CUDURKA FAALIGGA: Qeybtii 2aad

0
16

xasanWaa markale iyo maqa

aladeennii taxanaha ahaa ee caafimaadka bulshada, maanta waxaynu sii ambaqaadi doonnaa mawduucii aynu bilownay todobaadkii hore, kaasoo ka hadlayay cudurka faaligga oo aynu wax ka soo tilmaannay sida uu ku yimaado. Maanta waxaynu ka hadli doonnaa siyaabaha la isaga ilaaliyo cudurkan iyo waliba sida lagu daweeyo.

 

Sidaynu isku waafaqnay maalintii hore cudurkani waxa uu xidhiidh dhow la leeyahay habdhiska dhiig-wareegga, sidaa darteed ka hortagga cudurkanna waxaynu xooga ku saari doonnaa habdhiskaas. Guud ahaan qof walba wuu ku dhici karaa xanuunkani, laakiin waxa jira dad khatartay ugu jiraan cudurkani ay ka badan tahay bulshada kale. Khatartan dheeraadka ah waxa keena qodobbo dadkan laga helo oo ay dadka kale kaga duwan yihiin, qodobbadan oo afka qalaad lagu yidhaa Risk Factors waxa ugu muhiimsan:

1- dhiig-karka: cadaadiska dhiigga ee sareeyaa waxa uu saameyn weyn ku leeyahay xididdada dhiigga. Waxay baadhitaannadu sheegeen in uu dhiig-karku keeno khatar gaadhsiisan 50%, sidoo kale dhinaca ka hortagga hadaynu ka eegno, cadaadiska dhiigga oo aad hoos u dhigto 10/5 mmHg, (10 mmHg systolic or 5 mmHg diastolic) waxay yaraysaa khatarta cudurkan 40%. Marka aynu leenahay dhiigkarkaa dhibtan keena, macnaheedu waxa weeye inay soo galayaan dhamaan sababaha kor u qaada cadaadiska dhiigga oo uu QAADKU ugu horreeyo marka wadankeenna laga hadlayo.

 

2- gariirka wadnaha (Atrial Fibrillation): (FG: xanuunkan ma maqal erey-bixintiisa soomaaliga ah sidaa darteed magaciisa ayuun baan fasiray). .. markaan ka hadlayo gariirka wadnaha maaha macnaheedu xanuun fudud oo uu qofku iska sheegan karo, ee waxaynu ka hadlaynaa xanuun khatar ah oo saameeya garaaca wadnaha, islamarkaana keena xinjiro ku samaysma wadnaha dhexdiisa, oo marka uu dhiigga tuurayo raaca kadibna xidha xididdada yaryar ee maskaxda dhexdeeda, tanina waa hab ka mida hababka uu ku yimaado xanuunkani. Dadka xanuunkan qaba, sannad kasta 5% ka mid ah ayuu faalig ku dhacaa, sidaa darteed in la daweeyaa waa lagama maarmaan.

 

3- macaanka (Diabetes Mellitus): iyo waliba subagga badan (hyperlipidemia) iyaguna khatarta cudurkan aad bay kor ugu qaadaan.

 

4- qodobbada kale waxa ka mid ah: Sigaarka, khamriga, buurnida xad dhaafka ah, socod la’aanta, cuntada aan isu dheelli tirnayn, iyo xanuunnada dhiigga gaar ahaan kuwa saameeya saxanyarooyinka qaabilsan xinjirowga dhiigga.

 

Guud ahaan qodobadan ayaa ugu waaweyn sababaha cudurkan. Inaad iska ilaalisaana waxay yaraynaysaa fursadda uu cudurkani kuugu iman karo. Waxa jira qodobbo yaryar oo badan oo aan waxba laga qaban Karin, Sidaa darteed halkan kumaan xusin.

