Warancade Oo Somaliya Ku Eedeeyay Inay Ciidan Somaliland U Soo Urursanayso

0
153

waran-cadewaxa maanta muuqata arintii siyaasadeed inay u rogayaan ciidan

Hargaysa(Waaheen)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland  M. Cali Maxamed Warancade ayaa Somaliya ku eedyeeyay inay wakhtigan ku da’dalayso inay ciidamo keeneen xadka ay la wadaagto Somaliland halkaasna uu ka dhici karo dagaal geeska Afrika mar kale saameeya.

Dhawaan ayay dawlada Somaliya ku dhawaaqday inay samayn doonto sadex kun oo ciidan ah kuwaas oo la filaayo in ay ku waajahnaan doonaan Somaliland, waxaan Wasiir Warancade uu sheegay in dalal ay kula kulmeen diba ay u sheegeen in Somaliya arimhii siyaasadeed ay u badashay kuwo dagaal.

Waxaana wasiirku isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Waxa aanu kala hadlay arin runtii khatar ku ah geeska afrika oo ay daba ka riixayaan maamulka Muqdisho oo ay doonayaan inay ciidamo ururis ah keenaan xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “wada hadalkii waxa fashiliyey dawlada Somaliya,runtii waxa maanta muuqata arintii siyaasadeed inay u rogayaan ciidan ,kuwaasi oo ay doonayaan inay xuduudka Somaliland keenaan ciidan Saddex kun ah ,taasi oo aanu wadamada aanu kulanay aanu kala hadalay sidii looga hortagi lahaa dagaal markale ka qarxa geeska Afrika” Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade.