ku xigeen u ahaa oo la kala odhan jiray Girma iyo Alemayahu,oo darajadoodu ahayd sadex alifleh.

Dhinca somalida waxa dagaalkaas hogaamiyay col.c/laahi yusuf axmed general maxamed siyaad bare ,general Xasan yoonis habane ,

General Maxamed nuur galal

Dhamaantood waxay ahaayeen gaashaanle hoose ,oo waagii dambe ayay u dalaceen general ama gaashaanle sare .

Ayay dib u soo noqdeen goobtii dagaalka .

 

=Horaantii horaantii February 1964 waxa si rasmi ah bilaabmay dagaalkii ay xabashidu soo qaaday ,waxa laysku halelay goobo dhawr ah ,balse jugtii hore ee dagaalka cidna guul may gaadhin ,bishii march dabyayaaqadeedii ayaa ilaa dhawr goobood lagu jabiyay xabshida goobahaas waxa laga xusi karaa :

(a)Doolaw (b)togwajaale (c)feerfeer .

Markuu dagaalku halkaa marayo ayuu aduunweynihi qayliyay oo ciidankii Somalida loogu baaqay inay dib uga soo baxaan dhulka itoobiya ee ay qabsadeen .waa tii hobolada qaranku ku heesayeen “xuduuda gadaaman ee gaalku sameeyay ,inaan ka gudbaynu waan garanaayay geeshkayagaw guulaysta“

Waanwaan iyo dhexdhexaadin kadib

Ciidamadii somalida waxa lagu qanciyay inay ka baxaan dhulkii ay ka qabsadeen xabashida.

 

=Sanadkii 1977 ayuu madaxweynihi somaliya arkay itoobiya oo diciiftay dhanka awooda militerioo Xayla salaasa aya la inqilaabay sanadkii 1974 oo col.mingiste xayla maryam ayaa hogaanka la wareegay .sadex sano isagoo xukunka haya oo aan lahayn awood militeri oo xoog leh .

Ayuu general maxamed siyaad ku qaaday weerar ,sanadki 1977.

Horaantii 1977 ayay ciidamada qalabkasidaa oo tiradoodu gaadhaayso 60,000 oo askari dagaal loogu yeedhay

‘xoraynt Somali galbeed .” inkastoo aragtiyo kala duwan laga bixiyay sababta dagaalka loo qaaday .

Bishii labaad ee 1977 ayuu dagaalku sii kululaaday .

General Maxamed nuur galaal iyo col.Maxamud sh.cismaan “ciro” ayaa hawlgalka soomalida hogaaminayay shantii bilood ee ugu horeeyay ciidamadii somlidu milateri ahaan way ku guulaysteen oo ciidankii xabashida kaga xoreeyeen min Diridhaba ila Negayle .waxayna kaabiga u fadhiisteen caasimada itoobiya Adisababa .

Waxana mudo gaaban cagta la mariyay ciidamdii ay itoobiya ku faani jirtay ee la baxay llibaxyada Afrika waxaana laga dhigay doofaar dulaysan .

Hasa ahaatee dabayaaqadii bishi afrad e sanadki 1977 wuxu ruushku joojiyay nooc kasta oo kaalmo ah oo siin jiray somalidda.

Arintani waxay caqabad weynku noqotay habsami u socodki dagaalka .

Muddo yar ka dib general siyaad ayaa gebi ahaanba xidhidhka u jaray midawgi soofidka.

Arintani waxay waji gabax ku noqotay dalweynihi midawga soofitka ,oo waagaas ahaa quwad weyn oo laga danbeeyo ,xaga militeriga

Jawaabtii uu midawgu ka bixiyay arintani waxay noqotay inuu toos ula safto dawlada itoobiya oo taageero hub iyo shidaal tiro badan siiyo .waxaana intaasi dheeraa khubaro dhinaca militeriga ah oo la talisa hogaanka ciidamada xabashida

10.05.1977 ayuu gurmad militeri oo isagu jira cir iyo bada u fidiyay itoobiya .

Sidaasi awgeed diyaaradaha helicopterska ee dabaabadaha xambaara waxay dhabarka ciidanka somalida oo aan laga filayn ku daadiyeen tangiyo iyo ciidan lug ah oo isugu jira xabashi iyo kuubaan

Maalmo kooban ayaa ciidankii somalida laga qabsaday dhul baaxad weyn oo u dheexaya Diridhaba ila jigjiga

Iyadoo arintani halkaa marayso waxa iyana dhinac socday ,baaqyo ka yeedhaya aduunka oo laga dalbanayo in dagaalka la joojiyo .

Intii u dhaxaysay 10.15.1977 waxa socotay waan waan iyo dhexdhexaadin lagu qaboojinayo dagaalka.

Horaantii 1978 guud ahaan dhulka Somali galbeed wuxu u gacan galay ciidamada itoobiya oo ku duuban bahda warso.

Ka dib waxa xigtay in general siyaad uu ku dhawaaqo in ciidamadisa uu kala baxayo gudaha itoobiya .

Muddo yar guhood ciidamdii somaliya way ka soo dhamaadeen gudaha itoobiya oo waa kuwii hobolada qaranku lahaa “galbeed waa la xoreyay ee waarso ayaa gaagixisay.”

 

=Tariikhdu markay ahayd 24/12/2006 ayay ciidanka xabashidu oo dhawr iyo konton kun,oo ay hogaaminayaan general Gabre salasa iyo Gabre dile ayaa weerar cir iyo dhul ah ku soo qaaday magaalada Beledweyne waxaana isku farasaaray ciidamada maxakiimta iyo ciidanki lugta ahaa ee xabashida

Isla bishii December 2006 ayay ciidamadii itoobiya gaadheen magaalda muqdisho iyagoo laamiga sii raacay ka dibna markay qabsadeen magalaada baladweyne ,duulaankii dagaalka ,ciidanka xabshidu waxay ku tageen cirifka koonfureed ilaa Kenya ,farxadkii ciidamadii maxakamadu wuxuu galay duurka iyo deegaanka miyiga si ay isugu urursadaan ,oo qaabjabhadayn ah isu abaabuleen.

 

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland calicoomay@hotmail.com

 

Raad-raac:

Colaadihii Geeska………………………….Cali Cabdi Coomay