Soo Afjarida Collaadii Taleex oo Gabogabo ku Dhaw.

0
79

Hargeysa(Waaheen) Dadaallo lagu Doonayey in lagu soo Af-jaro Coladii  u dhexeysay Labba Beellood oo walaalo ah isla Markaana  Dagaal  ku dhex Maray Magaalada Taleex ee Gobolka Xaysiimo ee Somaliland ayaa ku dhaw in Colaadaasi Xal waara laga gaadho.Waxa Dhexdhexaadinta iyo soo Afjarida Colaadaasi u tagay Taleex Wafti uu hogaaminayey Wasiirka Biyaha ee Somaliland, waxaana Waftigaasi ka mid ahaa Badhasaabka Gobolka Hargeysa, xildhibaano iyo Masuuliyiinta Gobolka Sool, waxanay Wararku intaasi ku darayaan  in haatan gabo-gabo ku dhawdahay soo Af-jarid  Colaada Labbadaasi Beelood.Qaar ka mid ah waxgaradka labada dhinac ee  colaaduhu ay dhawaan ku dhex-mareen deegankaasi ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay walaalahood kala xaajoodaan wixii dhacay.“Dadkii dhintay way naga wada-dhinteen wixii dhaawac ahna dhibkoodu waa mid nawada taabanaya, waxaan diyaar u nahay inaan wixii dhacay kawada hadalno,” ayuu yidhi  Saalax X. Cali Shire oo ka mid ah waxgaradka Taleex.