Daacish oo Dilal kii ugu horeeyey ka Fulisay Yaman, Xuutiyiina Laysay + Sawiro

0
70

Hargeysa(Waaheen)Ururka Daacish ee ka dagaalada wadamada ,Ciraaq,Suuriya,Libya iyo Yemen ayaa dilaal kala duwan ka fuliyey wadanka Yemen oo ay dhowaan soo gaadheen. Ciidamada ururkaasi ee ku sugan wadanka Yemen ayaa laayey 15 askari oo ka tirsanaa ciidamada Xuutiyiinta siday sheegeen ,kuwaas oo loo laayey habab kala duwan.

Ciidamadaasi ayay kusoo eedeeyeen inay ka leexdeen diinta Islaamka,iyaga oo qaatay mad-habka Shiicada,waxaanay qaar kamid ah ku dileen dhagxaan,halka ay kuwo kalena bireeyeen.

Sidaasna waxa lagu sheegay waraaq ay ururkaasi soo saareen,sidoo kalena waxay soo raaciyeen sawiro muujinaaya dilka ciidamadaasi ay sheegeen inay kamidka ahaayeen ciidamada Xuutiyiinta Yemen.

Dilalkan ayaa noqonaaya kuwii ugu horeeyey ee ururka Daacish ka fuliyo wadanka Yemen oo ay dhowaan soo gaadheen hordhaca ciidamo kamid ah ururka Daacish saldhigyadooduna ay noqon doonaan wadanka Yemen.