Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Burco Maamulka Gobolka Iyo Wasaarada Caafimaadka Oo Ku Fashilmay Inay La Tacalaan Dhaawacyadii

0
38

Burco(Waaheen) SaddQof Ayaa Ku Dhintay ilaa Toddobo kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay duleedka Magaalada Burco kaas oo ahaa nooca looyaqaano noohada

Cusbitaalka guud ee Magaalada Burco Ayaa Loo La Soo Cararay Dhimashadii Iyo Dhaawacyadii kuwaas Oo Wakhtigaa Ay Dhaawacyadu Ahayeen Kuwo Halis Ah islamarkaana cusbitaalka guud ayaa ahaa mid haawanaayay oo aanay joogin wax dhakhaatiir ah iyo kalkaaliyaal caafimaad oo buuxa

Dhaawacyadan oo aan xamilikarin saariiraha madhan ee bilaa daawada ah ayaa waxaa goobta yimid isuduwayaasha wasaaradaha biyaha iyo xanaanada xoolaha oo dhaawacyada ay ku jireen dad ehel u ah waxaanna ay lahadleen dhakhaatiirtii iyo isuduwaha wasaarada caafimaadka kuwaas oo ka qaban waayay taleefanada gacanta qaarna guryahooda loogu tagay balse ay dideen inay soo racaan

Badhasaab ku xigeenka gobolka togdheer maxamed diiriye xayd oo lalahadlay ayaaisaguna tahli kari waayay inuu usoo gurmado dadkiisan jilicsan ee dhibaatadu ku habsatay

Dhaawacyadii waxuu waagu ugu baryay sariiro bilaa daawo ah haddaba cusbitaalkan ayaan lagu tilmaami Karin mid bulshada u adegaaya waa goob furan oo aanay waxba uga hoosayn