halinyarada Saaxil oo ka Soo Horjeedsaday Muddo kordhin loo Sameeyo Xukumada Siilaanyo.

0
110

Waxay Taageero u Muujiyeen Baaqii Suldaanka Guud ee Subeer Awal

berberaBerbera(Waaheen) Kulan balaadhan oo ay maanta oo ay taariikhdu tahay 4/5/2015-ta ay iskugu yimaadeen ururka isbahaysiga dhalinyarada gobolka SAAXIL ee marka magacooda la soo gaabiyo la yidhaa SYA,waxay kulan koodaasi ka soo saareen qodobadan:

1: in dhamaan dhalinyarada gobolka Saaxil ay taageersan yihiin go’aankii uu hormuudka u ahaa Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldan Xasan Suldan C/laahi,ee ahaa in wakhtiga komishanka qaranku ay cayimeen in lagu saleeyo mudo kordhinta ay guurtidu wado iyo mawqifkii geesinimada lahaa ee beelaha Subeer Awal Arintaasi ka soo saareen.

2: ururka dhalinayaradu wuxuu canbaareynayaaa cid kasta oo ka hadaba hadashay Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal,iyadoo loo adeegsaday ,inay qaatada laaluush ama lacagta loo yaqaano waji ku macaashka,ha ahaato odayaal ama caaqilo,damiirkoodii iyo dadnimadoodii ku iibsaday shilimaan maalmo kooban ku baxaya oo barriba ka dhamaanaya oo weliba laga soo ururiyey hooyooyinka bacadka tamaandhada ku iibninaya iyo masaakiinta kale.

3: uruka dhalinyarada gobolka Saaxil wuxuu madaxtooyadda xusuusinayaa beenta ay u sheegayaan qaar ka tirsan madaxda gobolka Saaxil iyo dad kale oo wax magarato ah,kuwaasi oo had iyo jeer madaxtooyadda telefoonada u soo dira iyagoo u sheegaya been cad,waxayna inta badan u sheegaan in dadkii gobolku taageersan yahay xukuumada iyo wax-qabadka beenta ah ee dadka loo sheego,weliba waxay yidhaahdaan dadkani shirar ayaan u qabanay qaybihii kala duwanaa ee bulshada oo waa la idin taageersan yahay,inta badan hadalo noocaasi oo been ah, ayey u sheegaan madaxtooyadda, balse nasiib daro meeshan madaxtooyadda waa meel cid waliba wax u sheegto oo way iska rumaysataa,balse Siilaanyo hadii uu talinayo weli uu og yahay in aan gobolka Saaxil laga Taageersaneyn,arinatasina isaga way u cadahay hadii kale waa sida ay u sheegaan kooxaha had iyo jeer beenta u sheega madaxtooyadda ee danaha gaar ka ah leh waxana lagu tilmaami karaa ma gafayaal.

4: dhalinyaradu waxay uga digtay Saleebaan Gaal in uu horseedo qabyaalad qaawan,madaama oo sanadkii loo kordhinayey Daahir Rayaale uu diidanaa sanadkaasi ,iaydoo maantana uu u ololeynayo Siilaanyo in loo kordhiyo laba sanno,markaa waxaa cadaanaysa in Saleebaan Gaal wuxuu wadaa ay tahay Qabyaalad cad oo aan geedna loogu soo gaban,dhalinayaraduna saleebaan gaal arinatasi qabyaaladda ah waxay uga digtay.

5: dhalinyarada gobolka Saaxil waxay u soo jeedinayaan wax-garadka umadda Somaliland in meel looga soo wada jeedsado qorshe qorqooshka uu wado gudoomiyaha Guurtidu Saleeban Gaal iyo Siilaanyo ee ku waajahan in mudo kordhin laba sano ah loo sameeyo xukuumadda ku fashilantay kalsoonida umadda ee xaalkeedu noqday ha la ii kordhiyo.

6: ugu danbeyntii waxay dhalinyarada Gobolka Saaxil u soo jeedinayaan aqoon yahanka,siyaasiyiinta,culimadda,cuqaasha,salaadiinta,haweenka iyo guud ahaanba wax-garadka kale ee gobolka Saaxil inay meel uga soo wada jeestaan kala qaybin kasta oo ay u soo maleegaan Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo,isla markaana waa in meel looga soo wada jeestaa mudo kordhinta xaaraanta ah ee ay wadaan Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo,wixii ka danbeeya 26june waa in aan la qoonsan xukuumadda wakhtigeedii dhamaaday.

Af-hayeenka Ururka

Maxamed Xasan Cumar

Email:SYA1@gmail.com

Berbera/Somaliland