Maayarka Iyo Xildhibaanadii Deegaanka Oo Yurub Dalxiisaya Iyo Daadad Hafiyay Hargeysa Oo Wadooyinka Dhigay Dhagax,Camuud Iyo Qashin

0
37

Shacbiga Hargeysa Oo Baafinaya Gollahii Deegaanka Ee Ay Doorteen

dalxiskaHargeysa(Waaheen)-Roobab xoogan oo ka da’ay shalay magaaladda Hargaysa ayaa waxyeelooyin badan u gaystay wadooyinka magaaladda, daadad ka soo fatahay biyo mareenada magaaladda ayaa wadooyinka ku soo afrogay dhagaxaan,qashin iyo ciid aad u badan.Suuqyada Hargeysa ayay gaadiidku la cadilnaayeen martaankooda iyada oo la arkaayay gaadiid tiro badan oo ku waxyeeloobay daadadka magaaladda qarqiyay ee ciida iyo dhagaxa wadooyina sida siman u dhigay.Arintan ayaa ku soobeegmaysa iyada oo maayarka iyo xildhibaanadii golaha deegaanka ee Hargeysa loo doortay ay dalxiisayaan dalka Sweedan iyaga oo qaarkooda lagu wado inay u sii dhaafaan dalal kale oo Yurub ka mid ah, sida oo kale waxa barayahanba taagnaa shaqooyinka dawlada hoose oo ay inta badan adeegayaashii ka maqan yihiin.Dhanka kale mid ka mid ah gaadiidka yar yar ee magaaladda ayuu qaaday dooxa Hargeysa, gaar ahaan wadada laamiga ah ee ka talawda saldhiga New Hargeysa isaga oo aan wax gargaar ah cidna ka helin.Shabiga Hargeysa ayaa baafinaaya xildhibaanadii deegaanka ee ay codkooda u hureen.