Mudaharaado Lidi ku ah Xukumada iyo Guurtida oo laga Cabsi Qabbo in ay Arbacada ka dhacan Hargeysa

0
51

 

Xisbiyada Mucaaridka iyo Shacabka Somaliland oo   u  dhegtaagaya Maalinta Arbacada ah mudada ay kordhiyaan Gollaha Guurtida

Mudo HaraadHargeysa (Waaheen) Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa Waxa Habeenadii ugu danbeyey laga Dareemayey  Abaabul balaadhan oo ku waajahan Mudaharaado la Filayo in ay Dhacaan Maalinta Arbacada ee Gollaha Guurtida ee Somaliland u Balan Sanyihiin Muddo Kordhinta Xukumada Madaxweyne Siilaanyo ee Maalmaha Koobani ka Hadhay Cimrigeedii.

Warar Hoose oo Waaheen Heshay ayaa sheegaya in Banaanbaxyadan ay Abaabulayaan Qaar ka mid ah Shacabka Reer Hargeysa oo ka Soo horjeedda  Muddo Kordhin loo Sameeyo Xukumada Siilaanyo oo ka Baddan Halka Sanno ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland sheegen in ay ku Qabban karaan Doorashooyinka Gollaha Wakiilada iyo Madaxtooyada.

Banaanbaxyadan la Fillayo in ay Maalintaasi Arbacadaha dhacaan ayaa waxa la sheegayaa in ay ka dhasheen markii Dadweynaha Reer Hargeysa Maqleen in Gollaha Guurtidu Doonayaan in ay Kordhiyaan Labba Sanno, isla Markaana Xukumadu ku bixinayso Lacago baddan si ay u Kasbato Codka Gollaha Guurtida ee ah in Muddo Labba Sanno ah loo Kordhiyo.

Waxa kale oo iyaduna Jirta in Xisbiyada Mucaaridka ay u  dhegtaagayaa Maalinta Arbacada ah mudada ay kordhiyaan Gollaha Guurtida iyadoo laga Cabsi Qabbo in haddii Gollaha Guurtidu Kordhiso muddo ka Baddan Sannadka heshiiska Lagu ahaa  in ay Dalka ka Dhacaan Banaan Baxyo halis Gallin kara Nabbadgelayda Dalka.

Wasiirada ugu Tunka Weyn Xukumada Siilaanyo oo ka Shiray Muddo Kordhinta  siddii ay u Difaacan lahaayeen muddo kordhinta loo Sameeyo.