Safiirka Wareega Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Diyaar Garawga Maalinta Qaran Ee 18-Ka May, Shaqadiisa Iyo Arimo Kale

0
103

Waxaan Garab Siiyaa Oo Aan Isku Xidhaa Safiiradeedna Dibada

Hargyesa(Waaheen)- Safiirka wareega Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo waraysi uu siiyay Waaheen waxa uu kaga hadlay u diyaar garawga maalinta qaran ee 18-ka May, shaqadiisa iyo xaalada dalku halka ay amrayso wakhtigan.

Ugu horayntii Kaysar Cabdilaahi oo aanu wadiinay qabanqaabada xuska 18-ka May ee jaaliyada dibada ee Somaliland waxa uu yidhi “Run ahaantii jaaliyadaha dibada ee dalalka kala duwan kunooli waa kuwo dalkooda jecel oo marwalba kaalinta koowaad kaga jira horumarka dalkooda dhaqaale,nabadgalyo, siyaasad iyo aqoonsi raadinba iyada oo imikana la galay bishii May, 24 guuradii ka soo wareegtay markii aynu xoriyadeedna dib ula soo noqonay jaaliyaduu abaabul weyn ayay ku jiraan, gaar ahaan kuwa Ingiriiska oo madaama oo dadku badan yahay magaalooyin badan xusaska lagu qaban doono, abaabulkaas badan waanu ku dhiiri galinaynaa jaaliyadaha hawsha ay hayaana maaha mid dhanka dawladnimada uun ah, waxayna wadaan in Somaliland ay aqoonigeeda ka baadi doonaan magaalooyinkooda, damiirkooda nool ayaana ay ku qabtaan hawlahaas, anaguna ka dawlad ahaan iyo ka safiiro ahaanba waanu dhiiri galinaa da’daalka jaaliyadaha, waxaanu jaraynaynaa sanadkan inuu noqdo mid dunida dacaladeeda si weyn looga xuso.”

Safiirka wareega ee Somaliland oo aanu su’aalnay shaqadiisa bal inuu sharaxaad naga siiyo waxa uu yidhi“Shaqadaydu waa ka duwan tahay safiirada kale, tusaale ahaa safriika Ingiriiska inoo joogaa dalkaas uunbuu shaqo ku leeyahay, laakiin anigu waxaan ka hawlgali karaa meelwalba oo caalamka ah laguna hayo danaha Somaliland, waxaan garab siiyaa oo aan isku xidhaa safiiradeedna oo warbixino bileedyo iyo kuwa joogtada ahba soo gudbiya, sidoo kale waxaan wax ka qabtaa kolba meesha ay ii’igmadaan madaxweynaha iyo wasiirka arimaha dibada.”

Ugu danbayntii safiirka wareega Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo aanu waydiinay xaalka siyaasiga ah ee dalka sida uu u arko waxa uu yidhi“Arimaha dalka dawladii oo dhan ayaa joogta, laakiin hadaan aragti ahaan ka hadlo, waxana qorayaa in dalkeena horumar balaadhan uu ka hirgalay oo dadweynahu uu da’daalayo, dawladuna intii iteelkeeda ah ay da’daalayso, haday timaado siyaasadna dalka dastuur ayaa u dagsan, komishanka qarankuna waa kuwo u madaxbanaan hogaaminta arimaha doorashooyinka, waxay soo jeediyeen in halsano ay ku suurto gali karto in doorashada la qabto, madaxweynuu waa uu soo dhaweeyay, waa kuwo madaxbanaan oo dhex u ah xukuumadda iyo xisbiyadaba, runtiina xisbiyadu way taageereen, guurtiduna waa gole madaxbanaan oo aanay cidi faro galin karin, marka iyaga arinku yimaadana wadadii sharciga ahayd ayay ka marayaan, aniguna ma arko wax xisbiyada mucaaradka ah iyo cid kale toona ay ka qayliso.”