 

Xagga daaweynta haddaan ka hadlo, sida maskaxdaada ku jirtaba xanuun walba marka aynu dawaynayno waxaynu is waydiinnaa sidee buu ku yimid iyo maxaa keenay? Labadaas marka laga soo jawaabo ayaynu dawo heli karnaa. Waxaan filayaa in aad labadaasba jawaabahoodi iga hayso, se aan ku xasuusiyo oo kaliya, ee adna sidii Dhakhtar iila fikir oo ha iga jeedsan hawsha uma kala tagaynee.

waxaan kuu sheegay in cudurkani laba siyood ku yimaaddo oo kala ah:

ama dhiigga oo maskaxda ka xidhma, ama dhiiggoo furma. Waa laba hab oo iska soo horjeeda, sidaa darteed daaweyntooduna waa isku caksi. … waad ila arki kartaa sida aanuu xanuunkani u sii cuslaynba. .. aan mar kale kusoo xasuusiyee cudurkan 80% waxa keena dhiigga oo ka xidhma maskaxda, tan macnaheedu waxa uu yahay hadii maanta aad cusbitaal joogto oo laguu keeno 10 qof oo faalig ku dhuftay, ugu yaraan 8 ka mid ah dhiigga ayaa ka xidhan maskaxdooda, oo xinjir yar ayaa xidid dhex fadhida,  ee si aad u daweyso dhiigga uun u fur ka dibna dadkii laguu keenay iyadoo dhinac qallalay iyagoo lugaynaya ayay kaa tagi, oo waliba kuu ducaynaya.

sannadkii 1996 bishii june, ayaa hay’adda daawooyinka maraykanku ansixisay dawadii ugu horaysay ee sidanoo kale u shaqaysa, iyadoo burburisa xinjiraha xidhaya dhiigga, waa dawo loo yaqaan magacyo badan sida, “clot-buster”, Activase (Alteplase recombinant), tissue plasminogen activator (tPA).

 

8 qof waad daweysay, ee labadii hadhayna ha ilaawin. Dadka dhiiggu kaga furmo maskaxda way adag tahay in la daweeyaa, oo inta badan waxaynu u baahanay inaynu helno isha dhiiggu kasoo burqanayo, taasina way adag tahay, sidaa darteed marka u horeysa si aynu qofka u badbaadino isla markaana u helno waqti aynu baadhitaanno ku samayno waa inaynu islamarkaba la dagaalanno cadaadiska maskaxda oo kor u kacaya. Waxaynu ognahay in maskaxdu ku jirto meel xidhan oo dhinac walba laf kaga wareegsan tahay, halka dambe ee xangullada ee ay qoorta iska galaan mooyaane, sidaa darteed marka uu dhiiggu ku furmo waxa uu kor u qaadaa cadaadiskii madaxa dhexdiisa ka jiray, oo waxa uu marmarka qaar gaadhi karaa in maskaxdii u adkaysanwaydo xooggan cadaadinaya ka dibna ay ka baxdo daloolkii kali ahaa ee ay haysatay oo ah xagga sare ee qoorta, marka uu qofku halkaas gaadhana dhimashaa xigta. sidaa darteed waxa loo sameeyaa wax kasta oo lagu yarayn karo cadaadiskaas, xataa hadii ay noqoto qalliin maskaxda ah oo dhinac ka mida lafta aynu ku saarayno, si aynu daaqad madaxa uga bannayno,  oo ay maskaxdu dibadda ugu soo baxdo, isla markaana sidaa ku yareyno cadaadiska maskaxda oo kor u kacaya marka dhiiggani sii batoba,

 

Dabcan dawooyin badanoo kale oo la siiyo labadan noocba way jiraan. Laakiin waxa kaliya ee aan hadalkayga ku soo koobayaa fikradan oo hadii aad intan uun fahamto maqaalkaba intaasaa kaaga filan: “faaliggu waa cudur ku yimaadda laba hab oo isku caksi ah, isla markaana daaweyntoodu isku caksi tahay. (xididka furmayna xidh, xididka xidhmayna fur) sidaa darteed waa inaad garato nooca keenay oo aad 100% hubto, ka dibna daawadiisa bixiso, .. halkanoo kale waa meelaha tirada yar ee aan laga ogolayn qalad xataa 1% ah, Mas’aladuna waa geeri iyo nolol”.

 

Ra’yi, faallo, sixitaan, iyo su’aalba: hassanweli10@gmail.com